“Gobollada SSC Way Ku Dulmanyihiin Somaliland…” DAAWO Wareysi Xasaasi Ah Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud

0
95

Hargeysa(Hubaal)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud Jibriil oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay Beellaha Bariga Somaliland xaq u leeyihiin Kursiga Guddoomiyaha Maxkamadda sare si loo dheeli-tiro Saami-qaybsiga Kuraasta Dastuuriga ah ee Dalka, isagoo sidoo kalena ku taliyey in Madaxweynuhu Xilkaas u magacaabo Masuul ka soo jeeda Gobolladaas. Xidhibaanka oo todobaadkan lagu waraystay Barmaamujka Falanqeynta Siyaasadda ee ka baxa Telefishanka SOMNEWSTV, ayaa sidoo kale ka sanqadhiyey in Tabasho siyaasaddeed oo xoogani ka jirto Gobollada Bariga ee Sool, sanaag iyo Cayn, taasoo uu farta ku fiiqay inay ku salaysantahay Saluug saami-qaybsi oo muddo dheer ay u dulqaateen Bulshada Gobolladaas.

Waraysigan ayuu dhanka kalena Xildhibaanku kaga waramay qaabkii uu ku soo galay Siyaasadda, aragtidiisa ku aadan Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada iyo Arrimo kale oo door ah.

Waxaana waxyaabaha uu is dul-taagay kamida qaabka Doorashooyinku uga dhici karaan Deegaamada Bariga ee aanay hore uga qabsoomi jirin oo uu tilmaamay inay xaq u leeyihiin Dadka deegaamadaas inay ka qayb-qaataan sanadkan, lana siiyo fursad u saamaxda Doorashada

Halkan ka daawo muuqaalka wareysigan oo dhamaystiran:

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here