Geella Duqdisii Durdurisay Aarankiisa Maxaad u Malayn, Ha La Diido Qabyaaladda Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo Isku Bahaysteen!

0
35

Waxa cad sida qabyaaladda bilaa xishoodka ah,ee Saleebaan Gaal ugu taageerayo inaadeerkii Siilaanyo,hadaba soomaalidu waxay ku maah maahdaa Xabaali Xigto ka maarmi wayday,Saleebaan Gaal oo inta badan wakhtigiisa ku dhamaysta ku nasashada dalka uu degan yahay ee ingiriiska ayaa marka uu maqlo inaadeerkaa Siilaanyo ayey umadii ka soo horjeedaa ayuu soo cararaa ,isla marka uu soo gaadho madaarka caalamiga ah ee Cigaal ayuu hanjabaad bilaabaa,hadaba sida foosha xun ee bilaa xishoodka ah ee Mr Saleebaan Gaal uu ugu qabyaaladaynayo inadeerkii Siilaanyo waa mid umadda ku kala dhex beeraysa kala fogaansho iyo ku dhaqanka qabyaaladda,iyadoo marka horeba xukuumadda Siilaanyo soo nooleysay ku dhaqanka qabyaaladda,iyadoo shacabka reer Somaliland iska ilaabeen qabyaaladda ayaa markii xukuumadda Siilaanyo dhalatay waxa si weyn ku soo nolaatay ku dhaqanka qaybaaladda waxana kaw ka ahaa xukuumadda Siilaanyo oo ilaa hada umadda kula dhex jirta kala qaybin iyo qabyaalad.

SiilaanyoSaleebaanWaxa waajib ah in dhamaan shacabka Somaliland ka soo horjeesto qabyaaladda ay isku taageerayaan Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo,waana in umadu ka dhiidhido xumaanta qabyaaladda ay wadaan ,isla markaana waa in laga horjoogsado qorshaha qabyaaladaysan ee ay wadaan,isla markaana waa in laga tashado nidaam xumida ay doonayaan inay umadda ku dhaqaan,waayo maanta marka ay muuqatay oo wax cad ay noqotay qabyaaladda ay iskugu ololeynayaan labada nin ee ilmaadeerka ahi waa wixii laga xishoon jiray marka uu qofku masuuliyad noocaasi ah umadda u hayo,iyadoo weliba aysan jirin wax ku kalifaya inay isku bahaystaan qabyaalad noocaasi ah.

Tan iyo markii uu saleebaan gaal ka soo cararay ingiriiska ee uu u soo gurmaday inaadeerkii Siilaanyo waxa bilaamantay in xildhibaanada ku yimid dhaxalka ee golaha guurtida mid kasta halkiisa lagu baayaco oo la yidhaa xildhibaan imisa lacag ah ayaad qaadan,iyadoo hantidii umadda ee masaakiinta laga soo ururiyey sidaasi loo isticmaalayo,waxa xusid mudan in xildhibaanada ku yimid nidaamka dhaxalka ahi u badan yihiin qaar dadnimadooda ay kala weyn tahay dhawrka kun ee doolar ee xaaraanta ah ee uu xukuumadda ka qaadanayo,marka akhristayaal meesha inooma fadhiyaan  wax guurti la yidhaa ee waa dhaxal ku yimaade miidhan,inta kalena waa odayaal todobaadkiiba mar soo kaca oo da’doodu dhaaftay 100 –ka hadana doonaya inay taliyaan oo weliba haday talinayaan oo wanaag ku talinayaane waxay ku talinayaan maxaan cunaa! Yaab waa nasiib darada dalka ku dhacday ayey ka mid tahay.

Gabagabadii waxaan umadda u soo jeedinayaa in la diido qabyaaladda iyo eexda,musuqa ay isku taageerayaan Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo,hana la abaabulo mudaharaado lagu diidan yahay arimahaasi foosha xun ee ay ku doonayaan labada sanno ee mudo kordhinta xaraanta ah.

By: Axmed  Maxamed Nuur

Email:axmed-1994@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here