Gogoshii Ay Madaxtooyadu U Fidisay Axsaabta Mucaaridka Ah Oo Barqada Maanta Hotel-ka Ambassador Laysku Hor-fadhiisan Doono Iyo Wefti Caalamku U Soo Wakiishay Inay Goob-joog Uga Noqdaan Oo Shalay Baaqday

0
34

Natiijada Kulan  Saacado Qaatay Oo Xalay Qasriga Madaxtooyada Ku Qabsoomay+ Labada Xisbi Mucaarid Oo Saluug Ka Muujiyey Qodobada Ajandaha Shirka Maanta

Hargeysa (Hubaal) – Gogoshii wada-tashiga ahayd ee ay dhawaan Madaxtooyadu u fidisay Axsaabta Mucaaridka ah ayaa la filayaa inuu barqada saaka ka furmo Hotelka Ambassador ee Caasimadda Hargeysa. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xukuumadda iyo Xisbiyada qaranka, balse Saraakiil ka tirsan xisbiyada qaranka, ayaa Saxansaxo u xaqiijiyey in shirka lagaga arrin sanayo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta ee ay xukuumaddu Iclaamisay uu maanta ka furmi doono Hargeysa, isla markaana lagu soo casuumay labada xisbi Mucaarid.asxaabta
Shirkan oo uu hore u shaaciyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) in la qaban doono Maanta oo ay bisha May tahay 20, kadib markii golaha guurtidu Muddo kordhin u sameeyeen muddo xileedka Madaxweynaha taas oo ay axsaabta mucaaridka ahina ku goodiyeen in aanay aqbalayn balse ay baaqa dembe ee wada tashiga aqbaleen inay ay soo fadhiistaan ayaa la weriyey in uu Maanta 10-ka subaxnimo ka qabsoomi doono Hotelka Ambassador. Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan qoddobada ajandaha shirka oo dhinaca xukuumadda ee iyagu qabanqabaada shirka gacanta ku haya kasoo baxay, hase yeeshee dabagal ay bahda HUBAAL ku sameeyeen kulan dhinaca madaxtooyada xalay cawayskii ka qabsoomay oo lagaga arrinsanayay qorshaha loo wajahayo sidii shirku ugu furmi lahaa jewi degan oo xal lagaga gaadho kala durugsanaanta dhinacyada is hor fadhiya ayaa ay noo suurto gashay in aanu helno qoddobo ka mid shirka oo qoddobka ugu muhiimsan ee HUBAAL xogta ku heshay ayaa ah in dhinacyadu kaga wada hadlaan khilaafka ka dhashay muddo kordhinta ay Golaha guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo goleyaasha baarlamaanka waxaana la filayaa in shirkan ay si fool ka fool ah isgu hor fadhiisan doonaan xukuumadda iyo Xisbiyada mucaaridka ah, in kasta oo aan la garanayn natiijada ka soo bixi doonta iyo waxa ay iskula afgaran doonaan labada dhinac.
Hase yeeshee Xisbiyada Mucaaridka Somaliland, oo ayaa iyaguna aragtiyo isku dhaw ka Muujiyey wax ka ogaanshaha ajandaha shirka maanta iyaga oo sheegay inay saluugsan yihiin Habsami-u-socodka Wada-xaajoodka Khilaafka siyaasadeed oo ay ku doodeen in aanay xog dhaafsiisan baaqii warbaahinta loo mariyey haynin. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa HUBAAL uga warramay mawqifkiisa ku wajahan wada-hadallada loo ballansan yahay Maanta “ Ma Hayno Wax Xidhiidh ah, Wax Ajande ma hayno, xataa inta qof ee lagu imanayo, meesha la iskugu imanayana ma hayno.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe. Dhinaca kale Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo aanu dhinacooda arrintan wax ka weydiinay ayaa istaagay meel ka fog halka uu Xisbiga UCID ka taagan yahay habsami-u-socodka Arrimaha Maanta loo ballansan yahay, waxana Xoghayaha Warfaafinta Xisbigaas Boobe Yuusuf Ducaale sheegay in Xisbi ahaan aanay Haynin wax ka sokeeye Dhawaaqii Xukuumadda ee warbaahinta ay ka shaaciyeen Ballanta Maanta Wakhtigeedu yahay, waxana uu yidhi, “Wixii warbaahinta aad ka maaqlayseen waanu dhegaysanaynay, Wax Intaas Dhaafsiisan Oo Aanu Saacaddaas Haynaa Ma Jirto,”. Mujaahid Boobe oo ka jawaabayey Su’aal aanu weydiinay oo nuxurkeedu ahaa ajandayaasha uu shirka Maanta loo ballansan yahay yeellan doono, ayaa sheegay inaan wax wargelin ah lasoo siinin, waxana uu muujiyey inaanay jeclayn inay dhinacooda wax shuruudo ah ku xidhaan wada-hadalka, “wax Ajannde ah oo nala siiyey oo nala yidhi kasoo diyaar garooba ama aragtidiina ka keena ma jiro, afkaygayana ma aha gogol fadhiisan mayno.Haddiii Gogoli timaaddo ma fiicna in shuruudo lagu xidho, waxana aanu jecalahay inaanay shuruudo labada dhinac midna ka iman,” ayuu yidhi Muj. Boobe Yuusuf Ducaale. Boobe Yuusuf Ducaale oo si gaar ah uga Hadlay waxa ay filayaan inay bud-dhig u noqoto wada-hadalka loo ballansan yahay, ayaa yidhi, “ hadalka taagani waa doorashooyin in doorashadaas laga wada hadlayo ayaanu u haysanaa, laakiin wixii ay meesha soo dhigayaan ma naqaano, Hadii doorashooyinkii laga wada Hadlaya annagu tii komishankaanu taaganahay.” Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu sharraxay Muddo-kordhinta ay xisbi ahaan Oggol yihiin, waxana uu tilmaamay inaanay waxba ka qabin muddo-kordhin farsamo, waxana uu yidhi, Doorasho inaany dhacayn waa wada naqaan in muddo kordhin loo baahan yahay waa wada naqaano, wixii farsamo ah ee komishanku leyahay ma diidi karno, waxanuse aanaan ogolayn muddo-kordhin siyaasadeed” Mar uu mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ka Hadlayey Go’aanka Guurtida oo xukuumaddu ku sheegtay inuu Distoori yahay, ayaa sheegay in Go’aankaasi kaliya uu Distoori noqon kara Marka Qoddobo Distoori ah la cuskado, waxana uu yidhi. “Go’aanka Guurtidu waxa uu distoori noqdaa markuu Distoorka waaqsan yahay, hay’ad kastoo dawladeed oo qoddob dirstoori ah adeegsataana waa distoori, Guurtudu markay wax laalaysana waa inay qoddobo iyo xeerar cuskadaan, warqadoodiina qoddobo ay cuskadeena may sheegin.” Geesta kale warar aanay HUBAAL Xaqiiqadooda hayn ayaa werinaya in ay baaqdeen Wefti caalamka ka wakiil ah oo qorshuhu ahaa inay goob joog ka noqdaan gogoshan wada hadalka, kuwaas oo la quuda-raynayay in ay shalay dalka yimaadaan balse warku tibaaxay in ay u hakadeen ka dib markii dawladda Somaliland ku qancisay in aanay jiirin duruufo kellifaya goob-joognimadooda maadaama oo jilayaasha siyaasaddu gudahooda is af garad ku gaadhi doonaan wada hadalkooda. Sida laga war qabo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa khudbaddiisii dorraad uu jeediyey ee xuska 18 MAY-da waxa u ku sheegay in Somaliland dhamaysan doonto wixii khilaaf ah ee jira oo ay iyadu ka wada hadli doonto.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here