Garoowe: Qarax Lala Beegsaday Shaqaalaha Qaramada Midoobay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
41

Garoowe(Hubaal) -Ugu yaraan 9 Qof oo ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa ku dhintay qarax lagula beegsaday Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.Shaqaalaha dhintay ayaa iskugu jira Soomaali, African iyo kuwo caddaan ah.

 puntland

Hay’adda Caruurta Aduunka u qaabilsan UN-ta ee UNICEF, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in 4 shaqaalaheeda ahi ku dhinteen Qaraxa, sidoo kalena 4 kale yihiin dhaawac halis ah. Waxay sheegtay inay ku hawlan yihiin Ogaysiinta Arrintan ee Qoysaska shaqaalaha dhintay iyo dhakhtarinta kuwa dhaawaca ah.

Yuusuf Cali, Oo ah sarkaal Ka tirsan Ciidanka Puntland, ayaa wakaalada wararka ee Associated Press u sheegay in qaraxu ka dhashay Bam lagu rakibay Baabuurka kadibna lagu hagayay Rumuut. Gaadhiga ayaa ku hor qarxay Xarunta UN-ta ee Garoowe.

Afhayeenka hawlgalada Al-shabaab ayaa saxaafadda u sheegay in Ururka Al-shabaab ka dambeeyay fulinta weerarkan “Waxaanu weerar ka fulinay Garoowe. Waxaanu la beegsanay cadawgayaga Qaramada midoobay, waxaanuna ku dilay dad badan qaar kalena waanu ku dhaawacnay” ayuu yidhi Cabdicasiis Abu Muscab.

Sawirrada Baraha bulshada la iskula dhexmarayo ayaa muujinaya Maydadka dhawr qof iyo Bas Qaramada midoobay leedahay oo Saqafka sare Qaraxu goostay.

 qarax gaadhi

Goobjoogeyaal ayaa saxaafadda u sheegay in qaraxu ahaa mid culus islamarkaana goobta ay isku gadaameen Ciidamada amaanka Puntland oo ay hogaaminayaan saraakiisha u saraysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here