Gabiley Wey Gudubtay-Qalinkii: Cabdixakiim Maxamuud Maxamed

0
61

ASTAANTAAmintu waa duhur. Goor sheegtu waxay sii cagocagaynaysaa kowdii. Goobtu waa hal bowlaha jidka badhtamaha Gabiley. Waa duhur Ciid ah. Quruxda huga dadka cirroole iyo ciyaal, caamo iyo culimo ashqaraar ayaa ku dilaya. Farxadbaa dadka wajiyadooda ka muuqata. Caruur si qurux badan loogu soo labisay ayaa noocyo kala duwan u ciyaaraya. Badhkood leexo ka sammaysan sariir laba tiir dhexdooda lalmanaysa ayey guudka kaga fadhiyaan oo kolba dhan loo wandaafinayaa.  Koox kale baastoolad biyood iyo baaruudley ah ayey isku eryanayaa.“ Caruurnimo waa ciil laga weynaadday.” Cadceedda kululi maaha mid ciyaalka ka cabsi gelinaysa in ay ciyaarta sii wataan. Dhalinyaradda iyo duqayduba hadda ayey salaaddii duhur foodda ka soo qaaddeen. Sida ay xaafaduhu u kala dhowyihiin darteed, badhkood waxay waxoogaa is wareysi ah kula leexdeen makhaayadaha, halka raxan kale ay kusii gamaaro gurdaynayaan dhinaca guryahoodda. Wey tahay maalin guryaha     loo degdego loona buseelo. Waayo? Udgoonka hilibka ayaa guri kasta  ka soo kankamaya. Marka aad guryaha garab marayso dhareeraka ayaad dirqi ku xajisanaysaa, haddii uuna kaa soo qubanba. Saaka minasubaxdii hore, markii Salaadda Ciidda foodda laga soo qaadday ayaa xaafad waliba waxii ay heli karaysay  looggatay. Waxa aan nasiib u helay inaan noqdo tiro yar oo dhalinyaro u badan oo faras maqaalaha fadhi ku qaadatay qaddar  kooban qadada ka hor. Deganida magaaladda, is dhex gelka iyo jawiga guud ee magaaladda marka aad u fiirsato waxa aad mooddaa xaafad ka tirsan Hargeysa. Cirku wuu rooban yahay waxa kuu muuqanaya daruur culayskooda darteed aad garanayso in aan goor sidaa u sii fogayn cirka iyo dhulkuba isku ekaan doonaan. Laydh iyo naacow qabow ayaa daafaha magaaladda ka soo dhacaysa.

Xagga dhismaha, Gabiley waxay leedahay guryaha inta badan dhulka Soomaalida ku yaalo oo intooda badan dhawaan farta laga qaadday, tiro aan badnayn oo guryo hal ilaa laba dabaq ah. Goobo wax barasho, xarumo caafimaad  iyo hay’ado dowladeed.  Magaaladdu waxay ay leedahay dhowr waddo laamay ah, taasoo si fudud lug iyo baabuurba loogu dhex mushaaxi karo  xaafadaha iyo dacallada magaaladaba. Sidoo kale, magaaladdu waxay leedahay dhakhtar marka laga tago qalabka iyo tirade dhakhaariirta joogta, kafayn kara baahida gobolka iyo tan degmadaba.

Si kastaba ha ahaatee, hal qodob oo lagama maarmaan u ah qiimaynta iyo quruxda magaaladdu waa waddooyinka laamayda ah ee magaaladdaasi leedahay. Dhismaha magaaladdu waa lama huraan in uu ku bilowdo qorshe iyo qiimayn khubaro  ku takhasustay cilmiga qaabaynta iyo qurxinta magaalooyinka (architecture and urban panning). Inaga, Soomaalilaan, middaasi wey inga maqan tahay, magaalooyinku iskood iyo rabidda qofka dhismaha leh ayey ku abuurmaan. Middani maaha mid Galbiley lafteeda ka maqan. Tirada waddooyinka laamayda ah ee illaa hadda ay leedahay magaaladdu waxay u eegyihiin kuwa aan laga ballaadhin karin laba haad. Dhan walba waxa kaga soo siqaya xaafaddo  iyo goobo ganacsi. In meheraddo iyo goobo dukaamaysi waddada soo galaan waa wax iska caaddi noqday magaalooyinka waaweyn ee Soomaalilaan iyo magaalooyinka Soomaalida guud ahaa.Waa hubaal in cooshado yaryar oo faras maagaalaha ama waddooyinka hareerahoodda laga taagaa ay wax badan u dhimayaan bilicda magaalo kasta. Sidoo kale waddooyinka oo afka laga soo gala halisteedda ayey leedahay.

 Guntii iyo gabogabadii, “ Biyo daatay dabadood la qabay.”  Inaga oo ka faa’iidaysanayna culayska ay inagu hayaan waddooyinka cidhiidhiga ahi Soomaalilaan, sida Hargeysa oo kale, waa in magaalooyinka soo karaya sida Gabiley oo kale, qolooyinka ay qusaysaa sida dowladda hoose, iyaga oo dadka dageenka la kaashanaya loosameeyaa qorshe mustaqbal oo quruxbadan si magaalooyinkeennu kuwa caalamka ee casriga ah ula jaan qaaddi karaan.

Cabdixakiim Maxamuud Maxamed

ubaxlemaxamed@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here