Ganacsiga Dameeraha Oo Soo Badanaya Iyo Waxyaabaha Ay Aaminsan Yihiin Dadka Loo Iib-geeyo Harragga Iyo Caanaha Dameeruhu

0
40

dameer

Koonfur afrika – (Hubaal) – Booliska dalka Koofur Afrika, ayaa sheegaya inay baadhayaan ganacsi xaraan ah oo ku saabsan haragga dameeraha, ka dib markii ay qabteen 5,000 oo Hargo ah. Howlgal ay booliska ka sameeyeen duleedka magaalada Johannesburg ayaa lagu soo qabtay haraggaas. Booliska waxay ka shakinayaan in dameero si sharcidaro ah loo qalay laga saaray Hargaha, kaas oo la doonayey in la geeyo Dalka Shiinaha. In haragga intaa la eg la soo qabto ayey booliska ku sheegeen inay dhabar jab weyn ku tahay kooxaha ka shaqeeya kotorabaanka. Ganacsiga haragga dameeraha ayaa laga faa’iidaa malaayiin dollar taas oo sabab u ah, Shiinaha oo laga isticmaalo daawo ahaan. Dadka qaar ee Shiinaha ayaa aaminsan in haragga uu daawo u yahay dumarka ay caadada ku xidhanto. Sidoo kale waxay u adeegsadaan daaweynta hurdo la’aanta iyo wareegga dhiigga. Howlgalka booliska ay ku soo qabteen haragga oo ka dhacay Benoni ayaa ka dhashay ka dib haweeney ka cabatay urka hilib qudhmay. Booliska qofna uma soo xidhin arrintaas, balse waxay sheegayaan inay hayaan macluumaad ku saabsan kooxda laga shakisan yahay inay gowreceen oo dhoofineysay haragga. Ciidamada amniga ee South Afrika waxay sheegayaan in xatooyada iyo qalidda dameeraha ay dhowaanahan ku soo badanayeen dalkaas tan iyo 2015-tii. Sanadkii tagay, dalka Burkina Faso ayaa mamnuucay dhoofinta haragga dameeraha. Dhanka Niger, dowladda waxay sheegtay in sare u kaca ka ganacsiga sharcidarada ah ee dameeraha ee loo qaado Aasiya ay halis gelisay tirada dameeraha ee dalkaasi. Ganacsi kaasi la mid ah, ayaa ka bilaabmay Dalka Turkiga, ka dib markii sida la sheegay la ogaaday in Caanaha Dameeruhu Daawo ka yihiin Xanuunka Kansarka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here