Garabka Dhalinyaradda Ee Xisbiga Kulmiye Oo Cali Mareexaan Ku Bogaadiyey Inuu Goboladda Bari Kasoo Saaray Hogaamiyaha Waddani

0
54

“Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oon Is Lahaa Xarunta Kaanbeynka Wuxuu Ka Dhigi Doona Gobolka Togdheer, Waxaad Mooda Inuu Wasiirku Kaga Adkaaday Oo Xagaa Iyo Galbeedka U Kacay.” Xog-hayaha faafinta iyo barnaamijka siyaasadeedka garabka dhalinyaradda kulmiye faysal cumar madar (faysal qumuj)

Hargeysa-(Hubaal)- wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta mudane cali maxamed xasan ayaa maalin-nimadii khamiista hadhimo sharafeed ku maamuusay garabka dhalinyaradda heer qaran ee xisbiga kulmiye oo ka qabsoontay huteelka suldaan ee magaaladda hargeysa, ayaa ahayd mid dhalinyaradda heer qaran ee xisbiga kulmiye iyo wasiir cali marexaan ay iskaga xog waraysanayeen hawlaha shaqo ee xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye gaar ahaan kuwa garabka dhalinyaradda ee heer qaran.

Waxaana munaasibadaas ka hadlay guddoomiyaha garabka dhalinyaradda heer qaran ee kulmiye mudane cabdi-najax siyaad aw- cabdi, xog-hayaha abaabulka iyo wacyi-galinta liibaan ismaaciil cabdilaahi iyo xog-hayaha faafinta barnaamij siyaasadeedka xisbiga kulmiye mudane faysal cumar madar (faysal Qumuj) oo halkaasi ka hadlay ayaa si isku mid ah ayaa uga xog-maramay hawlaha shaqo ee garabka dhalinyaradda ee xisbiga kulmiye iyo baahiyaha jira ee loo bahan yahay in wax laga qabto.

Waxaanay garabka dhalinyaradda xisbiga kulmiye ay si weyn ugu mahad naqeen wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeyta cali maxamed xasan (cali mareexaan), waxanay uga mahad naqeen kulaasi gaarka ah ee uu la yeeshay.vlcsnap-2017-02-09-21h47m35s753

Guddoomiyaha garabka dhalinyaradda xisbiga kulmiye mudane cabdi-najax siyaad aw-cabdi oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan: “waxaan u mahad celinayaa wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryeyta cali mareexaan oo isagu qaddo sharaftan u sameeyey garabka dhalinyaradda xisbiga kulmiye ee heer qaran, oo ah wasiirkii u horeeyey ee marti-qaadkan oo kale ka helaan garabka dhalinyaradu mudadii ay magacawnayeen ee ay jireen, garabkani kolay waa laf-dhabartii xisbiga ,da’yartu waa taynu nidhaahno mar walba codka maalin walba lagu tartamayo ee xisbi kastaaba ee hadba sida uu u kasban karo ee uu u qancin karo u helayo codka dhalinyaradda, kolay cid inooga nasiib badan ma jirto taageeradda ugu badan ee aynu ku xisaabtamayno hadii illahay idhaahdo, oo xisbi’iyo xukuumadba aad nalaga hawl gasho iyo waliba inaad oday nooga noqotaa baanu ka rajaynaynaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

vlcsnap-2017-02-09-21h47m57s614Xog-hayaha abaabulka iyo wacyi-galinta mudane liibaan ismaaciil cabdilaahi oo isna halkaas ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan: “ ugu horeyn waxaa mahad leh illaha kulankan iskugu keen keenay marka xigta waxaan isagana u mahad celineyna wasiir cali maxamed xasan cali mareexaan oo gartay inuu sharfo, maamuuso iskuguna yeedho  dhalinyartii, taas oo muujinaysa heerka dhalinyarta uu wasiirku ka taagan yahay sidoo kale-na muujinaysa bisaylka xisbi-nimo ee uu ka soo bilaabay heer gobol,xildhibaan iyo maanta oo uu wasiir tagan yahay, ee intaasba inaanu ka hadhin ee laakiin u heelan yahay una  taagan yahay sidii xisbiga iyo talada qaranka uu mar labaad xisbiga gacanta ugu gali lahayd, sidoo kale garabka dhalinyaradu waxay karaamo iyo sharaf u hayaan wasiirka.” Xog-hayaha abaabulka iyo wacyi-galinta liibaan ismaaciil cabdilaahi ayaa hadalkiisa intaas ku soo kobay.

vlcsnap-2017-02-09-21h48m15s344Sidoo kale waxaa isna munaasibadaas ka hadlay Xog-hayaha faafinta iyo barnaamijka xisbiga mudane faysal cumar madar (faysal qumuj) kuna hambalyeeyey wasiir cali inuu gobolkiisii xoraystay oo siyaasiyiin ay isku gobol yihiin uga soo ordeen gobolka uu ka soo jeedo wasiirku isagoo arintaas ka hadlayana wuxu ku bilaabay sidan: “ waxaan doonayaa inaan si gaar ah ugu mahad celiyo wasiirka shaqadda wanaagsan ee uu gobolkiisii ka hayo ama gobolka uu xukuumadda u matalo oo ay qolooyin badan ay isku jaalanj garaynayeen aad moodo inuu ka soo saaray oo ay gabiley sii marayaan, hogaamiyaha xisbiga waddani oon is lahaa xarunta kaanbeynka wuxuu ka dhigi doona de gobolka tog-dheer , waxaad mooda inuu wasiirku kaga adkaaday oo xagaa iyo galbeedka u kacay, taasna waxaan is leeyahay waa shaqo uu dheer yahay wasiiradda dhigiisaa ee ay ku wada jiraan xukuumadda, wasiir sidaad shaqada wanaagsan uga hayso gobolkaagi iyo xukuumadda-ba ayaad annagana nooga tilmaaman tahay wasiiradda kale ee dhigaagaa sida uu guddomiyahayagu sheegay macno gaar ah bay noo samaynaysaa casuumadan iyo inaad na soo sharaftaa.” Ayuu yidhi hog-haye faysal cumar madar (faysal qumuj).

Dhinaca kale waxaa halkaas ka hadlay xildhibaan mubaarik yuusuf bidhi oo ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka burco ee gobolka togdheer ayaa isna halkaas garabka dhalinyaradda xisbiga kulmiye uga soo jeediyey inay sameeyaan dadaal iyo wax qabad  maadama ay cududa ugu badan ee cododka looga bahan yahay tahay wakhtiyadda doorashadda dhalinyaradda.

vlcsnap-2017-02-09-21h48m39s248Gabo-gabadii waxaa halkaas ka hadlay wasiir cali mareexaan oo munaasibadan u sameeyey garabka dhalinyaradda xisbiga kulmiye waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “ xafiisyo dawladeed laydinma dhiibin’e xafiisyo xisbi weeyi waxaa laydin dhiibay waxaa ugu badan ee la qabtaana waxa weeyi xidhiidh iyo inaad kalsoonida dadka abuurto iyo inaad dadkii soo dhawayso, qaabilaad fiican, xidhiidh wanaagsan iyo dadaal faro badan  oo laydinkaga baahan yahay inaad goboladda iyo dagmooyinkaba ku baahdaan, si xisbigu heer gobol, heer dagmo iyo heer qaran uu garabkiisa dhalinyaro iskugu xidhmo.” Intaas ayuu wasiirku ku soo koobay hadalkiisa.

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here