Muqdisho (Hubaal) – Lix wiil oo uu dhalay ganacsade caan ka ah dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xaaji Gaabow ayaa maanta barqadii si badheedh ah loogu laayey degaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.
Wiilasha la laayey ayaa ka mid ahaa dadweyne ka baxay magaalada Muqdisho oo la socday gaadiid gelbinayey meydka haweeney lagu aasayey duleedka Muqdisho, taasoo ay qaraabo ahaayeen ganacsade Xaaji Gaabow.
Goob-joogayaal ka mid ahaa dadkii meydka aasayey ayaa sheegaya in rag hubeysan oo gaari watay ay yimaadeen goobta uu aaska ka socday ayna halkaas ku laayeen lix wiil oo walaalo ah.
Mid ka mid ah wiilasha la dilay ayey wararku sheegayaan in isagoo dhaawac ah uu isku dayey inuu ka baxsado goobta hase ahaatee kooxda weerarkan fulisay ayey wararku sheegayaan iney ku ceyrsadeen dhulka keynta ah ku yaalla degaanka Siinka dheer halkaasoo ugu dambeyn ay ku dileen.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobtaas ka baxsaday, lamana oga illaa hadda cida ay ahaayeen iyo sababta ay u laayeen wiilasha uu dhalay ganacsadaha caanka ah ee Xaaji Gaabow.
Jahwareer xoogan iyo khal khal ayaa hareeyey goobta uu weerarkan ka dhacay oo ay markii dambe gaareen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo halkaas ka wada baaritaano kala duwan.
Goobta uu dilkan foosha xun ka dhacay ayaa sidoo kale la sheegay iney tahay goobtii sanado ka hor lagu weeraray laguna laayey dhaqaatiir ajnabi ah oo u dhalatay dalka Siiriya.
Gudoomiye kuxigeenka maamulka gobolka Sh/hoose ayaa xaqiijiyey dilka loo geystay wiilasha ganacsade Xaaji Gaabow wuxuuna xusay inuu arintaas ka tacsiyadeynayo ayna baaritaano ku socdaan weerarkan iyo cida ka dambeysa.