Hargeysa:(Hubaal)-Garyaqaan Cumar Dhegoole oo katirsan sharci-yaqaannada reer Somaliland, ayaa deedafeeyey eedo dhawaan kasoo yeedhay siyaasi Axmed Safiina oo katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Garyaqaan Cumar oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta Somaliland, ayaa ex. Ambassador Safiina ku tilmaamay mid ku foogan minjo-xaabinta qaddiyada Somaliland, waxana uu xusay inuu si cad ula shaqeeyo diblomaasiyiinta reer Soomaaliya,“Safiina oo aan garanayo inuu yahay gacan-yare yaasha madaxda Soomaaliya yahay oo siyaajayada inta uu u qaado madaxdeena xajka intuu ka afduubo u ag dhigayey madaxda Soomaaliya si madaxdeena shaambaddu ugu dhacdo inuu maanta madaxdeena iuo dadka Somaliland-nimadu ku dheer tahay wax ka sheego ma aha” ayuu yidhi garyaqaan Cumar Dhegoole.
Waxa uu Garyaqaan Cumar Dhegoole sheegay inuu Ex. Ambassador Safiina si cad dulmi uga galay qaranka Somaliland, isla markaana uu goobo fagaareyaal ah ka caddaystay wada-shaqaynta uu la leeyahay madaxda reer Soomaaliya, waxana uu yidhi,“Safiina qarankuu dembi ka galaye in lagu maxkamadeeyo ayey ahayd wakhtiyada xaramka la joogo Soomaaliyadan u olalaynayo ee uu dadkeena calanka qoorta ugu sudhayo ee 24-ka saacadood leeyahay wasaaradda arrimaha gudahaan idinka ashkataynayaa haddii aan calanka Soomaaliya diidaan.”
Ugu dambayntii garyyaqaan Cumar waxa uu soo jeediyey in baadhis lagu sameeyo siyaasi Safiina, isla-markaana uu u hayo markhaatiyaal ku caddaynaya hagardaamooyinka uu qaranka ku hayo,“Waxan soo jeedinaya in ninka Safiina la yidhaahdaa uu xidhiidh la leeyahay Soomaaliya, baadhis dheerna hallagu sameeyo annaguna markhaatiyaal iyo maragyadooda ayaanu soo dhigaynaa” ayuu yidhi garyaqaan Cumar Dhegoole.