Geeddi-Socodka Hannaanka Somaaliland, Xaggee Hayaanku Uu Foolka Ku Hayaa?

0
163

Qaybta 1aad: Somaaliland oo Afrika U dhigtay Tubta Dimuqraadiyadda (Milgaha Doorashadii 13kii November). Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Si Afrika uga dheegato tubta dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan, Somaaliland, mar kale, waxaa ay cashar qaayo badan u laqintay Afrika iyo guud ahaan dunida. Casharka oo ku baxay tiraabta afaf badan waxaa uu ku astaysnaa qabsoomada doorashada milgaha badanayd ee 13kii November taasoo si nabad, xor iyo xalaal ah shacabku ku soo doorteen Madaxweyahii 5aad Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdiraxmaan Saylaci.. Dalkan raad qaadka ah, waxaa lagu kuunyaa inuu marba hore u qaado tallaabo aan laga filan dal go’doon ah oo bulshada caalamku, ilaa hadda, ka la dhabcaashay aqoonsiga uu xaqqa u leeyahay. Yeelkeed, si kastoo dhegaha looga furaysto, shacabku waxaa uu ku naaloodaa sida soke ee caalamku indhaha ugu hayo dimuqraadiyadda ka tis qaaday dalkooda taasoo xujo ku ahaan doonta cid kasta oo duudsida goonni isu-taagga Somaaliland. Warbaahinta caalamka oo si baahsan u hadal haysay nabadda, xasillonida iyo bisaylka shacabku ku codeeyeen ayaa mar keliya waxxa hadheeyey tibaaxda Xisbiga Waddani oo diidmo qayaxan kala hor yimid natiijadii doorashada. Hae yeeshee, wax yar ka dib, waxaa amankaag ku noqotay in dhowr saacadood gudahood lagu soo afmeeray murankii soo dhex galay doorashada iyo mawqifkii qallafsanaa ee uu istaagay Xisbiga Waddani. Xalka sida degdeg ah ku soo degay waxaa uu halxidhaale ku ahaa xeeldheerayaal u dhuun daloola duruufaha hoose ee Geeska Afrika. Somaaliland ma aha dal lagu hilaadin karo waayaha deriska iyo dhaqanka inta badan ee Afrika. Ugu horreynba, doorashooyinka Somaaliland,waxaa ay ku fulaan go’aan xor ah oo ka dhasha rabitaanka shacabka iyo talo dadku ku hagaajinayaan gurigooda, isla markaana, loogu heellan yahay ku dhaqanka distoorkooda dunidu aanay aqoonsanayn. Khubarada waxaa ka maqan doorashooyinka Somaaliland in aan laga soo yeedhin dhul qalaad, laguna raalli gelinayn dalal ama ururo shisheeye oo sheeganaya in ay wax ku leeyahiin talada dalka, kol haddii ay ku ladhaan taageero dhaqaale. Qoddobka kale oo ilaa hadda mugdiga ka jira kuwa moodaya in ay aqoon dheeraad ah u leeyahiin Somaaliland waxaa uu yahay dalku inuu ku soo caano maalay xeerar hoose iyo dhaqan adag oo muwaadin kasta ku sanduleeya inuu u hoggaansamo danta qarankan iskoriska ah taaso NABADDU gundhig ay u tahay. Shacabku yar iyo weyn waxaa uu ka wantoobay wax kastoo u horseedi kara jab. Sidaa awgeed, adduunku, mar kale, marag ha ka ahaado hayaanka sii socda ee Somaaliland ku tiigsanayso in ay xubin xurmo leh ka dhex noqoto bahweynta caalamka. Doorashada oo dhowr jeer dib u dhacday, waxa aan xusayaa, 16/09/2016, war saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen dawladaha Marykan (US), Hingiriis (UK), Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN), Sweden iyo Denmark. Baaqa wxaa lagu  muujiyay sida qotada dheer oo ay uga xumaadeen dib u dhaca doorashooyinkii Madaxtooyo iyo Barlamaan oo la filayay in hal mar la wada qaban doonay March 2017. Waxaa kale oo ay sheegeen dib u dhacaasi inuu waxyeelo ku yahay kalsoonida bulshada caalamku u haysay Somaliland. Waxaana ay si cad u qeexeen haddi wax laga bedelo xilligii hore loo mudeeyay in ay faraha ka la bixi doonaan taageerada ay u fidiyaan Somaliland. Waxaana Hargeysa iska soo daba dhacay dhowr ergo oo miisaan culus leh iyo danjirayaasha dalalka iyo hay’adaha aan soo sheegnay kuwaasoo mawqifkooda gurracan u saafay xukuumadda iyo golayaasha Qaranka. Dunida tadhahday waxaa ay iska indha tirtay dib u dhacu inuu ku yimid sifo sharci ah iyo go’aan ay u dhan yahiin Madaxweynaha JSL, Golayaasha Qaranka, 3da Xisbi Qaran iyo Maxkamadda Sare. Go’aanku waxaa uu ka tarjumayay duruufahii abaarahii ba’naa ee ku habsaday dalka. Weliba, dib u dhigidda waxaa si gaar ah u soo jeediyay xisbiyada mucaaridka. Sidaa daraadeed isku tashigii lagu gaadhay cashuuraha shacabka in laga mag-dhabo kharashka doorashada waxaa uu keenay in aan loo debcin shisheeye aan qiimayn karayn duruufaha dalku uu ka sugan yahay. Somalilandna waxaa ay ku mutaysatay sharaf iyo kalsoonida shacabka ilaa ay ka garaabeen kuwii ku cagojogleeyay in ay goynayaan deeqda. Doorashadu waxaa dalka ay u soo jiiday guul. Zac Goldsmith oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka U.K (Hingiriiska) ayaa fadhigii barlamaanka ka soo jeediyay, “Somaaliland in ay ka qabsoontay doorasho guul weyn u soo hoysay”. Xildhibaanku waxaa uu tibaaxay, “marka aan og nahay walaahowga ka taagan Zambia iyo xasillooni-darrada baahsan ee ka dhalatay  doorashada Kenya, Somaaliland waxaa ka fushay doorasho guulaysatay.” Mudane Goldsmith waxaa uu Ra’iisal Wasaaraha ka codsaday in ay la bogaadisu Somaaliland. Waxaana uu tibaaxay, “taageeradii xukuumadda U.K iyo dedaalkii Komishanka Somaliland, waxaa ka soo baxay doorasho ku dayasho mudan taasoo sida ay sheegeen goobjoogayaashii caalamku u dhacday si nabdoon, daahfuran oo cadaalad ah.Weliba aanu muran aanu ka taagnayn.” Dhankeeda Ra’iisal Wasaare Theresa May waxaa ay sheegtay xildhibaanku inuu soo jeediyay arrin muhiim ah iyo inay ku faraxsan tahay kaalinta xukuumadeedu ku leeydahay xasilloonida Somaaliland. Isla maalmahaa, 13kii November, maqaal lagu daabacay warsidaha milgaha badan The Economist waxaa uu tibaaxay sababta Somaaliland u noqotay “dimuqraadiyadda ugu awoodda badan dalalka Bariga Afrika” iyagoo aan haysan aqoonsi caalami ah. “Bariga Afrika waxaa ku gedaaman Koonfurta Suudaan iyo Somaaliya oo ah dawlado fashilmay (failed states),” ayuu sheegay The Economist. Waxaana uu raaciyay, “xukun kelitalis ah ayaa isaguna ka jira Sudana iyo dawladaha askariyaysan ee Eritrea, Rwanda iyo Ethiopia.” Isla markaa waxaa uu tibaaxay Yoweri Museveni inuu Uganda ka talinayay tan iyo 1986. Weliba, hadda, waxaa uu ku hammiyayaa inuu wax ka bedelo distuurka oo aan da’diisa u oggolayn inuu mar lixaad isu soo taago doorasha isagoo 2005 bedelay xadayntii mudada xilka.” Doorashooyinka dalka Tanzania Warsidaha The Economist waxaa uu ku tilmaamay kuwo dhinaca u janjeedha, mar haddii, tan iyo markii ay xornimada qaateen 1961 uu ka talinayay xisbi keliya. Kenya, sida uu sheegay Warsidahu waxaa jirtay mar in loo aqoonsanaa in ay tahay dalka ugu tugtugta roon hannaanka dimuqraadiyadda ee gobolkan. Hase ahatee, kaalintaas waxaa ay lumiyeen ka dib markii October 2017 ay ka dhacday doorasho ku celis ah taasoo 98% uu ku guulaystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Doorashada waxaa qaadacay mucaaridka. Warsidaha The Economist waxaa uu maqaalkiisa ku soo gumaamaday Somaaliland in ay tahay dalka keliya ee ka bed qaba nidaam xumada ragaadisay gobolka iyo in aan lagu haysan “dimuqraadiyadda ugu awoodda badan Bariga Afrika”. Wargeysku ma uu xusin Djibouti oo uu ka talinayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle 19 sannadood tan iyo 8 May 1999 iyo in distuurka loo bedelay inuu mar 3aad isu soo taago. Isku soo xoori, Somaaliland ma aha Equatorial Guinea oo uu Madaxweyne Teodoro Obiang Nguema ka talinayay 38 sannadood. Ma aha Angola oo 38 sanno uu ka arriminayay Madaxweyne Jose Eduardo dos Santos. Ma aha Zimbabwe oo Madaxweyene Robert Mugabe uu ku amar-ku-taaglaynayay 37 sannadood. Mana aha Cameroon oo Madaxweyne Paul Biya uu talada hayay 35 sannadood. Lamana mid aha Uganda oo 31 sanno uu hoggaanka u hayay Madaxweyne Yoweri Museveni. Xaasha! Somaliland ma aha Swaziland oo uu Boqor Mswati III ku fadhiyay carshiga 31 sannadood. Sidoo kale, lama mid aha Sudan oo 28 sannadood uu kor boodayay Madaxweyne Omar al-Bashir. Somaaliland lama mid aha Chad oo 27 sannadood uu majaraha u hayay madaxweyne Idriss Deby. Sidoo kalena, Somaaliland lagu ma masayn karo Somaaliya oo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo ku yimid codka 184 Xildhibaan oo iyagana isimadu ku soo xuleen si qoor-ka-qabad ah. Balse Somaaliland qof kastaba hal cod ayaa lagu soo doortaa golayaasha degaan, golaha barlamaan. madaweyne iyo ku xigeenkiisa. Somaaliland waxaa ay tahay xiddig ka soo dhex iftiintay qaaradda Afrika. Iftiinka ka baxaya ma jiro mid kale oo u dhexeeya ilaa laga gaadhayo iftiinka Chana iyo Konnfurta Africa.

La soco Qaybta 2aad

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here