Hargeysa:(Hubaal)-Garyaqaanka Guud ee Somaliland Md Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay muranka sharci ee ka taagan Wareejinta Haamaha shidaalka Berbera, waxana uu tilmaamay in baahi badan loo qabo dabbaqadda sharciyadda waddanka u yaalla. Ibraahim Iidle Saleebaan oo maalintii shalay qaar kamid ah warbaahinta la Hadlay, ayaa ugu horrayn ku dooday inay xukuumadda u bannaan tahay inay Haamaha Keydka shidaalka Berbera ku wareejiso cid kasta oo ay la rabto, iyadoo sharciyadda dabbaqaysa,“way u bannaan tahay xukuumadda tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan iyo tallaabo kasta oo ay ku maamulayso haamaha iyo wixii lamid ahba, maadaama aanay jirin xeer iyo sharci ka mamnuucaya, madaxweynuhuna hore usoo saaray Degreeto uu Haamaha shidaalka ku hoos geynayo Wasaaradda Ganacsiga.” Ayuu yidhi Ibraahim Iidle. Garyaqaanka Guud oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaas waxa uu ku daray,“Laga bilaabo maalintaas ilaa maanta Haamaha waxa maamulaya Wasaaradda Ganacsiga, sidaas darteedna waxay u bannaantahay haddii heshiis la galona in geynayo Golaha iyo in aan la geynayn waxa ay ku xidhan tahay Dabeecadda Heshiiskaas, waxana jira Heshiisyo distoorku yidhi halla geeyo Golaha iyo heshiisyo aanay ku lahay. Haddii xukuumaddu gasho heshiisyo kamid ah kuwa distoorku tilmaamayna sharciga waa la raacayaa Golaha waa la horgeynayaa.” Hadalkan kasoo baxay Garyaqaanka guud ee Qaranka, ayaa u muuqda mid u janjeedha dhinaca Rabitaanka xukuumadda ee Wareejinta Haamaha shidaalka Berbera, waxana haatan ka hor Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo arrintaas wax laga weydiiyey uu sheegay inuu jeclaan lahaa in Hay’adaha sharcidejinta iyo Fulintu ay dhamaystaan Muranka dhexdooda yaalla.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Garyaqaanka Guud Oo Muranka Haamaha Shidaalka Kaga Gar-naqay Weedho Taabacsan Mooshinka Xukuumadda