GEESI iyo GALLAD EEBBE: Gabay Abwaan Sacad Axmed Xasan-Roodhiile Ku Cabiray Siyaasadda KULMIYE Ka Curatay

0
460

Gabaygan oo uu curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile, wuxuu ka hadlayaa xaaladda siyaasadeed iyo tartanka ka dhex curtay xisbiga  KULMIYE, taariikhda iyo dadaalka uu u soo maray Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, deegaamada iyo gobollada taageeray guddoomiyaha xisbiga iyo abaalka uu sii gashaday, go’aanka Madaxweynuhu qaatay iyo guuldarrada ku timi raggii kale ee loollanka kula jiray.  Gabaygan oo abwaanku tiriyey dhawr toddobaad ka hor intaan qaraxan siyaasadeed ee weyni soo bixin kulmiye,wuxuu noqonayaa saadaal rumowday iyo guhaanka abwaanku sii arko.

Abwaanku wuxuu yidhi sidan:-

Abwaan Sacad

Galladaada eebbow adaan, cidina gaadhayne

Adaa dunida guudkeeda idil, nagu gargaaraaye

Raxmaddaada gaar iyo mid guud, laga geyoonnayne

Afartaasi  khayr gogol dhigiyo, guudmar kaygii dhe

Imikana bal aan soo gelbiyo, middan la guuxaayey

Libaax wuu yaqaan kii ganiyo, kii galladay waaye

Geesina sidoo kale ayuu, garasho yeeshaaye

Waxaad soo gignaataba rag waad, gudubtay xeeshiiye

Waxaad gododka booraan qafilan, gees ka dhaafaysay

Ama gagi abaar iyo cidladi, gaadada u jiiftay

Ama aad galgalad iyo dagaal, jiidha guuraysay

Ama gaajadaad golongalkii, caday gasiin mooday

Gaawaytadoo madhan waxaad, gaasas carinaysay

Guubaabadaad dhabar adayg, gawska u qaniintay

Markay guushu dhalatiyo markaan, goonnida u soocnay

Guurtida markaad dhagax dhigtiyo, gulufki yeedhaayey

Galladani ninkii celin ayaa, gool cad kuu qaliye

Waa godob nin muusow markani ,garab ka weydaaye

Ninka guulwadeeyaa mar kale, maanka geli waaye

Rag  gaashaan bir weeyiye kolkuu, guusha dhicinaayo

Wuxuu gebi dhacleeyaba kolbuu, goolka dhalliyaaye

Kama gaadho geed sare  nimaan, tacab ka gaadhayne

Guul ooman waxa loo dhaxaa, geediyaal badane

Guyaal badan waxaa loo maraa, guuro bahaleede

Gidaar adag waxaa laga jafaa, gebi ku xeernaaye

Gocondhiyo mar baa gaade badan, garab ku gooyaaye

Gacan iyo gargaar niman lahayn, gudub ku eegaane

Gurigood ba’ qaar badan marbay, kuu gabbinayaane

Garta hadal la qaadaba marbay,kuu gafaayaane

Wax ku guba hankaa oo goblama, geydha ladi weydo

Geed sare raggii koray marbay, hadalka  kaa goyne

Adoon galabsan eedayn marbay, kaa ganbinayaane

Rag nimaad gunnaysaa marbuu, gaabis kaa noqonne

Nimaad gurada saartaa marbuu, goonni kaa faqiye

Ginni lacag marbay kaa duddaan, gabi masayr koode

Gommadaha marbay kaa cunnaan, nacas gun weeyaane

Gallad nimaad ka eegayn mar buu, geedsan kuu noqone

Uu kuu garaabaa waxaad, garasho doontaaye

Rag nin soo guddoonshaa yaqaan, noocyaduu gala’ e

Gurgushaa sidii baad wax badan, gurada saartaaye

Nin is gaabshay mooyee nin kale, gooha ladi waaye

Nacas baa gol-nuuge nin raggii,  kaama gaabsada e

Gaashaamo nimankaa degiyo, bananka gaaroodi

Burco iyo galbeedkeeda iyo ceeri gudda heeda

Gob weeyee halkii gole la yidhi, gobo’da hiilkooda

Carroogay garaaceen wakaa, giidi soo kacaye

Beer iyo yirroowiyo gar adag,  gaar usoo baxa, e

Hadday gorof maggaabin hanbadaa, kalama guuraane

Gadhwadeena talliyaan oggahay, oo gar qaad wacane

Waxaa gocasho loo yidhi abaal, gudida weeyaane

Alle geesi weeyiye intuu, kaahin garab joogay

Ruug caddaa gu’ weyn baa raggii, seef la soo galaye

Garaadkiisa oo saxa go’aan adag guddoonsiiye

Gudgudaha sidii roob wuxuu, galowgu ooyaayo

Ninka guuldaraystaa wadnuhu, gawda ladi waaye

Gurmagoo in badan bay warmaha, nagu garaaceene

Afartaa gam siiyaye midkale, idin garwaaqsiine

Dadka guudka boorama degiyo, gacal wadaageena

Iyaguba hadday gawda tahay, garab rag weeyaane

Go’aankay mar qaataan haddana, kama gamiimaane

Gunburaha raggaa hawd ka xiga, geella wada maalno

Haantaba guntaa laga unkaye, gaadh ma kugu xeermay

Girriyaad bankiyo geerrisiyo, guban ilaa saylac

Wax la soo gucleeyaba markani, kuma gumeeyaane

Saaxil kaama guurta e waxay, guddi abaalkiiye

Ragga gobboladaa sool degiyo, geyiga buuhoodle

Weligood nin geesiya agtood, gawrac laga giigye

Sayidkii raggii goob la galay, ee gunnimo diiday

Gumaysigi shisheeyaha raggii,  gamaska tuuraayey

Gabbaad weeyi goortaad darwiish, soo galbinayaaye

Cabdow goob xun kuma dhigo haddaad, garato taariikhe

Afar kale waxaan guud mar idhi ,gacale waayaabe

Anoo soo gunaanaday murtida, gees yar ka iftiinshay

Waxaan uga golleeyahay nin raggi, wuu i maan garane

Weligii rag waa goob xun joog,  galalaf weerkeede

Geedkuba hadduu xidid adkayn, way gilgilayaane

Gal dad liqa ul baa lagu deyaa, teer intaad geline

Waa lagu gubtaa digo kolkay, dhamac guntii taalle

Muujad guuxday doonidu marbay, kula gadoontaaye

Gab intaanad soo odhan guntaa, laga sal gaadhaaye

Lama guuxo xaajow adoo, sahan ku guurayne

Hadduu geeddi niman kuu furayn, gibisha kuu saaro

Goor danbaad ogaataa godkaad, qaladay goodow’e

Abwaan Sacad Axmed Xasan (Roodhiile)

Tel. 0634420532

email: saadroodhiile@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here