“Galmudug Waxay Caddeynaysaa In Kooxdani Ay Xidhiidh Dhaw La Leedahay Iiraan”

0
85

Cadaado(Hubaal-W/wararka)- Maamulka Galmudug ee Somalia, ayaa dawladda Iiraan ku eedeeyay inay taageero siiso kooxda maamulkaasi dagaalka kula jirta ee Ahlusunna. Maamulka ayaa ku doodaya in Iiraan dano gaar ah ka leedahay kooxdaasi, islamarkaana kala qaybinaysa bulshada reer Galmudug. maamulka galmudugWasiirka warfaafinta u qaabilsan Maamulka Galmudug  oo saxaafadda la hadlay ayaa dareenka maamulkoodu ka qabo taageerida Ahlusunna sidan u sharaxay “Galmudug waxay caddeynaysaa in Kooxda Sufa [Ahlusunna] ay Xidhiidh dhaw la leedahay Iiraan, dalkaasoo u fidiya taageero noocyo kala duwan leh, iyadoo dowladda Iiraan ay dan-gaar ah ka leedahay deegaannada Galmudug. Waxaa wax laga xumaado ah in Waqtigaan Xasaasiga ah ee ay shacabka deegaanka isku diyaarinayaan inay Aayahooda ka Tashadaan shaqsiyaad ama kooxo raba inay iska-hor-keenaan Walaalaha Galmudug, balse Galmudug Waxaa ka go’an in Deegaannadeeda la Nabadeeyo, si Shacabka loogu Horseedo Amni iyo Wax-wada-qabsi.” Wasiirka Warfaafinta Galmudug  Maxamuud Aadan Cismaan, ayaa sheegay inaanu shacbigu wakhtigan u baahnayn dagaal, islamarkaana aan loo dulqaadan doonin cidda iska horkeenaysa “Bulshada ku nool deegaannada Maamulka Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan maamulkooda Nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo sidii loo Sugi lahaa Amniga, si ay Shacabka u helaan Nabad-galyo buuxda iyo Horumar joogta ah.” Waxa uu baaq u diray xukumadda Muqdisho “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu Baaqaynaa inay Dowladda Iiraan kala Hadasho Fara-gelinta iyo Car-qaladda ay ku hayso Deegaanno ka mid ah kuwa Maamulka Galmudug, isla markaana joojiso Taageerada ay siinayso Kooxda Sufa.” Ururka Ahlusunna ayaa todobaadkan degmada Caabud-waaq kula dagaalamay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug kadib markii labada dhinac isku fahmi waayeen maamulka degaammadaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here