Gabiley (Hubaal) – Munaasibad Ballaadhan oo lagu qabtay Magaalada Gabiley, ayaa Beesha MADIGAAN (ANSAAR) ku sheegeen inay Cududdooda la Garab istaagayaan Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE ee u tartamaya Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka dhacaysa dhawaan Haddii Alle yidhaahdo.
Munaasibaddan oo ay ka qayb-galeen Waxgaradka, Madax-dhaqameed, Odayaal, iyo Boqollaal Qof oo Beesha Madigaan ah, ayaa waxay ku sheegeen inay Taageero la barbar istaagayaan Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE isla-markaana Codkooda siinayaan Maalinta Doorashada oo ku beegan 13-ka bishan November, 2017-ka.
Waxgaradka iyo Madax-dhaqameedka Beesha Madigaan (Ansaar) ee halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in markii ay muddo ka fikirayeen isla-markaana eegeen Dantooda iyo Danta Guud ee Qaranka , ay garteen in Xisbiga KULMIYE yahay ka Dalkan gaadhsiin kara Horumar.
“Waxaanu soo khatimaynaa Go’aankayaga oo ah inaanu Cududdayada iyo Codkayagaba siino Xisbiga KULMIYE, Annaga oo Ducadana raacinayna.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Ansaar Madigaan.
Mid ka mid ah aqoonyahanka Beeshaasi ayaa isaguna sheegay “Annagu hore ayaanu KULMIYE u ahayn, laakiin Waxaanu Maanta u wadnaa Xisbiga dardaaran iyo Duco. Annagu waxaanu KULMIYE ku taageernay Waxqabadka uu soo qabtay ee Ishu arki karto,.” Ayuu yidhi.
Xildhibaan Axmed Wayso-cadde oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Beesha Ansaar Madigaan, illaa Halgankii taageerada way la barbar taagnaayeen Beesha dhexe..”
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Mr. Garas oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Marka Madigaan Maqan yahay, Annaga ayaa Ducayna oo nidhaahna ‘Annagaa Duco yeel ah’, laakiin Marka Beesha Cabdiraxmaan Ansaar ay timaaddo waanu wareejinaa Ducada, laakiin Marka aad maqan tihiin ayaanu ducaynaa.”
Xubin ka mid ah Xisbiga KULMIYE oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Taageeradiinu waxay muujinaysaa in 13-ka Bishan November uu Muuse Biixi Cabdi noqonayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ka Markhaati kacaya Taageerada Beesha Ansaar Madigaan.’
Ugu Dambayn, waxa halkaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf waxaanu soo dhaweeyay Beesha Madigaan ee Taageeradooda la barbar istaagay Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE, waxaanu gaadhsiiyey Salaan uu uga siday Guddoomiyaha, ahna Musharraxa Xisbiga Muuse Biixi Cabdi “Musharruxu wuxuu yidhi Beesha Madigaan iga gaadhsiiya Salaan iyo inaad Taageeradiina Xisbiga iyo Anigaba Duco ugu dartaan.” Ayuu yidhi, Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE oo Xafladdaa oo gebogabeeyay.