Hargeysa (Hubaal)- Kulan Ay Magaallada Hargeysa ku yeesheen Guddiga Ruqsad-bixinta iyo Anshax Marinta Qareennada Somaliland ayaa lagu doortay guddoomiye cusub oo guddidaas hoggaamin doona. Guddidan oo tiro ahaan ka kooban toddoba xubnood ayaa Kulankoodan oo maalintii shalay ka dhacay xarunta guddidaasi ee magaallada Hargeysa waxaa ay guddoomiyaha guud ee guddidaasi loo doortay Garyaqaan Yuusuf Kirix Cawad. Fadhiga lagu doortay guddoomiyaha cusub ee rusqad bixinta iyo anshax marinta qareennada Somaliland oo uu shir-guddoominayay Xildhibaan Siciid Cilmi rooble oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland sidoo kalena xubin ka ah guddidan oo markii dembe isagana loo doortay guddoomiye ku xigeen. Dhinaca kale tirada Xubnaha Guddiga ee Kulankan isugu yimi ayaa ka koobnaa shan Xubnood, waxaana ka maqnaa oo aan kulanka ka soo xaadirin laba Xubnood oo ka socon lahaa Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo Wasiirka iyo Xubin kale ah, kuwaasoo aan la faahfaahin ujeeddada ay kulankan uga maqnaadeen. Hadal uu halkaa ka jeediyey Xil. Siciid Cilmi Rooble oo faahfaahinaya ajendaha kulankan iyo doorashada guddoomiyaha cusub waxaa uu yidhi “ WAxa aan warbaahinta u sheegayaa in halkan ay fadhiyaan guddida rusqad bixinta iyo anshax marinta qareennada Somaliland, waxaa ay ka kooban yihiin shan hay’adood oo toddoba xubnood ah, haseyeeshee waxaa halkan immika fadhiga kaga qayb galaya oo fadhiya afar hay’adood, kuwaas oo kala ah: anigoo golaha wakiillada ka socda [Xil. Siciid], Xildhibaan Jirde oo golaha guurtida ka socda, ururka qareennada oo ay ka socdaan Yuusuf Kirix iyo Ismaaciil Cabdi DAahir iyo maxakamadda sare oo uu ka socdo Garsoore Maxamed Faarax. Waxaa naga maqan uun labadii xubnood ee wasaaradda caddaaladda ka socday”. Sidaa ayuu yidhi Xil. Siciid Cilmi Rooble oo isagu shir guddoominayay fadhiga lagu doortay guddoomiyaha cusub. Intaa kadibna waxaa la gudo galay doorashada guddoomiyaha guddidu yeelan doonto oo cod gacan taag ah loo qaaday, waxaan halkaasi xubnihii fadhiyey ay aqlabiyada ku caleemo saareen Garyaqaan Yuusuf Kirix Cawad oo helay afar cod, iyada oo cid diiday iyo cid ka aamustay midna aanu jirin isla markaana aanu coday guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha Cusub ee guddida rusqad bixinta iyo anshax marinta qareennada Somaliland ee shalay la doortay Yuusuf Kirix Cawad oo doorashadiisa ka dib warbaahinta la hadlay ayaa tafsiiray dareenkiisa, waxaanu yidhi “xilka immika la ii doortay ee farta la ii taagay waan aqbalay, marka labaad aad baan guddidan ugaga mahad naqayaa xilka ay ii igmadeen, haddii alla idmana waxaan ku tala galayaa hawshaasi sida ay tahay inaan u fuliyo”. Sidaasi ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee guddida rusqad bixinta qareennada Somaliland Yusuuf Kirix Cawad.