“Gacantii Cirro Ii Taagay Waxa Ay Ahayd Gacan Munaafaq Sida Aan Anigu Aaminsanahay,Intii Uu Gacanta Ii Taagi Lahaa Inuu Caddaalad Ii Sameeyaa Ka Fiicnayd.”

0
40

door

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ujeeddada gacantii uu keligii u taagay guddoomiye Cirro shirkii golaha dhexe ee xisbigaas labada garab u kala jabiyey.

Axmed Muumin Seed oo isaga oo magaalada Berbera ku sugan warbaahinta la hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inay gacantaasi ahayd mid hoosta ka wadata ujeeddo kale, waxana uu yidhi,“gacantii Cirro ii taagay waxa ay ahayd gacan munaafaq sida aan anigu aaminsanahay, waayo intii uu gacanta ii taagi lahaa inuu caddaalad ii sameeyaa ka fiicnayd.”

cirroGuddoomiye Seed oo hadalkiisa sii wata, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu guddoomiye Cirro iska doonayo inuu si dhib yar ku noqdo madaxweynaha dalka, isla-markaana aanu diyaar u ahayn inuu tacab galo,“ninka doorkii mucaaridnimada qaatay ee meelkasta marayey aniga ayuu ahaa, saaxiibkay Cirro-na hadhka golaha wakiilladu ayuu iska fadhiyey waxana uu rabaa in isaga oo hadhka fadhiya intuu laamiga ka tallaabo uu madaxtooyada galo, laakiin kursigu in cadceedda loo baxo oo tacab badan la galo ayuu u baahan yahay.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Axmed Muumin Seed, ayaa xisiga WADDANI ka goostay garab ballaadhan oo ay isku aragti ka yihiin caddaalad-darradii ka dhacday shirkii golaha dhexe ee xisbigaasi ku doortay murashaxiintiisa, waxana uu haatan ku gudo jiraa safarro uu gobollo kala duwan oo dalka ku maraya, isaga oo la kulmi doona taageerayaashiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here