Hadalku isaga oo ah adeegga ugu mudan ee dadku ku xidhiidho, xogta isugu gudbiyo, isku ujeedgarto, iskuna saameeyo, qaybtiisa wadahadalka, oo ah udubdhexaadka isfahanku, waxay leedahay heerar kala sarreeya. Masaladaas hidduhu wax wacan ayuu innaga baray, kolka dhaqanka miyiga la joogana garta iyo doodda lalama dhacdhaco la iskumana xadgudbo ee waxaa la siiyaa milge sarreeya. Aqoon ahaanna arrinkaas aad baa loogu baadhay cilmi nafsiga bulsheed qaybta afka, heerka ugu tayo wanaagsan ee ay dad u wada hadlaanna waxaa laga soo saaray shuruudo dhawr ah. Kolka shuruudahaas laga hadlayana waxaa la raadinayaa waa wadahadal ay ka dhalan karto natiijo u qalanta in ay ahaato xaqiiqo madhaafaan u ah garashada, aqoonta, xogta iyo isfahanka ugu tayo wacan ee ay dad wadahadlay heli karaan. Shuruudaha uu wadahadalka caynkaas ahi u baahan yahay haddii aynu isu ururinno uguna noqonno maskaxshiilka jarmalka ah ee lagu magacaabo Jürge Habermas, waxaa ugu waaweyn:
1. Dhinacyada wadahadlayaa in ay haystaan fursad siman iyo madaxbannaani isu dheellitiran oo ay aragtiyahooda isku dhaafsan karaan.
2. In aan la adeegsan awood dhinaca kale ku dirqida wax aanay ku qanacsanayn.
3. In ay jirto isqaddarin iyo kalsooni la isku qabaa.
4. In aan la adeegsan been, beenabuur, majarehaabin iyo khatalid.
5. In doodda lagu dhiso caddayn iyo sababayn.
6. In diyaar loo ahaado aragti dhinaca kale ka imanaysaa in ay beddeli karto tii la haystay.
7. In aan loo jabin wax aan la rumaysnayn iyada oo sabab uun xaqiiqada looga gaabsanayo.
8. In wadahadalka loo raaco xeer la isla oggol yahay.
9. Helista xaqiiqada in aan lagaga maarmin dan gaar ah oo lagu jahaysan yahay.
Waa ay muuqataa sidaasi in aanay ahayn ta dhaqan maalmeedka loo raaco, waayo dadku goor walba dano ayuu kala jiidjiidanayaa. Waxaa se dhab ah mar walba oo wadahadalku buuxiyo qaybta ugu badan qodobbadaas in loo dhowaanayo natiijo dhinacyada dooday u wada leh xaqiiqo ay u siman yihiin raallina ka wada yihiin. Dadka wadahadlaya ayey se kol walba ku xidhan tahay heerka ay wadahadalkooda la doonayaan iyo ujeeddada ay ka lee yihiin.
Dooddeenna Carra’edeg in yar oo ka mid ahi waxay lee dahay isxilqaan iyo wax kala kororsi, inteeda badani se waa ”quraan qudunquuto”. Quraanka qudunquutadu waa arrin uu Cabdulaaqdir Shire Faarax dhiganihiisa Xeebtii Geerida kaga soo qaaday hidde carruureedka Soomaalida. Waa iyada oo qofka hadalkiisa si joogto ah loo hor dhigo erey u diidaya in uu hadalkaasi hore u dhaqaaqo. Taasi tusaale ahaan waxay u dhacdaa sidan:
Maxaad sheegtay?
Maxaad sheegtay lama yidhaahdo.
Haddaa maxaa la yidhaahdaa?
Haddaa maxaa la yidhaahdaa lama yidhaahdo?
Maxaad sidaa ugu hadlaysaa?
Maxaad sidaa ugu hadlaysaa lama yidhaahdo
Miyaad waalatay?
Miyaad waalatay lama yidhaahdo …
Sidaas ayey u soconaysaa illaa la isku xiiqo. Kolka xaaladdaas lagu jiro waxa uu qof sheegaa macne ma leh, waxaase muhiim ah in waxa uu yidhi cagta lagu walaaqo lana dhooqeeyo si aanay macno u yeelan. Mar kalena qofka fikraddiisa ayaa sida ugu xun loo rogaa dabadeed sida ugu xun looga jawaabaa, haddii wax la rogo la waayana wax aan jirin baa dusha lagaga keenaa.
Ninna maankii ma saluugo, aniguna kama hadli karo dhaliilaha hadalkayga, waxaanse arkaa laba qodob oo la quraan qudunquuteeyey. Ta hore waa in wax aanan qoraalkayga ku darin laga sheegay. Ta labaadna waa in aragti lagu dooday kolkii aan buriyey aan laga garaabin lagana gaabsan ee muran la geliyey. Kolka ay sidaas wax u dhacaan waa lagu wareerayaa waxa laga hadlay iyo waxa la isku diiddan yahay ama la isla oggol yahay.
Taasi waa taa.
Afkeenna iyo dhegaheennu waxay iska barteen, oo muddo dheer caado inoo ahayd, qof walba oo intii yarayd ee weligeed la hayey wax aan ahayn ka hadla in lagu eedeeyo in uu dhaqan reer galbeed wado. Waa dareen sidiisa loo qabo iyo cudur aan qudhaydu qabi jiray se ka bogsaday. Dhanka kalena waa xeelad maskaxda galoofta ah lagu wanaajisto bulshadana lagu baqdin geliyo oo garashada lagaga didiyo. Eedaha fikirka xorta ah lagu wanjalo doodda hagaagsanna lagu dhabqiyo waxaa ka mid ah kuwan hoos ku qodobaysan:
1. Islaamku wuu xun yahay aa?!
2. Islaamku waa dibudhac aa?!
3. Islaamku dunida waxba kuma soo kordhin aa?!
4. Aynu gaalowno aa?!
5. Dhaqankeennu wuu xun yahay aa?!
6. Dhaqankeenna aynu ka tagno aa?!
7. Caddaanka ayaa fiican aa?!
8. Dhaqanka caddaanka aynu qaadanno aa?!
Waxaas ayaa lagu gelgelimaystaa oo tabar aad u badan lagu bixiyaa, waayo dood run ah oo waxtar leh ayaa laga faro madhan yahay. Waa kalsoonidarro iyo nugayl, dhanka kalena cuqdad caddaanka laga qabo. Aragti aad qof Soomaaliyeed isku diiddan tihiin in aad meel kale ula kacdo waxaa keenaysa naftaada oo aan oggolayn in uu jiri karo Soomaali sidiisaba sheegi kara wax aanu gaalo ka soo qaadin. Garasho, aqoon iyo waayo’aragnimo kasta oo madaxaaga ka baxsan waxaad u haysataa wax ay caddaanku leeyihiin oo qofka ay doonaan u dhiibtaan. Sida aad maankaaga u liidayso si la mid ah ayaad Soomaaliga kale maankiisa u quudhsanaysaa.
Barbaarinta iyo waxbarashada midnaba innagama caawiyo sarraysiinta iyo xaqdhawrka garashada. Hidduhuna inaguma soo carbiyo wax aan ahayn ”reer hebel iska celi” iyo ”nin hebel iska raw”. Weligeen labadaas oo qudha ayeynu dhufayska ugu jirraa mayalkana u haynaa. Haddii qabiil la soo huwado, haddii diin la soo hullaabto, haddii aqoon la soo hagoogto iyo haddii wax kale la soo huluushaba macnaha iyo halganka noloshu waa inoo intaa. Labada dheegna waxaa inagaga raran laba dhoomood oo kala ah carab iyo caddaan.
Anigu dhalanteedkaa la isku xiijinayo ma rumaysni, se waxaan rumaysan ahay in ay maskax dhagax ahi inna saaran tahay una baahan nahay in la dhaqaajiyo oo firfircooni la geliyo. Waxaan rumaysan ahay in aynu ku jirro wacyi xumo iyo caajis fikir oo aan dunida cid innala qabtaa jirin, ayna tahay in aynu garashada bislayno. Waxaan rumaysan ahay xitaa halabuurka, oo ah wax maanka iyo nafta dhisa, in aynu diidnay halkii ay awow iyo ayeyo soo gaadhsiiyeen in aynu ka dhaqaajinno, ayna tahay in aynu nolol iyo tabar cusub gelinno. Waxaan rumaysan ahay in aynu danta ku gawracayno khuraafaad iyo ”waxay ahaan jirtay”, ayna tahay in aynu hore u dhiirranno oo si kale wax u eegno. Waxaan rumaysan ahay ilbaxnimada iyo midhaheeda in aan cidina gaar u lahayn ee ay tahay baadi cid walba ka maqan, una baahan nahay in aynu waxsoosaarka maskaxda iyo tijaabada wanaagsan ee aadamiga dheefsanno innaga oo aan ka biqin ama ximin.
Been ma aha in meel walba lala tuban yahay aqoonta jirtaa idilkeed in ay diinta ku dhan tahay. Looma baahna in la fekero ee sidaas ayaa la iska haystaa. Kolka se la joogo falsafadda islaamka, haddii aad tidhaahdo aqoontu Quraanka ayey ku dhan tahay, Quraankuna yahay ereyo, aayado iyo suurado tirsan oo kitaab qudha ku qoran, markaa waxaad tidhi Ilaahay aqoontiisu waxay ku dhan tahay kitaabkaas. In sidaas la yidhaahdaana diinta kuma bannaana waayo waxay koobaysaa aqoonta Ilaahay oo ay tahay in aan la koobin (”Walaa yuxiiduuna bishey’in min cilmih illaa bimaa shaa’a” – suuradda Baqara, aayadda 255). Aragtida caynkaas ah ee ay dad aad u badani qabaan haddana sida fudud u buraysa, kolkii aan sheegay halkii laga garaabi lahaa wixiiba waxaa loo rogay loogana jawaabay sillooni iyo quraan qudunquuto. Diintu nolosha aadamiga waxtar badan ayey u lee dahay, se farsamada iyo culuunta maaddiga waxba kuma leh.
Taasina waa taa.
Baqdinta fikir ee Yurub laga qabaa waa soojireen. Innaga uun ma aha ee dunidaba cudurkaasi muddo dheer ayuu ku yuururay. Ka hadli mayno iska caabbinta gumaysigooda dhinacayada badan, kana hadli mayno Afrika oo markaa ka horba dhawr qarni addoonsiga Yurub hoos taallay, kamana hadlayno loollanka abuurta ah ee aadamiga sidiisa uga dhex jira. Waxay nu ka hadlaynaa muslinka iyo carabta aynu isxijinno inta ku aaddan.
Horta kolkii lala kulmay reer yurub oo aqoon iyo farsamo dunidii kale aad uga fogaaday khasab ayey noqotay xaaladda in la qeexo. Qeexitaankaasi wuxuu yeeshay laba weji. Ka hore wuxuu ahaa isweydiin iyo baadhitaan ku saabsan horumarkaas waxa keenay. Wejiga labaadna wuxuu ahaa sababta horumarkaa looga hadhay. Halkaa muslinka waxaa isku mar u wada muuqday horraynta Yurub iyo iyaga dambayntooda. Isla marka ilbaxnimadaa la qaddarinayey ee wanaag loo qirayey laguna hiranayey ayaa laga baqayey oo la isku dayayey in la iska caabbiyo. Sidaas darteed arrintu weligeed waxay lahayd isdiiddo lagu dhibaatooday. Dadka masaladan xiiseeyaa waa ay og yihiin hayaanka dheer ee ay doodda caynkaas ahi soo martay iyo kaymaha ay soo jibaaxday.
Reer yurub iyaguna berigaa dhankooda waxay abuureen aqoon ay ku baadhayaan afafka, dhaqanka iyo hiddaha bulshooyinka kale. Waxaa ka mid ahayd ta ay ula baxeen orientalism (orient: bari, orientalism: isbariyeyn). Tilmaantaas oo lagu bilaabay Bariga Fog ee qaaradda Aasiya, kolkii dambena ku ururtay Bariga Dhexe, bulshooyinkii lagu sifeeyey waxay u arkeen aqoon iyo fikir midabtakoor gumaysi ah oo ay reer yurubku ku doonayaan in ay dunida oo dhan qeexaan, iyaga halbeeggooduna noqdo ka wax lagu qiimeeyo. Fikirka sidaas ah ee la dhaliilayo waxaa loo bixiyey ”eurocentrism” – yurubxarumayn. Waxaa loo arkay cadow imbiriyaali ah oo lagu liidayo laguna qiimi tirayo ahaansho kasta oo Yurub ka baxsan. Yurubxarumaynta waxaa lagaga hortegey maskax iyo aqoon laxaad leh. Dhaqdhaqaaq fikir oo ay rag madow ahi ka bilaabeen dalka Faransiiska, iyo Frantz Fanon ilaa Edward Saciid iyo ilaa maanta waxaa la soo afuufay duufaan reer yurub dharka iyo dubkaba lagaga siibay.
Waxaad se mooddaa falcelintaas in aad iyo aad loogu raagay, si la mid ah sidii qeexitaanka horumarka Yurub loogu daahay. Waqti iyo maskax aad u badan, oo aan u wada qalmin, ayaa labada arrimoodba lagu bixiyey. Taasi waxay keentay yurubxarumaynta lala tacaalayey qudheedii in la hirgeliyey oo la xoojiyey. Waayo kol kasta oo lagu bixiyo waqti iyo garasho waxaa la sii gelinayey nuxur dheeri ah. Taasi khasaare fikir oo weyn ayey keentay welina inagu haysaa. Maxaaba aynu teenna ka fekerraa weligeenba faallaynta Yurub ayeynu ku shuqlan nahay iskuna riixriixaynaaye.
Waxaa la isla soo maray innagu waxba kuma aynu darsan isir ahaan. Goobta dirirta waxaynu ka soo dul dhacnay goor maydkii la kala aastay dhaawiciina la kala gurtay. Dabadeed wuxuu madmadow innaga galay sida la isu hayo, waxa la isku hayo iyo dhinacyada loo qaybsan yahay. Kol se haddii aynu nahay afrikaan muslin ah hiilku wuu inoo caddaa wuuna inoo furraa. Labada isdiiddo ee muslin-gaalo iyo madow-caddaan ayeynu ku mintidnay oo daanjirriidka ku qabsannay. Halkaas ayeynu dhowaan innaga oo dacalbasar ah bilawnay in aynu wax ka tuurtuurro. Arrinkeennu intaa ma dhaafsana (muslin-gaalo, madow caddaan), dan kalena ugama soconno.
Talada habbooni waxay ahayd in aynu wixii la isla soo maray mar qudha dib u jalleecno, meesha maanta wax marayaan qiimayno, dabadeed danteenna u duwanno ama aragti aynu innagu lee nahay ka falkinno. Sida aynu wadno, ee ah in aynu wax ka soo bilawno halkii qarni iyo badh ka hor laga soo bilaabay, waa si aad u liidata, waayo waxay ina seejinaysaa oo inaga jeedinaysaa in aynu garanno dunidan halka teennu kaga jirto ama ka geli karto. Waa si faalso ah oo aan xaqiiqadeenna ku dhisnayn ee cido kale tooda ku sidkan.
Taasina waa taa.
Qorshihii cusboonaynta muslinku miyuu guuldarraystay mise wuu guulaystay? Waa weydiin furan iyada oo la qiimaynayo qarni in ka badan ka dib aayaha laga hayo ama aan laga hayn iyo runta maanta horteenna ka muuqata. Anigu waxaan haystaa iskudaygaasi wuu guuldarraystay, sababtuna waa fikirkii hore loo wadi lahaa oo dib loo eryey. Weliba taasi maalinba ta ka dambaysa ayey ka sii darrayd kana sii daran tahay. Xitaa tusaale ahaan haddii aad isu eegto fikradihii ay qori jireen hormuudkii ay ka midka ahaayeen Dahdaawi, Kheyrudiin Baasha, Afgaani iyo Cabdo iyo waxa iyaga ka dib arrinka laga qoray kala duwanaanta waad yaabaysaa. Nimankaas hore waxay galeen baadhitaan, isbarbardhig iyo qiimayn, waxay dhiirrani ku akhriyeen aqoonaha jira qaarna soo turjumeen, waxay saaxiibnimo dhow iyo doodwadaag la yeesheen maskaxdii reer yurub ee xilligaas, waxay curiyeen dood aqooneed cusub, waxayna soofeeyeen maskaxdii qofka muslinka ah ee daxalaysatay. Wax kaleba iska daaye iyaga dartood waxaa mar kale ifka u soo baxday mad’habta Muctasila oo qarniyo badan daboollayd taas oo Islaamka Sunniga ah ugu maskax dhiirran. Xitaa Sheekh Maxamed Cabdo wuxuu qaatay fikrad u dhow in aan danta la waafajin diinta ee diinta la waafajiyo danta (arag tusaale ahaan daraasadda la yidhaahdo: al-Fikr al-Carabiy fii Casr an-Nahda 1798 – 1939, uu qoray Albert Xuuraani).
Iyada oo ay run tahay facaasi in ay wax badan dib u celiyeen haddana Dunida Muslinka waa ay baraarujiyeen, ama dheh, sida Maxamed Ibraahin Sh Cali, waa ay hambaaberiyeen. Waana run oo nimankaasi waxay taagnaayeen marxalad kalaguur, waxayna la legdamayeen duni cusub oo macnayn iyo qaabayn uga baahan. Sidaas darteed eedda iyo guuldarrada maanta jirta inteeda badan waxaa leh facii iyaga ku xigay oo ah kii abuuray jahowareerka imika lagu jiro. Facan dambe wuxuu u kala jabay laba dhinac oo kala taagan laba cidhif oo aan la iska gaadhi karin. Midkood waa ka ilbaxnimada yurub u arka tusaale kamadambays ah oo aan doorasho kale loo hayn ayna tahay in la qaato, wixii hore oo dhanna la iska qubo. Dhinaca kalena waa ka ilbaxnimadaas u arka shar ay tahay in la iska mooso, xalka noloshana casrigii Rasuulka loo celiyo. Bulshooyikii muslinkuna labadaas xoog ayey ku dhex lumeen, welina ku dhex lunsan yihiin. Halkaas ayuu murankeennani ka imanayaa innaga og ama aan ogayn. Talada hagaagsani (maalintaas iyo maantaba) waa isu dheellitirka ilaashiga ahaanshaha dhaladka ah, ku dhiirrashada fikir iyo tallaabo cusub, iyo ku danaysiga waxqabadka aqooneed iyo farsamo ee Yurub, oo ah guusha ugu weyn ee weligii aadamigu dhulka dushiisa ku xaqiijiyey.
Maxamed Ibraahin Sh Cali aragtidiisa masaladan la xidhiidha ee uu labadiisa maqaal sida sarraysa ugu soo gudbiyey, ee rumaysan barnaamijkii cusboonaynta muslinku in uu libin ku geeraaray ayna tahay in hore loo wado, wuxuu la wadaagaa dad badan. Haddii se daacad loo hadlo inta sidaa haysata waxaa hor yaalla xujooyin culculus oo la xidhiidha taariikhda la soo maray iyo waaqica maanta lagu sugan yahay. Labada doodood ee halkaa isku haysta waxaa gacan sarraysa ta qiraysa tijaabadaasi in ay guuldarraysatay loona baahan yahay in dhan kale looga wareego. Aan se afeeftee, arrintan haddii aynu carabta tixraac iyo xigasho uga dhiganno kuma gefsanin waayo waa xaqiiqo taariikheed oo iyaga ku aroorta innaguna weli marti ugu nahay. Sidaas darteed aan inoo keeno hal tusaale oo ka mid ah kun tusaale oo aynu keeni karro. Dr Maxamed Caabid al-Jaabiri, kana mid ah dadka fikirka carabta casrigan ugu diirdiirran, dhiganihiisa ah Ishkaaliyaat al-Fikr al-Ccarabiy al-Mucaasir, waxaa bog dahab ah kaga qoran hadalkan:
”Siddeetannadii qarnigii 19-aad kolkii la hirdiyey horukaca reer galbeed, wacyiga carbeed (iyo muslinka) waxaa ka soo dhambalantay isweydiinta ah: maxaynu u dibdhacnay, maxay se qayrkeen u horumareen? Qarni ka dib isweydiintii, oo ah ta weli oogani, waxay isu rogtay: maxaynu iskudaygii horukaca ugu guuldarraysannay? Kulankii koowaad ee aqoonyahanka carbeed masaladaas dhab ugaga doodeen wuxuu ka dhacay Kuwayd 7-12/4/1974.[Waxaana la isku weydiiyey] Shiinaha, Jabbaan iyo Ruush innaga ayaa kaga horraynay ku baraarugidda dibudhaceenna iyo iskudayga wax ka qabashadiisa, haddana dawladahaasi guula ayey wada xaqiijiyeen innaguna halkii baynu taagan nahay. Ma waxaynu nahay ummad gabowday oo aan kici karin? Ma tubtii toosnayd ayeynu ka habownay? Mise waxaynu nahay ummad cudur xumi hayo oo aan casriga la jaanqaadi karin?”
Weydiimahaas badan waxaa ka sii badan jawaabaha maalintaas illaa maanta laga bixiyey. Dhaliisha dib u noqoshada ee aynu ku xajiimoonaynaa waa ta carabtii awelba inoo keentay sidaa ugu dhex xasishay.
Malaysiya iyo Indoniisiya oo muslin ah baa dhaqaalaha meel wacan ka gaadhay, iyo Bakistaan baa nukliyeer samaysatay, ma aha wax dooddan nuxur u leh. Malaysiya iyo Indoniisiya waxqabadkooda kama ay keenin in ay shareecada ku dhaqmeen ama casrigii Rasuulka ku noqdeen, waxay se qayb ka tahay hannaanka dhaqaalaha xorta ah ee caalamka. Gobol ahaanna waxay ka mid yihiin oo duruufo badan oo dhaqandhaqaale iyo siyaasadeed la wadaagaan dalal kale. Baraarugga diineed ee imika dhulalkaa ku cusubi wax abaal ah uma sheegan karo horumarka halkaa ka jira. Xagjirkaasi haddii uu xoogaysto wax uu soo kordhiyo iska daaye waxay u badan tahay guulaha ay ummadahaasi gaadheen in uu ka burburiyo. Waayo waa ummado kala isirro, kala afaf, kala diimo iyo kala dhaqamo ah, horumarkodana waxaa gundhig u ah dulqaad iyo xasillooni bulsheed. Xagjirkuna sida la og yahay kala duwanaanta iyo wada noolaanshaha dul uma leh.
Reer Baakistaan iyaguna nukliyeerka ma daahfin Quraankana kama ay soo saarin ee waa aqoon ay Yurub ka soo barteen. Sidaa darteed xaaladda dalalkaas midna diin waxba kama gelin, mana aha in waxyaalo aan shuqul isku lahayn la isku cayn iyo bayd gooyo. Waxay la mid tahay in la yidhaahdo reer Aal Sacuud lacagta badan ee ay ku loofarayaan waxay ku heleen diinta (hadalkaa mid u eg waaba la yidhaahdaaye).
Sida aynu goor walba iyo meel kasta ka arki karro nus qarni ka hor ayuu bilawday baraarugga ah ”aayihii cusboonayntu waa guuldarro ee maxaa talo ah?”, iskudaygaas oo aynaan innagu awelba waxba ku biirin. Kolkaa halkii aynu saaka weydiinta warcelin u dooni lahayn, dan iyo badbaadana ka dhex baadhi lahayn, haddii ay ina dhiillo geliso waa fulaynimo fikir. Waxaa cad in aynu sugayno – sidii aynu weligeenba u sugi jirray – wax cid kale ka soo yeedha. In wax la inagu shubto mooyee dhaqan uma lihin in aynu xaggeenna wax ka keenno. Inta aynu garashadeenna geela raacsanno ayeynu sugaynaa fikirka aadamiga kale waxa inooga soo baxa, sidii uu yahay wax innaga inoo maqan. Waxaa dhaanta in taada la yeesho oo qaabaynta jiritaankaaga iyo aayahaaga aragti loo hindiso. Taa waxaa laga bilaabi karaa in dhagaxoobidda fikir ee lagu sugan yahay dhab loo qiro dabadeed dhaqaaq hore loogu dhiirrado.
Taasina waa taa.
Haddii waxlabarto, oo akhriska iyo garashadaba wax badan lagu ogaado, maxaa la soo kordhiyey? Aqoontaa ma loo xilqabaa? Ma loo diyaarsan yahay waxqabad maskaxeed oo aan ahayn erey san oo qof yidhi in la sharaysto lana sheydaameeyo? Mise run ahaantii taagteenna iyo qaddarkeennu waa intaa?
Ibraahin Yuusuf Axmed
E-Mail:Ibraahinhawd@hotmail.com
Xusuusin iyo Xigasho: Qormadan waxa Hore Loogu Daabacay degelka Wardheer News September 17 , 2009