Hargeysa (Hubaal) Mulkiilaha huteelka Guuleed, Ganacsade Cali Xasan Guuleed ayaa tacsi u diray eheladii, gaar ahaan reer Gabba-xaddi ee uu ka baxay Alle u naxariistee Marxuum Axmed-yaasiin Gabba-xaddi oo Sabtidii lasoo dhaafay ku geeriyooday dalka Imaaraadka, maanta oo khamiis ahaydna lagu aasay magaaladda Hargeysa.
Farriin qoraal ah oo Ganacsade Cali Xasan Guuleed soo gaadhsiiyay Hubaal ayaa u dhignayd sidan; “aniga oo ku hadlaya magacayga, ka huteel Guuleed iyo guud ahaan magaca reer Xasan Guuleed, waxaan tacsi u dirayaa reer Gabba-xaddi oo aan ka tacsiyeynayo geerida ku timid Axmed-yaasiin Gabba-xaddi ee maanta (shalay) si heer qaran ah loogu aasay magaaladda Hargeysa, dhammaan shacabka iyo madadxda qaranka mucaarid iyo muxaafdba aan loo kala hadhin gelbida marxuum Axmed-yaasiin Gabba-xaddi, oo aan leeyahay Illaahay naxiirtiisii janno haka waraabiyo.
Reer Gabba-xaddi waa reer taariikh dheer ku leh dalkan, Alle waxaan uga baryayaa Axmed-yaasiin inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, intii Eheladiisii ahaydna Alle haka waraabiyo, inta jiiraan la ahna Alle haka waraabiyo, Inteenii innaga baxdayna Alle haka waraabiyo jannooyinkiisa. Dhammaan dadka reer Somaliland ahna Samir iyo Iimaan Saadiq ah Alle haka siiyo……..Aamiin………………Aamiin.”
Cali Xasan Guuleed