Wasiiru Dawlaha Nabadeynta Bariga Somaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar),
Laascaanood (Hubaal) – Wasiiru Dawlaha Nabadeynta iyo Horumarinta gobolada Bariga Somaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar), ayaa wefti uu hogaaminaayo ee todobaadkii u dambeeyey socdaal ku joogay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool oo arimo nabadeyn laba beelood halkaasi ku dagaalamay u jeegay, ayaa wacyigelinta diwaangelinta doorashooyinka oo halka ka bilaabmaya ka sameeyey Degmadda Kala Baydh ee gobolka Sool. Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar), ayaa isaga iyo weftigiisa uu hogaaminaayo ee gobolka Sool ku sugan, ayaa isaga iyo weftiga uu hogaaminaayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Degmadda Kala Baydh ee gobolkaasi, waxa uu bulshadda reer Kala Baydh ku wacy-geliyey inay ka qayb qaataan diwaangelinta doorashooyinka ee soo socda, isaga oo hoosta ka xariiqay inay bulshadda goboladda galbeedku fahmeen ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin loona baahan yahay inay goboladda galbeedka dadka ku dhaqani ku daydaan oo is diwaangeliyaan si ay horumarka iyo Xuquuqda diwaangelinta ay Somaliland ku leeyihiin si ay u helaan. Wasiir Cabdirashiid Gargaar waxa uu inta ku daray “Maayarka iyo Maamulka Degmadda, Madax dhaqameekda, Cuqaasha iyo dhalinyarta degmadda Kala baydh dhamaantiin aad ayaan idiinku mahadcelinayaa soo dhaweynta balaadhan, waa runtiisa Caaqilku oo marar hore ayaan imid Kala Baydh, laakiin intaaba hawlo ayuumbaan waday oo marka aan imidba wuxuun ayaa ka qabsoomay, socdaalkayagu laba arimood ayuu ku saleysnaa hawsha ugu weyni waxay aheyd hawsha nabadgelyadda ee Dhumay gogosheedi taalo oo aynu markii horena iskaga nimid dhawrka jeer mudona ka wada shaqaynaynay, cuqaasha iyo wax garadka iyo odayaasha halkan fadhiyaana hormuudka ka ahaayeen iyo inta kale ee maqanba hawsha ka dawlad ahaan doorkii aanu ku laheyn fududeyn iyo dedaal wixii loo sameyn waanu sameynay oo dhanka Milatariga iyo Amniyeynta ayeynu galay markii hore sidii arinta colaada loo kala qaboojinlahaa”. Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar) isaga oo isbar bar dhig ku sameynaayey heerka doorashooyinka iyo qaabka ay uga qabsoomaan goboladda Galbeedka iyo Bariga Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay dadyowga deegaanadaasi arinta doorashadda ugu kala fog yihiin faa’iidada fahankeeda waxa uu yidhi “Dhanka goboladda galbeedka Somaliland Beelaha degan anaga ka badan iyo anaga idinka cod badan iyo anaga ayaa soo baxayna ayaa socota oo lagu tartamayaa, hada tartankii dhinac kale ayuu noqday dhinaca doorashadda oo qofku xuquuqdiisa hadhaw Kaadhkaas ayuu wax ku doonanayaa, goboladeena bariga inta aynu ka dambeyno walaalaheena Somaliland ee ay inaga horeeyaan waa waddankii doorashooyin ayaa ka dhacay oo codkaas ayaa lagu gorgortamaa, wax qabadka ay dadkeenu doonayaan ee u baahanahay waa mid cod ku xidhan iyo cida aynu soo saari laheyn oo foodkaagii iyo wax qabadkii aad heli laheyd weeye, marka waxaan odhanlahaa aynu u diyaar garawno diwaangelintii deegaankeenan oo Koomishankii doorashooyinku wuu soo gaadhayaa halkane degmadan Kala Baydh ee gobolka Sool oo weftiyo kale oo dawladda ka socda way iman doonaan waa in aynu diwaangelinta yar iyo weyn ka qayb qaadana dadyawgeena goboladda bariga ee Sool iyo Sanaag horumarkeenii doorashooyinka soo socda iyo diwaangelintan ka horaysa ayey ku xidhan yihiine”.