Garaadkii goonni-socodka Goor danbaa loo Aayay! – W/Q. Xamse Cabdi Ibraahin

0
84

Xareed Kaliil wuxu ku dhashay tuulada Gaatama, dabayaaqadii soddomaadkii. Aabbihii Kaliil Guuleed wuxuu dhintay goor qiyaas ahaan ku beegan 1943-kii. Maalmo yar kadib hooyadii waxaa

xamse cabdi ibraahinguursaday Oday hanti haysta magaaladana caan ka ahaa. Xareed way heshiin waayeen ninka hooyadii guursaday. Wax kalana kumay colloobine xoogaa xorriyadda ayuu ka qaaday, oo dhawr goor ayay isku afdhaafeen goor hore soo hoyo, isna wuxu jeclaa in uu tuulada ku habsaamo ama ku dib jiro ciyaaraha ama aroosyadana daba cararo… amarka lagu soo rogay wuu nacay gumaysi ayaanu u qaatay, agoonnimona wuu tirsaday.

 

Xareed ninka hooyadii guursaday kumuu farxin, hayeeshee hooyadii ayuu ku dhaafay. Laba arrinba wuu ku saluugay: Waa mide bakhaylnimo aanu koobka caanaha leh weligii u shubin, iyo amarkutaaglayn uu ku hayay isaga iyo hooyadiiba.

 

Iyaga oo sidaa isula caddiban ayaa adeerkii oo reer Cadmeed ahaa farriin soo diray uu ku codsanayo in inanka (Xareed) la soo diro mar haddii uu agoon   noqday si tacliin loo baro. Farriintaasi waxay ku saabsanayd Xareed iyo mustaqbalkiisa waxay ku qornayd fartii Cusmaaniyada   markii af-Soomaali loo rogayna waxay u dhignayd sidan:

 

Ku: Aamina Buux

 

Ka: Ducaale Guuleed

 

“Aamina waxaan kuusoo dirayaa salaamad ka  soo go’day kashka iyo laabta. Waan maqlay geerida walaalkay, ilaahay ha u naxariisto.  Wixii  hanti  uu ka tegay markaad dhaxasho   meherkaagiina    ka goosato  inta  hadha   Xareed  kusoo nooli, si aan tacliin u geeyo agoonka…Ninka farriinta idiin keeni doona waxaan idiinku soo dhiibay arrad tir adiga iyo inanka, iyo xoogaa mood ah. Waxa aan jeclaa inaad ii soo sheegto qaddarka meherkaaga haddii wax kuu baaqi  noqdaan si aan  moosinka  danbe  safarka kuugu  soo raaciyo. Sidaa iyo nabad gelyo.  Nooli kulantee.”

 

Ducaale

 

Markii farriintaasi soo dhacday hooyo Aamini way  war  wareegtay, waxaana maankeeda kusoo dhacay:  haddii  ay  inankeeda   beled  fog u dirto in aanay  dib u arki doonin. Hadana  waxa la tusay Xareed oo koray oo tacliin bartay oo iyada ehelkaba an facay. Labadaa arrinba waxay isku hirdiyeen maankeeda. Markii ay gorfaysayna  waxay talo ku goysay   in   ay   xaajigeeda arrinka   u   celiso, waxaanay tidhi:

 

“Xaaji  yarka  Xareed adeerkii baa yidhi ii soo dir, ee ka waran hadaan Cadan u diro?” Meel  aan rabay roob ma igu helay; xaajigu  arrinkaa   wuu u riyaaqay waanu  soo  dhaweeyay  wuxu   jeclaaday in waslada reerka ku dheeraadka  ah  laga saaro    oo    uu    markaas isagu reerka  isku dubo rito isaga  oo  faraxsanna  wuxu ku jawaabay:

 

“Haa inanka tacliin ku dar berri ka maalin waynu   u    aayi   oo   intifaacsan, aduunka maanta cilmi baa haga”

 

Waa beentiisa  arxan    uu    u    hayaa   ma jiro wuxu rabaa in si deggan hawlihiisa u maamusho reerkana  isku  dubbarrito. Islaantu  saygeeda  ha ixtiraanto   laakiin taladiisa way ka fekertay.      In      ay       inankeeda      beledshisheeye       ku madallufiso  way  ka  fiirsatay, arrinkiina  waxay  kula eeratay  abtigeed  oo  Cadmaawi  ahaa  bal in  ay  war  bixin ama khibrad  mid  uun  ka  hesho.   Galab intaanu  xaajigeedu   soo carraabin  ayay   u dhukustay  gurigii abtigeed.  Waxay  u tagtay odaygii   oo  ardaa   guriga    xoogaa   u   jira  doonyaystay, wuxu ku fadhiyaa  qadiifad midabyo kala geddisann leh, hortiisa waxaa qotonta falaas dheer, dhinaca midigna waxaa ka yaalla  kitaab, Masalle  iyo  sibitoor.   Is bariidin  iyo  xaalad guud ka dib waxay   Aamini bilowday  ujeedada socdaalkeeda, waxaanay hadalkeeda ku bilawday sidan:

 

“Abti  galabta waxaan kuugu imi arrin qoyska la soo dersay,  yarkii  agoonka ahaa  ee Xareed ayaa dhoof u soobaxay.  Adeerkiisii  reer  Cadmeedka  ahaa ayaa   codsaday  in  loo soo diro   si     tacliin loogu daro,  intaasaan  kuula imiye bal ka tali abti.”

 

Xaajigu  isagoo  caqli  iyo  xikmad is bidaya wuxu yidhi:

 

“ Abti arrinka aad ii sheegtay waa war  lagu farxaa.  Tacliintu  waa  gaashaanka  macaluusha. Tacliintu waa udub-dhexaadka   iyo   jiritaanka   ummadnimo. Tacliintu waa saadaashaa ilbaxnimada iyo horumarka. Tacliintu  waa sahanka  iyo  u  samafalka inta jilicsan. Noloshu maanta  sida la moodayo  ma  noqonayso  qofba  qofka  uu ka  tacliin sarreeyana  noloshiisu  ka xasilloon   oo   ka deggan  abti, waxba yuu  hadalku  ila durkine  haddii arrinkuba  tacliin iyo  wax barasho  khuseeyo  ha  walaacin  abtiyo;  inankana  u  ducee. Anigu  Cadan waanigii joogay  waxbarasho  tayo  leh ayaa taalla. Afaf kala gooni ah ayaa lagu hadllaa, berigaan ka imi    ammin   xoogay ah ayaan ka xammaashay  wixii aan tabcadayna waxaan  ku   dhistay  baraag,  dhawr tuludoodna waan ka iibsaday  iyo  qoriga aan geela bahalka kaga jiro. Haddii aan  ogaan  lahaa  tacliintu qiimaha ay maanta yeelatay  waxbaan  baran  lahaa  hadhawna   umadda  ayaan  hormuud  iyo hageba u noqon lahaa kolkaa  ha  walaacin  abtiye inanka dir.”

 

Hadalka xaajigu ka dhawaajiyay habrtu way  u  guuxday qalbigeedana wuu  wuu gil gilay.  Waxay maanka ku qabatay inankeedii   oo   heer   gaadhay,  oo  la  hareera yaacayo.  Intaa wixii ka danbeeyay hooyo Aamini waxay u hawlgashay una  tafoxaydatay  in   ay    inan keeda    anbabixiso.  Adhigii  marxuumka  ka dhintay  oo ahmin  u badnaa     ayay  xaraashtay.  Dad badan  oo islaanta   yaqaannay way  la yabeen!  Maxay adhiga  carrafada   ula sugi  wayday  ayaa   lays waydiiyay?    Laakiin iyada    inan keeda oo  anba baxa ayaa  ku  kaarweynaa.   Markii  ay   adhigii  xaraashtay   noolkiina  gacanta  ku  dhigtay  waxay  hadana    u    hawlgashay   ciddii   inanka  kaxayn  lahayd, masaafadaa    dheerna   lagu  aamini lahaa.  Waxay   u   baahatay  qof  beer  iyo  wadne  ah oo  inanka  lagu daro.  Waxay   ku  dhex-wareegtay  tuuladii  waxaanay baadhay  qof ehelka ah, islamarkaana  wado yaqaan ah   oo  marar hore  Cadan  u  socdaalay. Ugu danbayn  waxay heshay  Oday  Hayaan  la  odhan  jiray oo  beesha  ah.   Cadana   ganacsi  ka keena,  dhul mareenna  ahaa.  Odaygu   wuxu  dukaan ku  haystay  badhtamaha   tuulada  wuxu   haystay  ganacsi   wanaagsan  marka  loo eego  tuulada uu deggenaa.

 

Hayaan   aroor  hore  isaga  oo   dukaankii  dhig-dhigaya  ayaa  waxa  u timi  habartii  Aamina,    way  bariidiisay   in  uu maqli waayay  iyo in kale  mooyee  in  door  ah  ayuu  dhegaystay  hadalkeedana  iska dhego maray.  Odaygu  wuxuu  ahaa    kibraani   dukaanku  maalmaahaa  isugu   dubbo  dhacay  oo  aan   cidna  dan iyo muraad toona  ka lahayn. Mar danbe oo xaagaa  Islaantii  jactaday  ayuu xaggeeda  si dheel dheel  ku jiro  usoo eegay misuu  cod jilicsan  ku yidhi:

 

“Naa  waa tuma dee?”

 

“Xaaji waa  anigee, iskawaran?”

 

“Adiga  oo ayo ah, dee waa  tuma”

 

“Xaaji waa afadii marxuum Kaliil Guuleed”

 

“Haa, maad sidaa  u  hadashid mar hore   waaban  ku garan waayaye.”

 

Waa beentiisa  manuu  garan  waayine  waa  mukur iyo -ismakeeki, wuxuu is yidhi: Waa  habar baahi iyo busaaradi  kuu keentaye  arxan  ha  tusin; laakiin Aamini  meel aanu ka filayn ayay  ka fad-kudisay waxay hadalkeedii  ku bilawday:

 

“Xaaji  arrin aan kaala  fursan  waayay  ayaan kuula  imi”

 

“Oo maxay ah”

 

“Xaaji  yarkii   aad  adeerka  u  ahayd  ee  agoonka  ahaa (Xareed)  ayaa dhoof  tacliimeed  u  soo baxay”

 

“Haye”

 

“Adeerkiisii  Ducaale    ee  reer Cadmeedka  ahaa   ayaa  soo codsaday  si  wax loo baro, hadhawna  aan ugu badhaadhno”

 

Xaajigu  arrinkaa  wuu  ka  caga jiiday  waxaanu ka fekeray  safarka  dheer  iyo  masuuliyadda  wiil  yar  oo reer  Miyi ah. Markii  ay xoogaa  baridayna  wuxu  ku yidhi:

 

“Horta safarku  waa   dheer yahay; Ilme  kurey  ahna  in badda   lala  maraa  arrin  sahlan maaha yeelkeede anaa iskala  batalaqsanyee   waxaad  samaysaa  si  fiican u  soo nooli  jicsinka  iyo  waddo   maristana  ugu  soo dar.”

 

Nooli iyo jicsinba  way u haysaaye iyada  inan ka  oo la kaxeeyo ayaa u daran; farxad ayaanay muusootay  markii Hayaan aqblay in  uu kaxaynayo Xareed  illaa  Cadan. Waxa  ay waydiisay:

 

“Goorma ayaa  laga yaabaa  inaad  baxdo? ”

 

“Bil ka dib ayaan baxayaa  kolka  xagaagu  ina dhaafo”

 

“Haye  noolka ayaan u soo diyaarinayaa  iyo wixii  kale looga baahan  yahay.”

 

Haye  iyo hawraar  san   ayaa  lagu  kala tegay.

 

Hooyo Aamini  kolkay laabatayba  waxay sii  martay  kaboolihii  magaalada  waxaanay  wiilkeeda  u sii toshay  laba kabood  oo maas ah oo  uu  safarka  dheer  ugu  babac dhigo. Markii  ay  guriga gaadhay  Xareed  adhiga  ayuu ku maqnaa, galabtii  markii  la soo carraabay  oo  adhigu meel  guriga u dhow  mayracanayo  islaantuna  haan xoolaynayso  ayaa Xareed  oo harraaday guriga yimi. Wuxu  arkay  kabaha   maaska ah ee  quruxda  badan ee  saabka  ku jira.  Cag uskag badan ayuu ku qiyaasay, isagoo faraxsan intuu  debedda  u  soo  booday  ayuu   hooyadii  waydiiyay:

 

“Hooyo jaamahan yaa leh?”

 

“Hooyo  adaa lehe, alaab kalana waan kuu soo  iibinayaaye horta adhiga  soo xaree, arrina waan kuu sheegayaaye  orod  horta.”

 

Yarkii  isaga  oo faraxsan ayuu  caymaday, adhigii ayaanu xeradii  keenay, maqashiina  qoolka  wada galiyay. Islaantiina idihii iyo riyihiiba way  listay. Fiid hore ayaana  odaygii geelii soo xareeyay, geeliina  soo lisay. Markii  hawshii laga wada faraxashay  ayaa  shir la gingimay. Ardaa  guriga  hortiisa  ayay  la cammirtay. Qaddiifaddii  martidana waa la gogladay, halkaasaa  bariis cad oo caano iyo burcad  leh la hirqaday. Qaxwe geed-xamar lehna waa laga daba geeyay, waxaana bilaamay shirkii.

 

Shirka  waxaa gudoominaysay hooyo Aamina; Waxaanu daarranaa aayo ka talinta wiilkeeda Xareed  oo wax walba kala weynaa kalana wanaagsanaa. Xaajiga  islaanta dumaalay   aad buu  u jeclaa  in yarka la diro, laakiin marnaba  hawsha hooyo Aamina ku dhacday  dan iyo hello midna kama lahayn. Islaanta habeenkaa  hadal iyo hawraariba  waa    ay   ka  dhammaadeen. Waxaanay  hadalkeedii  ku  bilawday:

 

“Hooyo curadkaygiiyoow, dhaayahaygiiyoow, wadnahaygiiyoow kaan  ku indha kuushoow  maanta  iyo  maalintii   aabahaa  la  oofsaday waa  isku 13 gu’; Qaan gaadhkii laba gu’ ayaa kaaga dhiman horana waxa  loo yidhi  ‘Curad reer ku filan haddii   uu  bi’iyo iyo  hadduu badhaadhshaba’  kolkaa hooyo  caawa  arrin ayaan   kuusoo  bandhigayaa, inaad si  xeel dheer ii dhegaysato oo hooyo ii maqasho  ayaan  marti kaaga ahay. Yarku   dareen hore wuu qabay laakiin si wacan  umuu fahansanayn  waxa  lala  maagan yahay. Isagoo  qiiraysanna  wuxu  ku jawaabay:

 

“Haye hooyo  waan ku dhegaysanayaa  si fiicanna waan kuu dhegaysanayaa”

 

“Hooyo  waan ku  dhoofinayaa   waxaan  kuu dirayaa Cadan, adeerkaa Ducaale ayaa laguu  geynayaa, tacaliina  waa lagu barayaa si  aad aqoon yahan u noqoto  markaad weynaato.”  Yarku  aad  ayuu  u farxay  habeenkaas. Wuu  u  qaadan  waayay dhoofka  hooyadii  ka sanqadhisay.  Cadan baad sheegtaye Berbera ayaad  tegaysaa habeen  kumuu seexan. Markii uu  hooyadii  u  war celinayay  wuxu  xushay af soomaali  kii ugu qaalisanaa ee ilme da’diisa  ahi ku hadllo. Isagoo  hooyadii  beer laxawsanayana wuxu  yidhi:

 

“Hooyo maanta nin weyn ayaan ahay. Xumaha  iyo samaha  waan kala saarayaa. Dammiin kama  ahi xaaladda  qoyskeennu ku jiro, aad baan   dhug ugu  leeyahay  wax  yaabaha  hareerahayga  ka dhacaya. Cid aan kula eerto ayaan la’aaye  ninna wax barasho  iyo tacliin igama jecla. Nolosha  miyigana  weligayba  kuma qanacsanayn”  Yarku  kolkuu hadalka dhammeeyay  hooyadii rajjo  iyo   yididiilo  ku  la dhantahay  ayaa gashay. Way  yaabtay  fogaan aragga ilmaha  lagu  ilhaamiyay. Weligiiba  ilmaha  waxba  lama  waydiin’e waa  in dheer-garad intiisa  ka wayn.

 

Waxay maalmuhu  wareegaanba  waxaa  la gadhay  ammintii  anbabaxa; Hayaan ayaana Xareed farta  laga saaray, nooligii  iyo  jicsinkiina  waa  loogu  dhiibay  duco iyo dhiirri  gelinna  faraqa  ayaa  loogu  xidhay. Xareed muuqaal ahaan  jiidh  iyo  jibaad  toona  malaha ee  waa caato, dherer ayaa  kusoo jira  dayaca iyo  darxmadu  hoos u  riixayso. Hooyadii  ilmo ayay u haystaa waa  se  kuray dhawr iyo toban jir ah  oo  dhababcada  iyo  xawaaraha  aan cidi  gaadhayn.   Hayaan  iyo  Xareed way  is raaceen. Waxay  lug  kaga baxeen  degmadii  ay  yiilleen. Waxaanay beegsadeen  Magaalada  Beer  si  ay  gaadhi uga raacaan ilaa gabollada galbeed  ee  dalka.  Waxay  lugaynayeen   laba  caano  maal. Gaatama waxa   ay ahayd  abaar  oomane ah  laakiin  hadda  waxay  soo galeen  dhul barwaaqo ah, balliyada  iyo  jidhaamahuba way buuxaan. Meel walba  calcalyada xareeda ayaa wadhan. Dhulku waa rays udgoon. Oogada waxaa ka saran cad ceed diirrimaadkeedu  nafta raaxo gelinayo. Dhulkuna wuxu daacayay naxariis aad moodo in  ay qalbiga  naxariis  ku abuurayso.   Waxa  ay  lugeeyaanba  waxay  soo  gaadheen  Magaalada Beer oo markaas  cammirnnayd  magaalooyin bandanna  ganacsiga  ku dhaantay. Waxay   baadheen  baabuur  si  ay  u dhammays tiraan  geeddigooda. Waxaanay heleen gaadhi  caws  magaalada  ka qaadaya.

 

Haddii  markii hore  uu  yarku xishoonayay hadda toos ayuu ula doodayaa Hayaan. Wax kasta oo  uu rakana wuxuu damcay  in    looga  fidyoodo.  Waa  maalintii  ugu  horraysay ee  uu noloshiisa  gaadhi  fuulo, wax  kasta  oo  madixiisa  kusoo dhacana  wuxu  jeclaaday    in looga  jawaabo.  Intii  ay jidka kusii jireen waxaa dhex maray hadalkan:

 

“Adeer immika marka Cadan la  i    geeyo  maxaan ka  qabanayaa?”

 

“ Waad shaqaysan  ama  wax baad baran”

 

“Oo adeer kee wanaagsan shaqada iyo wax barashada”

 

“Labaduba ay fiican yihiin, wayse kala intifaac badan yihiin.”

 

“Oo adeer kee ii wanaagsan aniga”

 

“Immika wax baro hadhowna  shaqo fiican raadso ayaan ku odhan  lahaa”

 

“Haye  hawraarsan sidaasaan yeeli adeer”

 

Wax ay  iska sii luudaanba waxay  soo gaadheen magaalada  Burco. Hadana  Xareed  wuxu  bilaabay in  uu  Hayaan  macluumaad  waydiiyo ku saabsan magaalada:

 

“Adeer magaaladan magaceed?”

 

“Burco ayaa  la yidhaahdaa”

 

“Adeer  magaaladu  cammiranaa  ma  gaalo ayaa deggan”

 

“Gaaladu saw meel walba ma deggana?  Halkan  aan ku soconnaba iyaga  ayaa  deggan”

 

“Oo adeer  dalka ma iyagaa leh  maxay u deggen yihiin  halkan”

 

“Way innagu soo duuleen  si  ay  inoo  gumaystaan”

 

“Oo  maxaynu  ka cunnay  ee ay  inoo gumaysanyaan”

 

“Waxay rabaan dhul ballaadhisi; iyo in  ay boobaan  khayraadka dalkeenna. Sidoo kale waxa ay jecel yihiin  dhul  qorrax leh  oo ay  ku  raaxaystaan   waqtiyada  ay firaaqo  haystaan”

 

“Oo  innga  maxaa inooga  cabba”

 

“Wax alla  wax  inooga  cabbaa  ma jiraan,  waxay ku doodaan  in ay  carruurta  tacliinta  barayaan,  nidaam dawladeedna  inoo samaynayaan”

 

Asalkaba  maskaxda  baraarugsani waa ta  waydiimo is waydiisa.  Xareed  su’aalaha  maankiisa  ka aloosan  Hayaan  wuu  la yaabay. In  kasta  oo aanu  Hayaan yaraantiisii  waxba dhigan  nin aqoon  lehna  aanu  ahayn haddana su’aasha yarku waydiiyo  waayo aragnimadiisa  ayuu kaga jawaabayay.

 

Intaa  ka dib   waxay  sii  wateen socdaalkoodii   waxaanay  abbaareen magaalo  xeebeedda  Berbera, si  ay socdaalkooda  u dhammays tiraan  oo  Doonni  halkaa uga raacaan.  Waxay  galeen  Berbera oo  markaas  xagaa kulul   laga sii baxayo, weli se  kulaylkii  iyo hanfigii  joogo hadana Xareed  wuxu  bilaabay su’aalihiisii      si     uu  magaaladanna  wacaal uga helo:

 

“Adeer  meeshu  kululaa  ma  dhuxul baa   qolqolka  lagu shidayaa?”

 

“Dhuxul  sidee     ah?  Waar dhulkan deegaanka  lama gubo, ee  cimilada  Xeeb  oo  dhami  waa kulayl bilahanna  wuu se sii dhammaanayaa ”

 

“Deegaanka  lama gubo  aa! Haddaa  dadku maxay  shitaan?”

 

“Gaas baa  la shitaa, dhulkan”

 

“ Oo  xaabada  iyo  dhuxusha  waayo adeer  maxaa loo shidan waay?”

 

“Gaalada ayaa diiday in deegaanka  la xaalufiyo”

 

“Oo deegaanka  miyaanay Soomaaliyi lahayn”

 

“Haa  sidan gaaladu  waabay  ku saxan yihiin,  oo deegaankaba  iyagaa inooga  lexe-jeclo badan”

 

“Oo  ma  dadkii dalka lahaa ayaa nin kusoo duulay  uga naxariis badan yahay?  Wallaahi waa yaab  iyo  amakaag!”

 

Hayaan markii uu yarka dammaanad qaadayay socdaalkiisa wuu ka shakisanaa hab dhaqanka  Xareed.  Kuray reer baadiye  ah  oo jaan gawracan ayuu  u haystay ka hor  in tii aanay is waraysan.  Laakiin  intii danbe  wuu  jeclaaday   una  bogay  asluubka   Xareed.  Ma waxaan lala yaabinbaa!?   llme  miyi ku dhashay, ku koray oo  aan weligii  dugsi iyo malcaamad  midna  la geyn  oo  sidan  u fekeraya.  Intaa  wixii  ka  danbeeyay  Xareed wuxu bilaabay in  uu    Hayaan waraysto  wax kastana waydiiyo. Su’aal walbana si deggan oo masakaxaysan ayuu   Hayaan  uga jawaabaa.  Waxa  ay ku degeen   xaafad ku tiil  Daaroole, aroortii  ayaa Xareed damcay  in  uu  soo  kaajo, wuxuu  arkay hirararka  mawjadaha badda  oo aad mooddo Awr dhibi lisanaya, naxdi iyo qayayaab ayaa Alle isugu keenay. Isagoo firka naxsan ayuu kusoo noqday  Hayaan  ayaanu waydiiyay:

 

“Adeer waa maxay biyaha baaxaddan leh ee meesha yuururaa? Ma balliyo  la isu faruurayba?

 

“Adeer  waxa la yidhaahdaa Bad. Dhulka ayaa  asalkaba waxa  uu    u qaybsamaa Bad iyo Berri”

 

“Haa, waan maqlay  adeer laakiin sidan ma moodayn”

 

Xareed wax kasta oo ka baxsan dhaqankii  miyiga su’aalo ayuu iska waydiinayay. Baddana waa markii  ugu horraysay ee uu dhaayo saaro.

 

Hayaan si uu yarka u fahansiiyo waxa uu ugu daray:

 

“Doonta aynu raacaynaa Badda aya inala dul sabbayn doontaa”

 

“Oo show ku qarracannee?”

 

“May Adeer sannad walba waaniga safra Eebe waxba innagu yeeli mayo”

 

Ammin bil ah markii ay Berbera joogeen, Xagaagiina uu dhammaaday, ayay  afka saareen Cadan. Doontii shiraaca  ee  dabayshu wadday  waxay biyaha sii dul heehaabtaba  waxay gaadhay biyaha Cadan. Intaanay xeebta gaadhin  ayuu Hayaan maqlay  cida shinbiraha  iyo yulqanka kasoo bulaamaya  magaalada. Markaas ayuu  Xareed  oo wadnaha  farta ku hayay  ugu bishaareeyay in  ay berri soo gaadheen. Waxyar kadibna  waxay ku xidheen xeebta Cadan. Intaa  ka dib Xareed iyo Hayaan waxay  u  tafoxaydteen   socod kale  oo  ay   magaalada ku beegsanayaan, waxaanay gaadheen gurigii Ducaale Guuleed(Xareed adeerkii.)

 

Markii  ay albaabka  garaaceen waxaa albaabka  ka furtay gabadh yar  oo  ina Ducaale ah. Waxaanay hore u galeen gudaha hore oo ay ugu tageen Ducaale  iyo afadiisii oo wada fadhiya. Judhiiba Ducaale salaan iyo furan ayuu ku boobay  Hayaan iyo Xareed. Sidii dhaqanku ahaana  wuu sooray martidii. Markii   Hayaan  wareejiyay  inankii la soo raaciyay isagu wuu iska huleelay,Xareed  iyo adeerkiina way isku hadheen.  Xareed adeerkii  wuu  u  hawaala warramay. Duruufta  iyo waayaha  Cadan yaallana si waafi ah ayuu uga dhergiyay. Waxa kale oo  uu   uga warramay sababta  uu  Cadan ugu  casumay. Isagoo arrimahaa  ka hadlayana  wuxu  yidhi:

 

“Adeer  aabahaa wuxu  ahaa  walaalka keli ah  ee aan la dhashay.  Adna  waxaad tahay curadkiisii iyo guur ugu danbayskiisii.  Dharaartii la  oofsaday  ilaa  maanta  oo muddo fog laga joogo  habeenna qalbigayga iyo niyaddayda  midna kama bixin. Waxkasta oo  uu ahaaba    la oofsay  oo tii  Alle ayaa u timi, hayeeshee  adiga  oo dhuuxiisii ah ayaa maanta nool. Waa Alle mahaddii. Adeer  waxaan  kula  rabaa  in  aad  ragba   u  sandheeraato, oo  khayrkaa   sare  kuu  eegaan,  taasna  tacliin,  karti   iyo  dedaal  baa  lagu  gaadhaa.  Adeer  laba  dugsi  ayaan  kugu  darayaa   mid   quraan  ah  iyo  mid  maaddi ah.  Cadan  qofkii  wax  baranayaa  wuu  ka  liibaanaa, oo ka tanaadaa. Adeer wax  baro  oo  dedaal. Wixii  tacliinta  kuu  fududaynaya  aniga i  waydii.”

 

Xareed  wuu  qiirooday  jacaylka   xad  dhaafka  ah  ee  adeerkii  u hayo  ayaa  beer  nugayl  aad  baqasho   mooddo ku abuuray. Dhammaan hadalkii   adeerkiina  haye  iyo  hawraarsan  ayuu  ku  qaabbilay. Intaa wixii  kasoo waaday  Xareed  waxaa  la geeyay  malcaamad quraan aan guriga ka fogayn, iyo meel maxad ah oo xoogaa guriga u jirtay. Xareed maalmihii  hore ciyaal malcaamadkii  reer  cadmeedka  ahaa  way  qariibiyeen, badaw  hadda soo galay ayay  u  aqoonsadeen, saaxiib kaaliyana  hore  umuu  helin. Xoogaa  wuu ku rafaaday  maalmihii hore la qabsiga magaaladan cusub.. Wuuse iskala qabsaday markii danbe. Dedaal dheer ka dib Xareed gu’ iyo garaadba wa u biireen  maanta  waa nin weyn. Wuu weeleeyay waanadii adeerkii waxaanu quraankii ku dhammeeyay wakhti   aad   u    kooban billado iyo abaal marina waxaa ku maamuusay malcaamaddiisii. Dhinaca kale wuxuu guulo taariikhi ah kasoo hooyay Dugsigii waxbarashada maaddiga ah. Muddo aad u kooban ayuu magaaladii ka mudhay oo can ku noqday. Dad badan oo reer  Cadmeed ahaa ogaana  markii uu baadiyaha kasoo galay aad bay  uga hinaaseen  xawaaraha yaabka leh ee yarku socdo. Wuxuu macallin ka noqday isla malcaamaddii uu ka aflaxay. Markii la  arkay  masuuliyadda  Xareed waxaa  isna shaqo kale  oo macallinimo ah laga siiyay  Dugsigii uu dhigan jiray. Inyar ka dibna wuxuu noqday  maamulaha guud  ee dugsiga. Adeerkii Ducaale  muddooyinkii danbe  waxaa biiliya Xareed oo gudaya abaalkii waxbrasho ee loo galay. Sidoo kale waxa uu  lacag iyo dharba u diraa hooyadii iyo carruurtii ay kala aabaha ahaayeen. Xareed wuxuu noqday xilkas buure ah oo  loo  aayay. Wuxuu ku dhiirrday in uu  wax hal abuuro isla markaana wa qoro. Buuggiisii ugu horreeyay oo uu   ugu magac daray “Bar-bilowgii Noloshayda”  waxaa lagu soo bandhigay  Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Cadan. Dad badan ayaa kasoo qayb galay  wargaysyada  magaaladuna way qaadaa dhigeen dedaalka layaabka leh ee Xareed la yimi.  Dhinaca kale  Xareed  wuxuu maqaallo ka qori jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Iyadoo  mar walba qalinkiisu saluugi  jiray isku darkii lixdankii labada Soomaaliya.  Adduun waa is daba mare  Cadan waxaa ka dhacay dagaal   maryo dhiig le lakala  furtay  oo  gobonnimo doon ku  salaysnaa. Soomaalidii halkaa  joogtayna  intoodii badnayd way soo qaxday.  Waxay yimaadeen Muqdisho magicii lagu soo dhaweeyayna wuxuu noqday “Xabbadikeentay”  halkaas ayuu Xareed muddo joogay, isagoo ka  niyad jabsan dawlad kusheegtiigtii dulmigu lafaha jebiyay.  Haddana wakhti yar kadib waxaa  dalkii qabsaday  Dawlad inqilaab ku timi oo wixii horeba fadhiiso tidhi. Dawladda cusub ee soo gurya noqoshadii xareed la kawsaday waxa hormuud ka ahaa askartii kacaanka. Wallow kacaanku daf daf dalka lasoo galeen  intii  hore haddana aqoon yahan Xareed markiiba  hore  ayuu uga niyad  jabay. Waanu ka dhuyaalay waddankiisii. Waxaanu u socdaalay waddanka Masar. Halkaas oo waxbarashadiisii kasii watay ilaa heer wacanna  uu ka gaadhay. Saddex gu’ ka dib ayuu soo noqday isagoo isleh waxbaa is beddelay  aqoon sarena wata, hayeeshee wax waliba  way kasii darayeen. Xareed markii danbe ee Muqdisho yimi dhawr maqaal oo maldahan ayuu ku qoray Xiddigtii Aktoobar, markiise  dhawr goor xabsi loogu goodiyay afkiibaa juuqda gabay.  Dharaaruhu waxay is guraanba  Dawladdii kacaanku waxay noqotay dadqalato. Dulmigiina oodaha ayuu jabsaday.Noloshii cidhiidhi ayay noqotay gobonnimo waa la waayay. Intaasba waxaa dheeraa  gumaad lagu hayay shacabka qayb ka mid ah. Keliya waxa lagu xasuuqayay waxay ahayd  haybtooda iyo halkay kasoo jeedeen. Muujirin denbi kale oo dadkaasi galeen. Xareed wuxuu ka mid ahaa dadka ehelkoodu  ku le’deen gobollada woqooyi.  Wuxuu go’aansaday in uu qayb ka noqdo  dhaqdhaqaaqa la iskaga caabbinayo dulmiga  oo nuurkiisu Itoobiya ka hillaacay. Laakiin umay suura gelin, isagoo  u xadhko  xidhay in uu baxo ayaa Nabad suguiddu ka war heshay ka dibna inta la jeenbeeyay  Kacaan diidna lagu eedeeyay ayaa Xabsi la dhigay. Toban sano oo halganku socday Xareed Xabsi ayuu ku jiray. Markii maamulkii kacaanka laga gacan sarreeyay ayaa loosoo daayay. Wuxu u yimi  Jamhuuriyad la baxday Somaliland. Halkanna magacii lagu qaabbilay wuxuu ahaa “Maanafeesto” dadku waa indho ku garaadle’e maxbuuskii toban sano jeelka  dartood  ugu jiray waxay  u haysteen nin  kaalintiisii gabay. Niyad jab ayaanu arrinkaa ka qaaday  markii loo garaaabi waayay.  Inkasta oo aan maamul la sheegaa jirin haddana Xorriyad ayuu dareemay. Xareed wuxuu degay  magaalada Burco. Halkaas ayuu wax ku qori  jiray kuna akhriyi jiray. Iinta badan keligii ayuu ahaan jiray. Gurigiisa waxaa ka soo hor jeeday  Masaajid culimo  AI-itixaad ahi maammulaan.  Fagtii horeba culimada  way is khilaafeen  iyagoo isku  af dhaafay Diinta iyo Nolosha. Si walba qoladaa way ukala feker duwanaayeen  waxay u bixiyeen Goonidaaq. Magacaasi markii danbe wuu  hana qaaday bulshadiina dhammaan  wuu  ku fiday. Magacdil iyo dacaayad been ahna way ka fidiyeen iyagoo ku eedeeyay in uu Diin kale faafiyo. Haddana dheg jalaq uma siin jirine hawlihiisa ayuu wadan jiray. Xareed maadaama dalkii burburay dhaqaale ahaan  iyo nolol ahaanba   digada noqday  adigu kaalintaada  qaado  ayuu ku hammiyay wuxuu qoray buugaag  tiro badan  oo dhammaantood daarran baraarugga bulshada. Markii waayo  la joogay haddana dalkii loosoo dagaallamay waxaa ka qarxay  dagaallo sukeeye oo macno tiray halgankii qadhaadhaa ee halyeeyadu ku baxeen. Arrinkaasi Xareed  wuxu ku riday niyad-jab iyo uurkutaallokale.  Wuxuu  isaga  qaxay dalka Jabuuti. Halkaas  ayuu  kaga dhuuntay  dhiiggii sokeeye ee markale  macne darrida u daatay.  Wuxu  soo noqday dib u  heshiisiintii iyo hubkadhigistii  beelaha. Halkii ayuu kasii anbo qaaday  qalinkiisii.  Markii danbe laftigeeda sinaba  umuu jeclaan nidaamkii awood qaybsiga reeraha. Marwalba hankiisu wuxuu  ahaa maamul wanaag doorasho iyo dimoqraadiyadi  cadaaladi sal  u tahay.  Xareed wuxuu iska hor fadhiyi jiray guriga hortiisa waqtiga uu firaaqada yahay, halkaa ayuu Raadiyaha iskaga dhegaysan jiray.  Qolada masaajidka  marwalba gujo iyo guhaad ayuu ku qabay. Mar cilmaani ayay ku sheegi jireen, mar kalana Alle kakood  reer galbeed is mooday. Laakiin xaqiiqdu sidaas ma ahayn.  Xareed wuxuu ahaa nin  Alle ka cabsi badan qalbigiisuna daacadda Ilaahay  laasimay. Habeen  oo dhan inta uu wax qorayo mooyee  inta  kale wuxuu u taagnaan jiray  salaadda habeenkii. Xareed hore  umuu guursan, waayo? Inta badan dadka isku hawla arrimaha bulshada waxay  illaawaan  tooda  gaarka ah.  Dhinaca  kale  wuxu  waayay shaqo u qalanta. Caddaalad darro ayaanu tirsaday.  Waddankii loosoo halgamay, loo dhintay, naf iyo maalba  loo huray oo weliba waddankiisii  ah  in  qabyaalad iyo qof jeclaysi lagaga cawdaa wax afkaweyn ayay noqotay. Sidaas oo ay tahay Xareed  marnaba  muu joojin ta’kulada  bulshada  qalinkiisuna  ma nasan. Laba casho oo toddobaadka  ka mid ahna wuxuu si  iskaa wax u qabso ah u tegi  jiray  mid kamid ah  Dugsiyada magaalada  ugu waaweyn,  ugu danbayn waxay halkaas isku barteen gabadh macallimad ka ahayd dugsigaas isna guursadeen markii danbe. Marwo Koos Qawdhan oo ahayd marwo ragannimo badan waxay wax weyn ayay ka beddeshay noloshii Xareed. Maqsinka uu deggenaa wuxuu ahaa mid aan nidaamsanayn  meel walba waraaq ayaa taallay, lkn markii Koos reerka kusoo biirtay wax walba  way hagaajisay gurigiina wuu nuuray. Waraaqihii Xareed wax ku qori jiray  qaarba meel ayay ku habaysay.  In kasta  oo Xareed aanu  jeclayn in waraaqihiisa  iyo qoraalkiisa laga taataabto haddana xaqiida  wuu  u aayay marwadan cusub ee uu guursaday. Xareed  muu hayn wax  camal ah waxaa reerka masaariifta  usoo saari  jiray Koos Dugsiga  ku kallihi jiraty. Shaqo la’aanta Xareed wax dhib ah kumay hayn Koos waayo? Waxay la dhacday shakhsiyadda  dahabka ah ee Xareed.  Waxay sidii ahaataba  taariikhdii  way is beddeshay. Dalkiina soo yar kabay  laakiin siduu Xareed rabay weli  lama yeelin. Inkasta  oo uu gaboobay haddana  inta waxbuu qorayay. Shaqo iyo dedaal dheer ka dib Xareed wuu iska  gaboobay, xanuunno dhawr ahina way  ku habsadeen illaa   uu  sakaraaday. Koos wixii  yaraa ay haysayba dhakhtar  ayaa ka furtay si  uu ninkeedu dabiib  u helo. Marba wuu kasii daray  ilaa lasoo doonay. Nin weyni wadkii waa yaqaane Xareed marku  ogaaday in seeftii  wadku ku dhacday  oo  Koosna shaqadii  ku maqantahay wuxu qoray waraaq dheer oo dardaaran ah waxaanay u qornayd sidan:

 

Dardaaran

 

“Kooseey tayda iyo taadu simane maanta waan culusahay, sida la ii qabtayna weligay la iima qaban. In seeftii igu dhacaday ayaan filayaa. Ha iga werwerin giddigeen geeri ayaynu ku xukumannahy. Haddaan tago  oo ay taydii noqoto duco ayaan kaaga tegayaa. Ubad Alle inama siin oo waad ogayd. Hantina faro madhan ayaan joogay. Gumaro adduun  buugtaas  aan waayay awood aan ku daabaco  ayaan ka tegayaa. Walaal  buugtaas  xil iskasaar. Cid uun kula eero waxa soo bixi soona jiil akhriska daneeya cilmiganna uu macno weyn u samayn doono. Goor ay ahaataba aqoontan  huursan ee dheg jalaq loosiin waayay waa loo aari, la akhrisan oo la intifaacsan. Walal magac kuma rabo in geeridayda ka dib  la iga sii sheekooyo adduunna haba sheegin oo waan kasii socdaa. Keliya muraadka aan ka leeyahay waa bulshada oo inoo  hagaagta iyo  dawlad binaysan. Haddaad hesho kuwo dedaalkayga u garaaba ha i ammaanina dheh  ee ii duceeya. Adiga koos ahaanna duco ayaan kaaga tegayaa waa inoo jannada haddii Alle qadaro.

 

Nabadgelyo.”

 

Markii uu waraaqdii sidaas u dhammeeyay  ayaa Koos albaabkii soo garaacday . Kac  oo  ka fur ayuu u holladay.  Wuu wareeray dhulka ayaanu ku dhacay. Higgo ayuu bilaabay. Koos markii albaabka uu hore uga furi waayay ayay shakiday,  oo  qolo jiiraanka ah  ka codsatay  in la caawiyo si guriga loo jebiyo. Judhay soo gashayna waxay aragtay Xareed oo mayd ah.!! Baroor ayay  af labadii yeedhay si walba way u qaylisay  laakiin marnaba Xareed ma soo noolaan. Way aragtay waraaqda  rafka ah ee madaxiisa  taalla ciwaan keeduna yahay dardaaran. Way se akhriyi kari wayday. Halkaa gumaarka ee dumarku alaabta fudud ku ritaan ayaanay gashatay. In yar kaib dad ayaa soo xoomay. Telfoono ayaa la isku wacay. Xareed tolka iskumay wacnayn markuu noolaa  ilmaadeerradii  midhadh  aaminsan SANKAAGA OO QUDHMAY LAMA GOOYO ayaa aaska kasoo qayb galay. Laakiin asxaab Xareed xeeldheeridiisa  ka  warqabay  yimi. Warjaafkana  ayaga ayaa agaasimay.  Waxa layaab lahayd markii  naxashkii  lasoo qaaday,  lamaydhay ee la kanfay ayaa la damcay in masaajidka  lagaga  tukado. Hayeeshee maamulkii  masaajidka   ku gacan  saydhay in marxuumka lagu tukado.  Xareed  iyo maamulka  masaajidka xurgufi  ha  dhex marto  markuu  noolaa  laakiin colaadda guunka ee ilaa heerkaas ah waa la fahmi waayay.  Marxuumka  markii  ay  diideen  in ay ku tukadaan waxay  ku sababeeyeen in aanu tukan jirin markii uu noolaa. Laakiin  kama  ay  ahayn  sharci  Alle  oo  la ilaalinayay waxay se ahayd  nacayb loo qabay  fekerkiisa. Mar   oday cad ah  oo jaarka ka mid ahaa  ayaa caddeeyay in uu tukan jiray weliba salaadda subax  ay masaajidka ku kulmi jiraan. Xiqdiga sidaas ah ee  dadnimada ka baxsan wuxuu marxuumku ku mutaystay  keliya nolosha ayuu  si u arkayay. Iyaguna si kale ayay u haysteen.  Iyo Marxuumka oo necbaa  fadwada deg degga ah ee culimada danbe ku caanbaxeen. Adigu waxba yaan hadal kugu daaline aakhirkii dirqi iyo tu baas ayaa lagu oggolaaday in lagu tukado. Siadaas ayaanu ku hoyday  oo ku  god  galay  Marxuum  Xareed oo nolosha waxbadan uga soo joogay. Geeridii Xareed kadibreer  tolkii  waxay  odhan jireen  ninka tolkii diida  iyo neefka gooni daaqa ahiba cidlla ciirsila ayay ku baxeen. Waxay odhan jireenba Xareed socay.  Xumaan iyo samaan kii uu lahaana Alle ayuu la hortagay. Waydiinta muhiimka ahi waxay ahayd side looga faa’iidaynayaa kaydii aqoonta ahaa ee uu kategay, kuna dardaarmay in la daabaco oo la faafiyo. Koos maalmo kadib way iska miirawday gambadii caddaydna iska calfatay. Waxaanay u diyaar garawday in ay ballankii oofiso oo buugtii faafiso waddo kastaba ha u martee. Waxay waddaba wadcigii wuu is beddelay iyada da’dii baa kusoo aartay. Jiil cusub oo ilabax ah ayaana  kacay. Waxay  ka fekertay qaabka ugu habboon ee ay u rumayn karto  riyadii saygeeda. Waxay dar Alle ugu eeratay dugsigii ay macallimadda ka ahayd oo maamule dhallinyar oo qalbi fiican joogo; misay u bandhigtay dardaarankii marxuumka. Warqaddiina way tustay.  Aad buu uga murugooday qalbi wanaagga iyo yuhuunta marxuumkaasi qabay ilaa saacaddii u danbaysay ee naftu ka baxaday. Waxaanu u ballan qaaday in buugta oo aad u badnayd laba ka mid ah uu daabici doono, kharashkoodana tuurta u ridan doono. Labada bug ee maamuluhu gartay in lasoo saaro waxay kala ahaayneen  ‘Hagrashada Hoggaamiyaha Afrikaanka ah iyo Shamaca Geeska Afrika’ markii labadaas bug la daabacay aad baa loo buunbuuniyay. Wargeysyada magaalada iyo saxaaffada  ayaa isla dhexqaaday. Marwo oo koos ayaa laga  waraystay taariikhdii marxuumka. Dawladdiina way ka warheshay hawlkarnimadii marxuuumkaas  iyo wacyigelintii samaha daarrayd ee marxuumkaasi waday. Taasi waxay sababtay in Naadigii akhriska ee Gobolku soo qaban qaabiyo kulan weyn oo  oo lagu soo bandhigayo xikmaddii hodanka ahayd  ee marxuum Xareed. Waxaan kusoo marti qaadeen Madaxweynihii  Jamhuuriyadda. Xoogaa araar ah ka dib  waxaa la bilaabay bandhiggii buugga Hagrashada Hoggaamiyaha Afrika. Waxaa soo diyaarisay gabadh  dhallinyar oo ku lebbisan calanka dalka oo loosameeyay qaabka  subeeciyadda. Sadarka ay  akhridaaba qiiro wadaninimo ayuu ku gelinayay. Illaa heer ay ay ilmo iskusoo wada taagatay shacabkii. Markii ugu horraysay waxaa la arkay madaxweynaha oo hinbidhsan iyar ka dibna waxaa ilmo lama filaan ahi ka qubatay madaxweynihii dalka, markii la yaabay sida weedhaha dareen taabadka ahi qalbiga  madaxweynaha u liiliijiyeen  ayay soo kacday Marwadii Madaxweynuhu waxaanay masar kaga qallajisay  ilmadii wadaniyaddu keentay. In yar kadib ayaa madaxweynuhu codsaday in lagusoo wareejiyo dhammaan buugta uu kategay marxuumku si loo daabaco, islla markaana lasoo tuso qabrigii Marxuumka si taallo loogu dhiso. Waxaa la xulay wefdi soo booqata  xabashii Xareed  inta loo duceeyay  ayaa  sare loo bineeyay qabrigiisii oo laga dhigay daar. Dhinaca kale waxaa Taallo weyn looga dhisay badhtamaha magaalada  iyadoo magaciisii lagu xardhay, loona aqoonsaday qofkii ugu saamaynta badnnaa qarankiisa qarnigaas. Wax kalana abaal  marintaa kuma  uu mutaysane  qalinkiisii ayaa Alle barakeeyay. Walow geeridiisii ka dib la wayneeyay qabrigiisana ubax lagu maamuusay haddana isaga hadafkiisu dar Alle ayuu ahaa. Weligeedna waxa jiray oo jira oo jiri doona qaar dadnimada iyo dammiir fayoobaanta Alle ugu dooqay oo intay xaggii aakhiro u Allaysteen bulshadooda samataray. Qalinka Marxuum Xareed wuxu beddlay  bulshadii oo dhan buugaag uu qoray oo ilaa lixdan gaadhayana waxa daabacay Dawladda waaanay noqdeen marjac loo noqdo marka wax laisku maandhaafo. Si kale haddaan u eegno guud  ahaanba qalinka  Xareed wuxu  beddlay  fekerkii bulshada. Waxaa soo baxay dhallinyaro  iscaawinaysa, wax istaraysa, qabyaalad uf yidhi, ka baahan u qaadhaamaya, qolo qolo nacay, aqoontu raasamaalkooda tahay, qaranimadooda ilaashanaya, aan is qalaynayn, is quudhsanayn, isku qanacsan, wanaaga isu qiraya,  qadafka iska ilaalinaya, isu qabsoomaya marka mid qaldmo. Markii intaa la helay waddankii wuu tanaaday, barakoobay oo barwaaqoobay. Bil ayaana u caano shubatay. Garaadkii gooni daaqna goor danbe ayaa loo aayay.

 

Xamse Cabdi Ibraahim “Qoor Cadde”

 

Qoraha kala xidhiidh barta FACEBOOK

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here