“Anigu inanka yar xaalkiisa waxba uma arko, laakiin ninka falkaas ii geystay ee dhaawacyada ii geystay waa ninka magaciisa beddelay ee Muniir la yidhaahdo,…..”Aqoonyahan Jaamac-jiir
Hargeysa:(Hubaal)-Aqoonahan Jaamac Cilmi Jiir oo caan ku ah qoraallada iyo soo bandhigidda aragtidiisa dhinaca siyaasadda, ayaa waxa maalintii shalay dhaawacyo culus oo heer jabniin ah soo gaadhsiiyey gacan-yareyaal saaxiib dhaw la ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, kadib markii ay saluugeen qoraallo uu xisbigaas ku dhaliilayo oo uu dhawaan baahiyey.
Weerarka lagu qaaday aqoonyahan Jaamac Jiir, ayaa waxa fuliyey koox uu Ex. Wasiir Xirsi ku qadhaabto, kuwaas dhibsaday qoraallo uu aqoonyahanku aragtidiisa ku cabiray oo la xidhiidha xisbiga WADDANI.
Aqoonyahanka oo oo ugu horrayn sharraxay sababta lagu weeraray, ayaa waxa uu yidhi,“beryahan dambe waxan soo bandhigayey maqaallo ay karaahiyeysteen xisbiga WADDANI, liddina ku ah oo aan ku eedaynayey Federal, hoggaamiye-kooxeedyo halis ah iyo qabyaalad hubaysan, kadib waxan warbaahinta mariyey maqaal aan aragtidayda ku cabirayo.”
Waxa uu intaas ku daray,“waxa markii ay saacaddu ahayd 11:30am, hawlgal halis ah oo uu ka dambeeyo wasiirkii hore ee madaxtooyada oo ah ninka isku sheega hoggaamiyaha WADDANI igu soo qaaday ciidankiisii oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii wargeyska Today oo ah ninka magaciisa beddelay iyo nin yaroo Cali-mahdi la yidhaahdo oo saxafi sheegta, balse aan ahayn, ayaa aniga oo nin u sheekaynaya ninka Muniir la yidhaahdaa hanjabaad wejiga ah iyo dagaal igu qaad qaaday, waana hawlgal uu WADDANI Ka dambeeyo”.
Waxa uu caddeeyey in koox tiradoodu gaadhayso ilaa toban nin ay iskugu tageen, kuwaas oo uu qaarkood magacaabay,“Koox taabacsan WADDANI, ayaa nimankaas la socday oo tiradoodu tahay ilaa toban nin oo ii cadhaysnaa oo lahaa ninkani siduu Xirsi wax uga sheegayaa oo haddii aan Muniin ahay wax iiga sheegayaa, isagaana kayar ee Cali-mahdi soo adeegsaday, laakiin waan la dagaallamay oo dhulkaan dhigay, laakiin waa la iskugu kay tegay”ayuu yidhi aqoonyahan Jaamac Jiir.
Isaga oo baaxadda dhaawacyada gaadhay ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi,“gacanta dhaawac baan ka qabaa oo way I jaban tahay, foolka saree e dhinaca midigna wuu I saaran yahay, markii dagaalku dhammaadayna ninka magaciisa beddelay ee Muniin lagu sheego ee Xirsi u shaqeeya, ayaa ninkii ila dagaallamay gaadhigiisii kula baxsaday.”
Mar uu ka hadlayey cidda uu sida gaarka ah ugu tirinayo weerarka lagu qaaday waxa uu hoosta ka xarriiqay inaanu ka tanaasuli doonin mabda’iisa siyaasadeed iyo aragtida uu aaminsan yahay“anigu inanka yar xaalkiisa waxba uma arko, laakiin ninka falkaas ii geystay ee dhaawacyada ii geystay waa ninka magaciisa beddelay ee Muniir la yidhaahdo, weligayna mabda’ayga siyaasadeed kama hadhi doono, haddii la igu dilayo iyo haddii la igu aflegaadaynayaba, waxana la igu soo qaaday weerar argagixiso”ayuu yidhi Jaamac Jiir.
Ugu dambayntii waxa uu shaaciyey inuu kooxda dhaawaca gaadhsiisay sharciga la tiigsan doono, isla-markaana aanu ka hadhi doonin, waxana uu yidhi,“hay’adaha ammaanka waxan ka codsanayaa in wiilka yare e Muniin iyo wiilasha la socday si degdeg ah sharciga loo horkeeno oo sharciga la waafajiyo.”
DAAWO Muuqaalka Dhibanaha