Ganacsade Ku Dhaawacmay Rasaas Uu U Ku Furay Mid Kamid Ah Askarta Ilaalada Hotel Maansoor Ee Berbera

0
103

garas5

Berbera (Hubaal) Mulkiilaha macradka baabuurta ee Kayse Motors, Keyse Aadan Garas ayaa dhaawac culis kasoo gaadhay, rasaas uu askari ka tirsan ilaalada huteelka Maansoor ee Berbera ku furay shalay.

Ganacsadaha ayaa rasaastu ku dhacday maanta abaaro duhurkii xiligaasi oo uu ku sugnaa badda xeebta Batalaale, waxaana kadib loo soo qaaday dhinaca magaaladda Hargeysa oo xaaladiisa caafimaad lagula taacalayaa cusbitaalka Gargaar, ee Hargeysa. Sida uu Hubaal u xaqiijiyay qof Cusbitaalka ku sugnaa markii dhaawaca ganacsadaha la keenay cusbitaalkaasi.

kayse garas

Dhinaca kale taliyaha booliska ee gobolka Saaxil oo shabakadda HWN oonu warkan kasoo xiganay, ugu waramay khadka telefoonka ayaa sheegay in wakhtigaasi Ganacsade Keyde Garas uu kasoo baxay dhinacaa iyo badda Batalaale, kadibna uu usoo kacay dhica huteelka si uu uga meydhmeydho, dabadeedna is-af-dhaaf ka dhashay hadal dhexmaray isaga iyo askarigii ilaalada ka ahaa hoteelka uu keenay inuu rasaas rido askarigi. Waxaana uu taliyuhu sheegay in wakhti xaadirkan uu askarigaasi falka gaystay xidhan yahay, iyadoo taliyuhu uu xusay inaanay jirin aqoon askarigaasi iyo ganacsadaha ka dhexeysay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here