Sheekadan waa turjumaad aan ku sameeyay, barnaamij googoos ah, oo uu soo saaray Raage Oomaar, oo ah weriye ka tirsan TV-ga Aljazeera. Waxay qayb ka tahay
sheekooyin badan oo taxane ah oo laga baahiyo TV-gaas lana yidhaa Witness.
Qaybo ka mid ah waddanka Isbayn, waxaa ka dhacday arrin cajiib ah oo dad badan soo jiidatay dareenkooda. Waa dhacdo la mid ah heerinkii ka dhici jiray, dhulka ay Soomaalidu degto, waayadii hore. Hoos u dhac dhaqaale oo la soo darsay dalka Isbayn waayadan danbe ayaa keentay in dadka badankoodu iskugu ururaan meelaha magaalooyinka ah, taas oo sababtay in dhulka intiisi badnayd ee loogu talogalay beeraha ay maamulaan oo ay gacanta ku dhigaan dad tiro yar. Dadkaas beeralayda ahi waxay u badan yihiin rag aan xaasas lahayn. Haddaba Bulsho ka mid ah bulshooyinka ku dhaqan waddankaas, ayaa waxay bilaabeen inay tuulooyinkaas cidla’ waaqlada noqday keenaan dumar guur doon ah ama herein ah, hadba sida aad u taqaan. Kuwaas oo laga keenayo magaalooyinka.
Mid ka mid ah safarradaas ay haweenka heerinka ahi ku tagaan tuulooyinka, ayaynnu tusaale u soo qaadan doonnaa; safarkaasi siduu u dhacay kuna soo gebagaboobay, ayaan waxoogaa halkan hoose ku sharraxi doonnaa. Bal ila dhugta:
Waa gaadhi bas ah oo ay waddo haweenay, lana socdaan in ka badan boqol dumar ah oo wejiyadooda ay farxadi ka muuqato. Laba-laba ayay u sheekaysanayaan, qosolka iyo haasaawaha dhexdooda ka socda, ayaad ka dareemaysaa inay ku jiraan jewi wanaagsan, rejo badanna ka qabaan inay heli doonaan calafkooda ay jidka dheer u marayaan. Hase yeeshee waxa kale oo aan ka maqnayn werwer iyo walaac ku jihaysan in tuulada ay ku socdaan ay joogaan rag le’eg tirada dumarka ah ee ay yihiin iyo weliba inuu dhici doono tartan dhexdooda ah!
Tuulada ay ku socdaan waxa la yidhaa Kabesuwela (Cabezuela) oo dhinaca waqooyi kaga toosan caasimadda waddanka Isbayn ee Madriid. Tuuladan waxa ku nool dad tiradooda lagu qiyaasay siddeed boqol (800) oo qof una badan dad da’ ah. Ragga ku dhaqan Kabesuwela dhibaatada ugu weyn ee haysataa waa dumar la’aan, sidaas oo ay tahay, haddana waxa jira dareen ay ka siman yihiin raggaasi; waxay aaminsan yihiin in dumarku yihiin kuwo danaystayaal ah oo raba uun inay qaataan hantidooda oo kaliya.
Dadka tuuladan ku dhaqan way ka war hayaan safarka ku soo jihaysan, waxayna isku sii diyaariyaan rag iyo dumarba, meelaha ay ku hakadaan gawaadhidu, si ay u soo dhaweeyaan martidan. Waxa lagu soo dhawaynayaa caleemo qoyan, heeso iyo muyuusig kala duwan.
Waa kan baskii siday haweenku isa soo taagay. Waxaa ka soo degaya dumarkii heerinka ahaa, kuwaas oo la dhacsan sida dadka ku dhaqan tuuladani isugu soo baxeen soo dhaweyntooda. Xaflad soo dhaweyn ah oo la isku arkay ayaa lagu qaabilay dumarkan. Haseyeeshe waxa nasiibdarro noqotay; in xafladdaas qiimaha weyn, ay ka soo qayb galeen in ku dhaw afartan nin oo bilaa xaas ah; tiradani waxa ay aad uga yar tahay tirada dumarka socotada ah oo iyagu boqol ka badan. Ciyaarta qoob ka ciyaarka oo ay ku tartamayaan ragga iyo dumarka xafladda isugu yimid ayaa bilaabantay, taas oo u noqotay fursad kale oo ay isku bartaan dadkan calaf doonka ahi. Qado sharaf la isku arkay ayaa lagu qaabilay haweenkii socotada ahaa; kaftan iyo sheeko goos goos ah.
Elsa waa gabadh u dhalatay waddanka Ekwaadoor (Ecaudor) haatanna ku nool magaalo madaxda waddanka Isbayn ee Madriid. Waxa ay soo gashay Isbayn iyada oo raadinaysa nolol wanaagsan iyo fursado shaqo. Shaqadeedu waa Nadiifiso; haatanna waxay ka mid tahay kooxdan u heerintay tuulada Kabasuwela. Boqollaal qof oo ay gabadhan Elsa ka mid tahay una dhashay waddammada Koonfur Ameerika ayaa waxay u safraan Waddamada Koonfur Galbeed Yurub iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tay ku noolaayeen waddammadoodii. Elsa waxay jeceshahay oo ay rajaynaysaa inay mar uun la kulanto qof ay nolosha wadaagan.
Elsa waxay la kulantay Alfareedo intii lagu jiray xafladdan soo dhawaynta ah, waxayna u eg tahay inay heshay ninkii ay rajaynaysay in badan, waa Alfareedo’ e. Waqti badan wada qaate, intay xafladdu socotay. Waxa kale oo ay fursaddu u saamaxday inay kala qortaan cinwaannadooda iyo halka laga helayo mid kasta. Lix usbuuc kaddib, Elsa waxay ku laabatay Kabasuwela, si ay iyada iyo Alfareedo u sii ambaqaadaan isbarashadii dhex martay. Aad bay ugu rejo weyn tahay inay wax kastaaba sida ay jeceshahay ugu dhacaan.
Alfareedo wuxuu la nool yahay aabbihii iyo hooyadii, guri ay ku leeyihiin tuulada. Nasiib wanaag, Elsa waxa lagu qaabilay weji furan iyo farxad, waxayna rejaynaysaa inay tuulada u soo guurto oo ay shaqo ka hesho. Aakhirkii waxay ku heshiiyeen guur, rejadii Elsana way rumowday.
Geeddigan Jacaylka ah, oo ay ku kulmeen dad aad u badani, waxa keli ah ee ku guulaystay inay iscalfadaan; shan iyo labaatan lammaane, oo ay Elsa iyo Alfareedo ka mid yihiin.
Nura Ibrahim
Email: nuura.kaamila@gmail.com
Facebook: Nura Kamila Ibrahim