Garabka Isbahaystay Ee Kulmiye Ka Go’ay Oo Ummadda Taageero Kaga Raba Daalinnimo Gabasho Aan Lahayn!-W/Q: Aden Deeq

0
24

Siyaasiyiin isku sheega Somaliland ayaa ah kuwo ku caan baxay damiir la’aan, xayo la’aan, xusuus la’aan, garasho la’aan iyo qanaacad la’aan. Waxaasoo sifooyin ah dhami waa sifooyinka caanka aay ku yihiin siyaasiyiinteenu. Waxaasoo sifo xumiya in derejo aay ugu sii korodho mooye, waxba kagama xumaadaan. Waxaana sababay umada reer Somaliland oo ku caan ah ineey garab siiyaan aadna ugu sacabiyaan shar wadeyaasha iyo dhamaan jirjiroolayaasha munaafaqiinta ah. 11020950_10152592134881400_560324801_nTusaale ahaan, waxaynu dhamaan ogayn oo shaashadaha warbaahinta kala soconay in garabkii wasiirada ahaa iscasilay ineey ku doodaayeen ineey wataan 210 xubnood oo goolihii dhexee kulmiye iyagoo raaciyay ineey qaadaceen shirkii kulmiye iyagoo waliba sidaa aqlabiyadii xisbiga sheegeen ineey iyaga taageereen. Hadana waxaa dhacday mudo yar oo maalmo ah inuu qabsoomay shirwaynihii shanaad EE kulmiye oo xubnihiisii 25 xubnood oo kaliyii KA dhinaayeen laguna doortay musharaxa madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen. Iyadoo taasi dhacday umaduna KA dheregsantahay warkooda, may garan iska aamusa oo is dhuuba umadii aragtay sidii xaqiiqdu ahayd. Indho adayg iyo calool adayg munaafaqnimo ku ladhantahay ayaa waxaa mar labaad soo horfadhiisteen warbaahintii dalka iyagoo leh xaqdaradii u waynayd ayaa dhacdoo Xagle-toosiye ayaa la dulmay oo si badheedh ah lagaga shubtay codkii, iyadoo ujeedada aay hadalkaa isaga ah ka lahaayeen ahaa ineey iska hor keenaan umada reer Somaliland ee walaalaha ah ee wada dhaqan. Sidaasaa walibana rabaan ineey ku noqdaan musharaxiin iyagoo cadaystay inaanay qarankan wax lexejeclo ah oo aay u hayaan inaanu jirinba. Mid mid dhaama ma yeelan oo xataa ismeey qaban ee sidaasay ku wada socdeen iskuna taageersanayeeen caqligooduna faray. Laakiin qaladka iyagu malaha ee umada daawata ayaa dambiga leh ee dhaqan uleh kuxumaynta iyo cayda amaanta la dabo dhigo sida WASIIR Xirsi Xaji Cali gii shanta sano reer Somaliland caayayeen oo maalintuu is casilay website yadoo dhan maqaalo IYO faalooyin lagu xusay inuu geesi ahaa, ahaana wasiirka kaliya ee waxqabtay. Axsaabtii mucaaradka ahayd ee habeen iyo maalin shaashadaha KA dhaleecayn jiray markaliya yidhaahdeen wasiirkii ugu misaanka cuslaa uguna waxqabadka badanaa AYAA is casilay oo Silaanyo dhaleeco uga dhigay. Xisbiyadaa mucaradka ah ee ICLAAJKA aad moodo ayaa cod umada uga fadhiya. Anoon Kulmiye ahayn waxaan umada u sheegayaa in wax dhaama aaynaan hayn KULMIYE lakiin alle ina baday.

ADEN-DEEQ

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here