Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID, Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo haatan katirsan garabka uu hoggaamiye murrashax Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo dhaweeyey go’aanka guddida diiwaangelinta ururradu ku laaleen labadii shir ee garabyada xisbigu dhawaan iclaamiyeen.
Guddoomiye Cali-gurey waxa uu ugu horrayn faahfaahin ka bixiyey sifaha uu yeelan doono shirka aan caadiga ahayn ee maxkamadda sare xisbiga ku amartay inay qabsadaan, “shirka aan caadiga ahayn ee UCID waxa sifeeyey xukunka maxkamadda sare, shirka nalooga baahan yahay inaanu qabanaana waa shirka maxkamadda sare xukunkeeda ku jira, horena ay u gaadhay guddida diiwaangelintu, kuna jira heshiiskii ay 2012-kii galeen labada dhinac.”ayuu yidhi Cali Gurey.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Cali-gurey shaaca ka qaaday in shirarka labadooda garab ku kala dhawaaqeen yihiin sharci-darro, isaga oo eedo u jeediyey guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxana uu yidhi,“shirka uu Faysal Cali-waraabe ku dhawaaqay waa been oo waa bar-kuma-taal, waxana uu u qabaa inuu sharciga ka weyn yahay oo maxkamadda sare ka sarreeyo oo uu guddida diiwaangelinta ka sarreeyo, laakiin kama sarraynayo.”
Cali Maxamed Yuusuf waxa uu shaaca ka qaaday in guddoomiye Faysal Cali-waraabe doonayo inuu shirka xisbiga afduubto oo uu geysto meelo isaga gaar u ah, isla-markaana halkaas isku soo caleemo saaro,“go’aanka guddida doorashooyinku soo saarnay waa sharci, shirka aanu annagu ku dhawaaqnay xataa waa sharci-darro, shirkuna shir murmaya ma ahee waxa uu doonayaa inuu maqaaxi inaadeerkii leeyahay lnamo la tago oo uu yidhaahdo shir baanu qabanoo Jamaal Cali Xuseen waa laga qaaday anigaana murrashax ah, taasna waali cas baa la yidhaahdaa.” Ayuu yidhi Cali-gurey.