Garabka Faysal Cali-waraabe Oo Deedafeeyey Magacaabis Uu Jamaal Cali Xuseen Sameeyey

0
45

jiir

Hargeysa:(Hubaal)-Garabka uu hoggaamiye guddoomiye Faysal Cali-waraabe, ayaa si adag u deedafeeyey magacaabis uu dhawaan sameeyey garabka kale ee isla xisbigaas katirsan ee uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen oo ku saabsanayd xoghayaha guud ee xisbigaas oo la magacaabay.

Maxamuud Cali Muuse(jiir) oo garabka Faysal Cali-waraabe u aqoonsan yahay Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbigaas oo warbaahinta la hadlay, ayaa si adag uga horyimi magacaabista xoghayaha guud ee xisbigaas loogu cumaamaday Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo uu magacaabay murrashax Jamaal Cali Xuseen.

Guddoomiye Jiir waxa uu sheegay in awoodda magacaabista xoghayaha guud ee xisbiga uu iska leeyahay guddoomiyaha xisbigu, isla-markaana aanay jirin cid kale oo magacaabi kartaa,“xisbigu xoghaye guud buu leeyahay, xogyahihiina wuu joogaa, markaa mid kale lama magacaabi karo, awoodda magacaabistana waxa iska leh oo awoodna uu siiyey shirweynihii saddexaad ee xisiga inuu wixii bannaanaada uu magacaabo” ayuu yidhi guddoomiye Jiir.

Waxa uu sheegay in xoghayihii guud ee hore ee iscasilay uu ahaa mid ku-meel-gaadh ah, isla-markaana magacaabistiisa uu iska lahaa guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“wakhtigii aanu heshiiska  ahayn Jamaal waxa uu lahaa soo jeedin, marka uu soo jeediyana uu guddoomiyuhu xisbigu magacaabo, xoghayihii uu Jamaal magacaabayna waa kii meesha ka tagay oo waa wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda”.

Khilaafka u dhexeeya garabyada uu u kala jabay xisbiga UCID, ayaa sii kululaanaya, waxana sii dhammaanay wakhtigii ay maxkamadda sare u qabatay in labada garab shirweyne aan caadi ahayn qabsadaan, balse waxa muuqata inaanay dhinacyadu diyaar u ahayn inay su hufan shirkaas u qabsadaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here