Gorfayntii Khaalid J. Qodax iyo Fal-celintii Cali C. Coomay “Garawshiinyo waa geel siin”. W/Q Cabdicasiis-Daacad Ibraahin
soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “Garna garteedaa lagu doonaa, Mandheerna garkeedaa lagu doonaa.” sidaa oo ay tahay, qoraalada kala ah “ Gorfaynta” iyo “Fal-celinta” ee labada qoraa Khaalid J. Qodax iyo Cali C. Coomay. Waxa aan isku dayi doonnaa in aan ku dhex dhexaadiyo isla maqaalkan, anoo raacaya sharciga maahmaahdan aan kor ku xusnay.
Sida qoraalladu qeexayeen, waxa ay labada qoraa isku durreen, gorfaynta buugga “Colaadihii Geeska” kaas oo uu qoray Cali C. Coomay, gorfeeyayna Khaalid J. Qodax. Si u aragayga iyo dareenkii aan ka qaatay labadan qormo, ayaan idiinku soo gudbin maqaalkaygan.
Ugu horrayn, waxa aan idinla wadaagi gorfayntii Khaalid J. Qodax iyo sida aan u arkay. Kadib, fal-celintii Cali C. Coomay.
Gorfayntii Khaalid J. Qodax
Markii aan akhristay, gorfaynta Khaalid ku sameeyay buugga “Colaadihi Geeska” ee uu qoray Cali C. Coomay, waxa aan ka dheehday xog badan oo uu xambaarsanaa, taas oo qoraayada iyo akhristayaashaba manfac u leh. Waxa aan ku arkay, iigana dhex iftiimtay xeeldheerida iyo xirfadda qoraanimo ee Khaalid leeyahay, isla taas oo aan ka dhaxlay talooyin badan oo qoraalka ku saabsan.
Keligay, ma filaayo in aan arkay laakiin akhristayaal badan in ay ila dhaadeen ayaan rajeynayaa. Sidoo kale, waxa gorfayntii iiga soo baxday farriin ballaadhan oo qoraa Khaalid u diraayo, cid kasta oo wax qorta. Si ay uga waantoobaan, horkeenidda buug ku sheegyo.
Gorfayn, cay iyo ceeb ka madhan ayaan akhristay, taas oo si kala dhiggan uu Khaalid noogu soo gudbiyey. Si lamida aan wax uga baranay, halka uu ku tiiq-tiiqsaday tayo xumi uu daabacaadda buugga ku sheeggay. Qoraaga se aannu wax aflagaado badheedha u gaysan, haddii laga teggi waayana uu Khaalid qoraaga ku canaantay, xirfad la’aan qoraal iyo ka fiirsi la’aan astaamayneed.
Haddii aan Khaalid, intaa ka fahmay qormadiisa. Waxa aan iyana wax ka odhan ta Cali C. Coomay oo iyana kooban.
Fal-celintii Cali C. Coomay
Akhrintii gorfaynta, buugga “Colaadihii Geeska” ee uu qoray Cali C. Coomay, waxa ii xiggay fal-celin uu kusoo sameeyay qoraagu. Markaa aan akhriyey waxa iiga soo baxay, dhaliillo uu qoraagu ka cawday iyo mid uu isagu tuurayba.
Qoraa Cali C. Coomay, qoraaga buuggan “Colaadihii Geeska” kuwaas oo ka qarxay qarniyo ka hor, ee dhex maray Soomaalida iyo Itoobiyaanka. Waxa aan qoraalkii fal-celinta ahaa ka xusi karaa :
- in uu qoraagu isla markiiba si cadho leh, uga fal-celiyay gorfaynta Khaalid. Taas oo uu kabaha la dul maray si cadho leh, qoraa Khaalid kuna eeddeeyay in aannu si caafimaad qabta u gorfayn, in aannu keligii gorfayn ee lala waday gorfaynta iyo in uu aflagaado dusha uga tuuro Khaalid iyo shakhsiyaad kale oo uu ku eeddeeyay, xaasidnimo iyo isa-sidid (is koryeelid) taas oo uu ku caan baxay ayuu yidhi Khaalid.
Qoraa Cali Coomay, waxa uu soo taxay ceebo badan oo uu Khaalid ku yidhi, laakiin aanan anniga iyo akhristayaashu ku arkin gorfayntii Khaalid. Si lamida waxa uu qaatay dhaliilihii loo soo jeediyay, qaar ka mid ah. Waana gobonimadiisa qoraa Cali Coomay.
Hadaba ujeedada, labadan qormo iyo qaar weheliya oo qoraayada loogu mahad, markhaati iyo maragba furaayey ayaa igu kelifay in aan qoro qormadan. Oo aan uga dan leeyahay dhex dhexaadin iyo garba simmid labada dhan ah. Waxa aan kaga soo horjeedsanayaa dhalinta qalin baradka ah, ee kaga faa’idaysanaya inay labada qoraa hadba mid garabka saarraan oo maqaallo usoo tebiyaan. Maqaalladaas oo aan ku dhisnayn, dhex dhexaadin iyo ka run sheeggid sida ay wax u jiraan.
Weedhayda dhex dhexaadineed
Waxa aan, gunti uga dhigayaa maahmaah Soomaaliyeed oo tidhaa “Rag in loo abaal-guddo iyo in laga aarsado ka farabadan”. “Is hubaa heesa”.
Labada qoraa, hal baa seegtay. Khaalid J, Qodax hal baa seegtay, oo buugga inuu dabaqo ayaa seegtay, gorfeeyana cutubyadiisa sida caadada ah. Isagoo dul ka xaadis samaynaya, oo aan macnaha buugga ka tegayn.
Cali Coomayna, hal baa seegtay oo inuu si deggan u qaato, kol hadduu yidhiba soo gorfee Khaalid buugga inuu cadho iyo ciil fal-celiyo may ahayn. Hadalka kiisa dhuuxa leh ayaa laga raacaaye, “ Ilaahoow eexna hanagu dilin, aqoondarrina nagu cadaabin”.
Isu fal-celinta, I maqlaayda ah iyo dadkan buunbuuninaya hala joojiyo ayaan leeyahay.
Wabilaahi tawafiiq
Hargeisa Somaliland