Muqdisho(Hubaal)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa kala diray Golaha Adeega Garsoorka ee Dawladda Federaalka.
Kala dirista Golahan ayaan saamayn ku yeellan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaaliyaha Guud oo iyagu xafiis ahaan uga tirsan Golaha la kala diray.
Sidaas waxa lagu sheegay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Xasan Maxamuud oo Nuqul kamida uu soo gaaray Xafiiska Gobanimonews, waxaana qararka kala dirista Golaha adeega Garsoorka Madaxweynuhu u cuskaday qodobada Dastuurigaa ee Khuseeya Waajibaadka saaran Garsoorka iyo duruufaha fasaxaya in la kala diro Golaha.
“Madaxweynuhu markuu garwaaqsaday baahida loo qabo in la dhiso Gole adeeg Garsoor oo waafaqsan qodobka 109A, ee Dastuurka K/gaarka ah, markuu arkay sharci lambar 28, ee soo baxay 8/7/2014, ee dhismaha Golle adeeg Garsoor , markuu tix-geliyay cabashada dadweynaha ee cadaalad darrada baahsan, markuu eegay danta guud, waxa uu xeeriyey. Laga bilaabo Taariikda uu madaxweynuhu saxeexo xeerkan, waxa la kala diray Golaha adeega Garsoorka ee aan dhismihiisu waafaqsanayn Dastuurka K/gaarkaa iyo sharciga dhismaha golaha adeega garsoorka.” Ayaa lagu yiri qaraarka ka soo baxay Madaxweynaha.
Waxa qaraarka lagu dalbay inay xukuumadda iyo Golaha Shacabku si dhakhso ah u soo dhisaan Gollaha adeega Garsoorka oo Sharciga cusub waafaqsan.
Cabashada Bulshada ka sekow, muran soo jiitamay oo u dhexeeyay Hay’addaha Garsoorka ee Xukuumadda iyo Laamaha Madaxbanaan, ayaa abuuray xiisad saamaysay waajibaadkooda shaqo.