“Go’aanka Guurtidu Waa Go’aan Baarlamaan Oo Waa Sharci Qaran” Gudoomiye Saleebaan

0
65

Hargeysa(Hubaal) -Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa si kooban uga hadlay kulan uu la yeeshay Safiirka Ingiriiska ee dalka Ethiopia iyo go’aankii guurtidu xukumadda wakhtiga ugu kordhisay oo uu sheegay inuu yahay go’aan sharci ah oo aan ka noqosho lahayn.

Gudoomiyaha oo kulanka kadib wariyeyaashu su’aalo la boobeen ayaa si kooban oo jikaar ku jiro ugu jawaabay su’aalaha la waydiiyay.

saleebaan gaalGudoomiye Saleebaan oo su’aalaha saxaafadda badankooda ka jawaabay isagoo soconaya ayaa waxay u dhaceen sidan su’aalaha iyo jawaabaha uu bixiyay:

Gudoomiye Maxaad ka wada hadasheen weftiga Ingiriiska ah?

Gudoomiye Saleebaan “Waydiiya iyaga”..haaye maxaad ka wada hadasheen?..”waxaanu ka wada hadlaynay uun arrimaha dalka ka dhacaya iyo qorsheyaasheena”…Gudoomiye Arrimaha dalka ka dhacayaa maxay yihiin?.. “Dee maanagaa war  u hayna, haddaydaan ogoyn maxaa Kamaradaha ka sidataan?

Gudoomiyaha guurtida oo la waydiiyay inay ka wada hadleen arrimaha doorashadu wuxuu ku jawaabay “Doorashooyinku Somaliland ayay u yaalaan ee iyaga arrin u taala maaha”

Gudoomiyaha oo sidoo kale la waydiiyay in Ingiriisku u soo gudbiyay cabasho ah in muddo kordhinta guurtidu samaysay ayaa yidhi “Guurtida cidna ka caban mayso, guuratiduna go’aan way gaadhay” ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan isagoo la waydiiyay inay go’aanka ka noqonayaana waxa uu yidhi “ Iska dhaaf ka noqoshadaas iyo waxaas oo Guurtidu go’aanna waa gaadhay, Shuruucda dalkana waa ka mid..wax walbana waan kala hadalnay, haddaad doonaysaan in wax iga soo duulaana waxba iga soo duuli maayaan…Go’aankaasi muddo kordhintu waa go’aan guurti,, waa go’aan baarlamaan oo waa sharci qaran, waxbana laga noqon maayo” ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan.

Asxaabta Qaranka iyo Xukumadda ayaa wada hadal ay yeesheen la sheegay inay isla afgarteen in laga noqdo go’aanka guurtida islamarkaana dib loo eego muddada 22-ka bilood ah ee Xukumadda loo kordhiyay balse wali arrintaasi laguma heshiin

Source:ramaas

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here