Hargeysa(Hubaal)- Gudoomiyihii hore ee Komishanka xuquuqal Iisaanka qaranka, Axmed Yuusuf Xasan, ayaa sheegay in go’aanka Xukumadda Siilaanyo ku diiday qaabilaada Qaxoontiga Soomaalida ay wax u dhimayso sumcadda Somaliland ku leeyahay Caalamka, sidoo kalena ay tahay tacadi lagula kacay dadka amaan darrada ka cararaya.
“Halkan waxaan ka canbaaraynayaa go’aankii dawlada ee lagu diiday qaxoontiga yemen ee soomaalida u badan kana soo qaxaya dalka yemen. qofka qaxoontiga ah waxa loo aqoonsan karaya marka uu ka baxo xad la aqoonsan yahay,markaas kuwan waxa ay ka soo cararayaan xabad iyo dhibaato waxaanan dawladda ugu baaqaynaa in ay go’aankaas ka noqoto,isla markaasna dadka soomaalida ah u qabato wixii ay ku tari karto dadkaas soomaalida ah oo bani’adanimo ah,go’aanka noocaas ah ee qofka xabad ka soo cararay ee bad soo maray in Yacnii la celiyo ama la hakiyo socdaalkiisa waxa ay noqonaysaa tacadi ka dhan ah Xuquuqda bani’aadanka,” ayuu yidhi Axmed Xuquuq.
intaas waxa uu raaciyay ”Markaas Arintaas Aad ayaanu u canbaaraynaynaa waxaanan u soo jeedinaynaa in Go’aankaas ka noqdaan,anbiilna halkan ayaanu uga diraynaa wasaaradda arrimaha gudaha iyo madaxwayne Siilaanyo waayo? waxa ay meel ka dhac ku noqonaysaa Sumcadda iyo Karaamada somaliland waayo adiga oo tacadi sheeganaya hadana hadaad tacadi sii samayso waa mid Subxaanale ah”.
Xukumadda Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqday inay gabi ahaanba joojisay qaabilaada qaxoontiga Soomaalida ee ka soo cararaya Yemen kadib markii ay muddo laba bilood ah qaabilsay. Xukumadda ayaa sheegtay in Caalamku diiday caawinta qaxoontiga.