“Go’aanka Shacbigani Qaatay Waxaa Uu Daliil U Yahay In Jiritaanka Jamhuuriyaddani Uu Ka Turjumayo Xaqiiqadda Dhabta Ah Ee Wax Dhalanteed Iyo Riyo Ku Dhisan Aanu Ahayn”

0
39

Biya-dhaca Khudbad Uu Madaxweyne Siilaanyo   Kula Hadlay BEesha Caalamka Iyo Soomaaliya Oo uu Ka Jeediyey Hargeysa

“Qarannimada Iyo Madax-Bannaanida Somaliland Waxay Dan U Tahay Nabad-Galyada, Deganaanshaha, Geedi-Socodka Dimuqraadiyada, Ganacsiga Iyo Horumarka Geeska Africa Iyo Ka Caalamka Intaba”

DSC_0087Hargeysa (Hubaal) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Khudbad uu Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya kula hadlay, arrimo badan oo qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyaddan ku saabsan kaga hadlayna ka jeediyey Munaasibad lagu soo bandhigay Saxeexa in ka badan Hal Milyan oo Qof oo Reer Somaliland ah oo Codsanaya in la aqoonsado, taasoo shalay  lagu qabtay Magaalada Hargeysa, isla markaana ay Wasaaradda arrimaha dibedda oo hawashaas gacanta ku haysay qabatay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Beesha caalamka u soo jeediyey inay qiimeeyaan qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland iyo Codsiga Muwaaddiniinteeda. Waxaanu sidoo kale u soo jeediyey dowladda Federaalka Soomaaliya inaanay Somaliland ka mid ah Soomaaliya ee ay yihiin laba dal oo jaar ah, sidaas awgeedna ka gudbaan ama ka waynaadaan sheegashada inay Somaliland ka mid tahay maamullada iyada hoos-taga, balse ay u tixgeliyaan dal iyo dad ay walaalo yihiin oo la jaar ah.

Khudbadda dhinacyada kala duwan taabanaysa ee uu Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo ka jeediyey Munaasibaddaas, waxaa iyadoo Qoraal ah Warbaahinta u soo kala diray Xoghayaha Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir, waxaana Nuqul ka  mid ah Khudbaddaas Madaxweynaha oo soo gaadhay Wargeyska HUBAAL ay   u dhignayd sidatan hoos ku qoran:-siilaanyo-1

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane:  Axmed Maxamed Silaanyo ayaa khudbad taariikhiya oo xambaarsan sooyaalka Somaliland horrayso iyo danbayso, islamarkaana uu ku jiro garnaqsi sida ay xaq u tahay aqbalaada madaxbanaanida Somaliland ee laga rabo beesha caalamka, isla markaana uu ku taageerayo cabashada dadweynuhu qoreen halkaa ka jeediyey. Waxaana ka mid ahaa Khudbaddii Madaxweynaha:

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan maanta kasoo qayb-galo munaasibaddan lagu soo ban-dhigayo dareenka runta ah iyo qoraallada codsiga ah ee laga soo ururiyey qaybo ka mid ah Bulshada ku dhaqan gobollada kala duwan ee Somaliland.

Waxaan jecelahay inaan halkan uga mahad-celiyo dhammaan muwaadiniinta muujiyey dareenkooda ku aaddan sida ay u aaminsan-yihiin madax-banaanida dalkooda.

Mar labaad, waxaan ku bogaadinaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee uu hor-muudka ka yahay Dr. Sacad Cali Shire iyo dhallinyaradii kala shaqaysay barnaamijkan qiimaha badan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Dareenkan muwaadiniintu wuxuu ka markhaati kacaya rabitaanka runta ah ee Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo uu cadaynayaa, himillada iyo hal adayga ay Ummadda Somaliland u leedahay ka-midho-dhalinta mabaadii’da ay aaminsan-yihiin iyo ilaalinta madax-bannaanida dalkooda hooyo, kuwaasoo aan la yaraysan karin, lana is-diid-siin karin ama dhagaha laga furaysan karin.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan u caddaynayaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-

Somaliland waa waddan leh taariikh dheer oo soo jiray ilaa 1887, isla markaana leh, xuduudo caalamiya oo la aqoonsan yahay, kana mid ahaa maxmiyadihii Ingiriiska. Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii July dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray. Somaliland waa waddan isagoo xor ah, waddan kale oo xor ah ku biiray, maaha markii ugu horreysay oo laba waddan oo Qaaradda Africa ka mid ahi isku darsadeen, haddana kala noqdeen. Masar iyo Suuriya, waxay isku darsadeen 1958, waxay kala noqdeen 1961-kii. French Sudan iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1960-kii, waxay kala noqdeen 1960-kii. Gambia iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1981-kii, waxay kala noqdeen 1989. Shacbi-waynaha Somaliland waxay si cad %53 ku diideen June, 1961-kii aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday. Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.

Somaliland rubuc qarnigii u dambeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.

Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax-garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco, go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.

Maaha markii u horreysay ee Dadka Somaliland dareenkooda iyo rabitaankooda muujiyaan, Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buuxa %97.7 ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland  iyo Qadiyadda Gooni-isu-taaga dalka.

Somaliland waa dal buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa wadan madax-bannaan.

Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay.

Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland, waxaanan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan xaqa sharci iyo ka bini’aadannimo ee Shacbiga Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan.

Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland waxay dan u tahay nabad-galyada, deganaanshaha, geedi-socodka dimuqraadiyada, ganacsiga iyo horumarka Geeska Africa iyo ka caalamka intaba.

Ugu dambayn, waxaan Shacbi-weynaha Somaliland ugu baaqayaa gudo iyo dibed meel kasta oo ay joogaan: in ay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta qarannimadooda iyo qadiyaddooda.” in ay rabitaankooda ku muujiyaan cod dheer iyo cudud midaysan. Wa Billaahi Tawfiiq…” sidaa ayuu Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo ku yidhi Khudbadda uu ka jeediyey Xafladdaas lagu soo bandhigay Saxeexa Codsiga Hal Milyan, Koow iyo Labaatan Kun oo Qof oo reer Somaliland ah oo Salaasadii   lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here