Hargeysa, (Hubaal) – Ganacsato Yamaniyiin ah ayaa cabasho ka muujiyay tacadi ay sheegeen inuu soo noqnoqday oo uu ku hayo Taliye ku xigeenka Waaxda Socdaalka Somaliland.
Ganacsatadan oo uu hoggaaminayay Bassam Cawad oo saxaafadda u waramay doraad ka dib markii uu ka soo baxay Xartunta waaxda Socdaalka oo uu sheegay in saacado lagu xayiray ayaa waxaa uu yidhi. “Magacaygu Waa Basaam Cawad Cali. Waxaan ahay Mulkiilaha Shirkadda Basaam oo Somaliland maalgashatay kana wada hawlo ganacsi oo sifo sharci ah ku jira….Waxan halkan kaga cabanayaa Taliye ku xigeenka waaxda Socdaalka Somaliland oo igu haya hatigaad, Xadhig iyo weerar joogto ah anigoo aan wax danbi ah ka galin Qaranka Somaliland.
Sababta noo keentay waxa weeye oo uu noogga hiilinayaa nin arrimo ganacsi na dhex- maray oo dacwaddayadu ka socoto Maxkamada Godbolka Saaxil. Dacwadayadu waxaa ay bilaabantay 13/11/2014.
Waxaanan ninka taliye ku xigeenku iiga hiilinayo igaga maqan oo aan u tirinayaa inuu iga dhacay $,150,000 US Doollar. Laakiin, kiiskaasi mar hadii uu Maxkamadda ku jiro ka hor dhici maayo oo waxaan ku kalsoonahay waxaa iiga soo baxa Caddaaladda, laakiin, Iyaddoo loo balan-sanyahay fadhiyadii dacwadda ayaa waxaa khaati naga dhigay oo maanta (1-dii December) oo u danbaysay muddo saddex saacadood ah aan u xidhnaa Taliye ku xigeenka waaxdda Socdaalka Sablaale oo inta uu ila soo hadlay waqti aan shaqo socon oo habeenimo ah annigoo Berbera joogga yidhi kaalay xarunta markaan imidna yidhi Xidha. Saddex cisho ka hor sidoo kale ciidan buu noogu soo diray Xaruntayada Berbera waqti horena sidaan warbaahinta ugu baahinay Saqdhexe ayuu Na soo weeraray. Waxaana uu iigu hanjabayaa haddaad dacwadan ka bixi weydo dalkaan kaa mastaafurinayaa. Arrintana waaxda socdaalku uma dhamee waxaa ay ku koobantahay Taliye ku xigeenka waaxda oo ay ehel-yihiin ninka aanu is hayno, sida la noo sheegay.Markaa, Waxaan Xukuumadda Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici), Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde Golayaasha Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiillada iyo shacbiga Somaliland-ba ka codsanayaa in Tacadigan la igu hayo wax laga qabto oo sarkaalkan shaadhka dawladda iigu hanjabaya iyaddoo sharcigaygu dhamaystiran yahay la iga qabto oo hala eego Islaamnimadda iyo xidhiidhka way nee ka dhexeeyay taariikhiyan Cadan iyo Somaliland. ”