GARNAQSIGA BOQOR BUURMADAW: Gar mise gardarro?

0
231

Qalinkii: Jamal A Muse

 

 

“Gorfeynta hadalkii Boqor Buurmadaw iyo dhageysigii MBC, daah-furka dhageysigii, sacab iyo qosol ku soo dhawayntii Cirro iyo tiraabihii kakanaa ee Boqor Raabi iyo Abiib Timacad”

————————————————————————————

Haddii yar yarka xisbiga  Waddani jooggaa ay sas ka qaadeen  hadalkii garnaqsiga ahaa ee Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo ay leeyihiin waxaa dhageysanayay hadalka Boqorka murrashaxa jagada madaxwaynenimo ee xisbiga Kulmiye MBC. Miyayna la socon in murashaxa jagada madaxwaynenimo ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ku sifeysan yahay qoddobadan soo socda:

. Wuxuu guddoomiye Cirro goob joog u ahaa hadalkii aadka u kakannaa ee ka soo yeedhay Boqor Raabi xili uu ka hadlayay madal ku taalla degmada Salaxley oo uu kulan ku lahaa xisbiga Waddani oouu ku tiraabay kalmad la yaab iyo af kala qaad ku noqotay bulshada Somaliland, taasi oo ahayd “Buuryo amma Buuryada”,  kuna canjarafeynayay MBC. Ma la socotaa in guddoomiye  Cirro sixitaanka ugu sameeyay kalmadii qadhaadhayd oo uu yidhi ” Boqor malaha ta raga waawayn buuryo lama yidhaa ee magac kale ayay leedahay?”.

 

  1. Isaga oo ku sugan madal xiabiga Waddani ka waageertay degmada Allaybaday, wuxuu guddoomiye Cirro goob joog ka ahaa oo uu sacab iyo qosol ku soo dhaweeyay eedayn gabadh reer allaybaday ahi “Ina Xaaji Gaydh” u soo jeedisay walaalasheed “Agaasime Khadra Xaaji Gaydh” oo xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ka tirsan.

 

  1. Mar kale wuxuu sacab iyo qosol ku qaabilay sheegmadii siyaasi Abiib Timacad ee uu garac amma aabbe laaweyaal “Orphans” ku tilmaamay taageerayaashii guddoomiye MBC iyo waftigii uu hoggaaminayay dhawaan ku soo dhaweeyay Gabilay, Tog wajaale, Allaybaday iyo Farawayne.

Haddii ay intaasi oo dhacdo agtaada ka tahay wax caadi ah, maxaad ku dhibsanaysaa garnaqsiga Boqor Buurmadaw ku lafo-guray dib u curashada qabyaalada ee xisbiga Waddani ka bineeyay guud ahaan dalka?. Ma la socotaa in garnaqsiga dib u curashada qabyaalada ee boqor Buurmadaw yahay mid xaqiiqda ku qotoma?.

 

Runtii ninka intaasi oo ceebood, gaf iyo aflagaado ku soo dhaweeyay qosol iyo sacab, dhageysiga hadalka Boqor Buurmadaw ee MBC waa u xadiis.

 

Dhanka kale waftigii odaayasha ah aa ee ka socday reeraha  labada murrashax “Biixi & Cirro” midna quraan akhriyi maayo ee waa sameyn iyo raadin is baahaysi qabiil oo dhanka siyaasadda ah. Mana aha wax qiimeyn togan ka jaraysa xayndaabka guud ee bulshada dalka wada leh, maxaa yeelay, hadaad jeegaan “Laba reer” ku sheegtay is baahaysiga gun-dhiga u ahaa aasaaskii xisbiga Kulmiye, adiguna hadda noo caddeysay in aad wadato giraan hal reer riixayo oo dadka kale ku hawl galinaysa warabe u taag ” Xilal madhan sida hoggaamiye iyo ku sime guddoomiye joogga”.

 

Ugu danbeyntii, in laga guuro qabyaalada dalka aafaysay waa muhiim, waana mid ka wanaagsan sidan maanta ay wax yihiin.  Balse haday xaaladdani sidan maanta tahay ogow in jeegaantu ka wanaagsan tahay giraan hal qoys walwaalayo.

Qalinkii: Jamal A Muse

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here