Hargeysa (Hubaal) Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gabiley oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Gabiley ayaa dhaaliilay siyaasadda guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxaam-cirro ku doonaayo madaxtinimada dalka.
Oday-dhameedkan ayaa ku tilmaamay guddoomiye Cirro mid shacabka Somaliland aanney u sinayn, isla markaana gobollada qaar aannu u haysanba, waa siday hadalka u dhigeene inay Somaliland ka tirsan yihiin.
DAAWO:
Sidoo kale madax-dhaqameedkan ayaa waxay jawaab ka bixiyeen hadalkii guddoomiye Cirro ee saamiga gobolka Gabiley laga siiyay deeqdii waxbarashada oo guddoomiye Cirro sheegay in loo sad-buriyey