Go’aan Dab Kusii Shiday Khilaafkii WADDANi Oo Ay Guddida Fulinta Ee Xisbigaasi Shalay Xilkii Kaga Xayuubiyeen Xoghayahoodii Guud

0
11

Shir Uu Guddoomiyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Ayaa Lagu Shaaciyey In Guddida Fulintu Ay Xilkii Iyo Xubinnimadiiba Kaga Qaadeen Xoghaye Maxamed Cabdillaahi Uurcadde

 

Hargeysa(Hubaal):-Guddida fulinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shalay sheegay inay xilkii iyo xubinnimadii uu xisbigaas ka hayayba ka xayuubiyeen xoghayihii guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, kadib go’aan ay kasoo saareen shir ay ku yeesheen magaallada Hargeysa.  shirkan ay iskugu yimaadeen guddida fulinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo uu shir gudoominayey gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa lagu go’aamiiyey xil ka qaadista lagu sameeyey xoghayihii guud ee xisbigaasi. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo shirkaasi, 36 xubnood oo ka mid guddida fulinta xisbiga Waddani oo ka soo qayb galay shirka ayaa 34 ka mid ahi waxay u codeeyeen in xilkii,xubinimadii guddida fulinta, xubinimadii golaha iyo xilkiiba lagaga qaado Maxamed Cabdilaahi Uurcade, halka ay 1 xubin ka aamustay gudoomiyuhuna aanu codayn. Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codka loo qaaday xoghayaha guud ee Waddani, isaga oo xusay in soo jeedintu xilka lagaga qaadayna ay ka timid hogaanka xisbiga.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here