‘Fasiraada Shacabku Ka Bixiyey Go’aankii Madaxweynaha’- Waxa wax ka qoray: Cumar Maxamed Faarax
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xafiiska madaxtinimada Somaliland fadhiyey muddo 241 maalmood ah, ayaa Sabtidii toddobaadkan soo saaray wareegto uu gacanta dawladda dib ugu soo celiyey saddex adeeg oo xukuumaddu qaban jirtay, hase ahaatee dawladdii uu xilka tirsaday ku wareejisay shirkado gaar ah, iyadoo aan loo tartamin.
Go’aankaas waxa lagu tilmaamay mid loo qaaday dhinaca ku dhaqanka sharciga, balse loo wada joogi doono sida loo fuliyo.
Madaxweynuhu wuxuu buriyey heshiisyadii lagu bixiyey Haamaha Shidaalka Berbera, Adeegga Amniga Madaarka Hargeysa, iyo Baarkinka Madaarka Cigaal, oo ay gacanta ku hayeen Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS. Waxaanu madaxweynuhu ku sababeeyey go’aankiisa “in il-duuf sharci ku jiro habka loo wareejiyey maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah.”
Waxa kaloo uu daliishaday “In sii wadidda heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada bulshada ee ay xukuumaddu ka masuulka ahayd aanay ku jirin danta guud ee qaranka.”
Madaxweyne Biixi wuxuu guddi ka kooban Hay’adaha dawladda u xilsaaray inay xisaabiyaan dhaqaalaha ay shirkadahani geliyeen adeegyadii ay hayeen iyo maaliyada ka soo gashay, si loo kala caddeeyo in qaranku qaan ku yeesho sharaa’igaas iyo in xukuumaddu dabarto haddii ay soo baxdo in lacagtii ay shirkaduhu ku maalgeliyeen adeegyadaas aanay uga soo bixin muddadii ay gacanta ku hayeen.
Ra’yul-caamka bulshada ayaa ku macneeyey wareegtadaas tallaabo muujinaysa hal-adaygii madaxweynaha lagu sifeynayn jiray ka hor intii aanu ku guulaysan doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka 13kii November ee kal-hore, waxaanu ahaa qoddob u cuntamay dad badan oo codkoodii u hibeeyey dharaartii codbixinta, xiligii uu ku jiray ololaha waxa shaaricyada magaalooyinka lagu xardhay istiikaro ay ku qornaayeen “Dooro Madaxweyne Go’aan Leh.”
Waxa kaloo loo fasirtay in go’aankani bilow u yahay qorshe madaxweynuhu ku quwaynayo dawladnimada isla markaana uu ceelalyo u yahay inay Somaliland beegsato dawlad wanaagga loo ooman yahay.
Wareegtadii madaxweyne Muuse Biixi oo sumaddeedu ahayd “JSL/XM/WM/222-178/08201” waxay qabsatay goobaha barkulanka dadweynaha iyo saxaafadda bulshada, iyadoo falanqeynteedu meesha ka saartay hadal haynta isbeddelka siyaasadeed ee ka socda dalka Itoobiya gaar ahaan kii ka dhacay degaanka Soomaalida Itoobiya oo maalmahan ahaa qoddobka ugu weyn ee aad u hadhayeeyay fadhi ku dirirka bulshada.
Falanqeeyeyaasha mowduucani waxay su’aalo ay iska weydiinayeen sida arrintan loo meelmarin doono, waxaanay u fasirteen inay dhirbaaxo ku tahay wasiirro hore iyo dad kale oo saamayn ku lahaa wareejintii adeegyadan xukuumaddu dib ula soo noqotay.
Dadka qaar ayaa iyaguna aaminsanaa in madaxweynaha looga baahan yahay inuu qalbiga adkaysto oo uu ka dabo-tago adeegyo kale oo ay ka mid ahaayeen wershadihii laydhka ee magaalooyinka dalka qaarkood oo la dhaxal-wareejiyey iyo shaqooyin aan xad lahayn oo xukuumadda gacanteeda ka baxay.
Waxaa xukuumadda la gudboon inay ka xarimto shacaa’ir kasta oo muujinaya qaraabo-kiil iyo in qof jeclaysi lagu gacan qabanayo ashkhaas gaar ah oo xeelad aan xalaal ahayn iskugu dayda inay uga tijaarto mashaariicda iyo qandaraasyada dawladda.
Ugu dambayn, waxa lama huraan ah in madaxweynuhu halkaas ka sii wado inuu gacanta dawladda ku soo celiyo hanti kasta oo qaranku leeyahay oo lagu bixiyey sifo aan sharci ahayn. Waxa kaloo shacabiga Somaliland-na la gudboon inay xukuumadda ku barbar istaagaan go’aankan oo haddii aan la gaagixin magac aan duugoobin iyo dhaxal togan u soo jiidi doona madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay tahay inuu yaqiinsado in go’aan qaadashadu tahay furaha koowaad ee isbeddel uu maanka ku hayo, waxaana ugu dhow inuu ku taamilo qaato geesinimada xad-dhaafka ah ee Abiy Ahmed-ka Itoobiya ee aynu jaarka nahay.
Cumar Maxamed Faarax