Hargeysa(Hubaal)- Garyaqaanka guud ee Qaranka Md. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa war-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray Jimcihii shalay waxa uu kaga hadlay Khalad madbici ah oo ku jira mid ka mid ah xeerarka dalka ee ku soo baxay Faafinta rasmiga ah ee qaranka oo ah majaladda xilliyeed lagu baahiyey shuruucda dalka. Cadadkii 12aad ee sannadka 2014ka oo soo baxay bishii Koowaad ee 2015kii.
Garyaqaanka Guud waxa uu sheegay in khalad dhinaca qorista ahi uu galay xeerka: Wax ka bedelka xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, (Xeer No: 37/2007) ee buuggaas faafinta rasmiga ah ku soo baxay, balse ay dib kaga baraarugeen, tallaabooyinkii ku habboonaa ee lagu sixi lahaa khaladkaasna uu hore u qaaday. Garyaqaanka Guud waxa uu sheegay in si xeerkaasi uu bulshada u gaadho ay dib u sixidda qoraalkiisa mar labaad ku baahiyeen cadadka 4 ee sannadkan 2015ka ee buugga faafinta rasmiga ah, oo uu sheegay in bishan gudaheeda uu soo baxayo.
War-saxaafadeedka Garyaqaanka Guud oo ku taariikhaysnaa 8da May 2015ka, ujeedaddiisuna ahayd Iftiimin, isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan; “Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku waxa uu u iftiiminayaa dhamaan bulshada Somaliland, iyo bahda Saxaafadda in Faafinta rasmiga ah ee Qaranka cadaadkii 12aad ee sanadkii 2014-ka, uu ku jiray khalad dhinaca daabacadda ah, gaar ahaan; Wax ka bedelka xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, (Xeer No: 37/2007). Khaladaadkaas oo xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku uu ku baraarugay, horena u qaaday talaabooyinkii lagu sixi lahaa oo ay ka mid tahay in nuqulka bishan soo baxaya ee Faafinta Rasmiga ah ee Qaranka dib loogu baahiyey sixidda qaladkaas madbaciga ah”