Gaza ( /W. Wararka)- Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa goor carruurta, haweenka iyo birma-gaydada Falastiiniyiinta ah la xasuuqay ku dhawaaqay in xabad joojin dhinacyada Qaza isku hayaa sameeyaan.
Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa labada dhinac ee Qasa isku haya ugu baaqay in ay 24 gudahood ku sameeyaan xabad-joojin si gargaar bani’aadamino loo sameeyo, isagoo tilmaamay in arrintaas lagu go’aamiyey kulan deg deg ah oo Golaha Ammaanku yeeshay.
Golaha Ammaanka oo habeennimadii Isniinta saqdii dhexe kulmay, waqtigaas oo Muslimiinta ay bilaabmeen Iida-Fitriga, kadib markii ay soo dhamaysteen shacabka Falastiin bishii barakaysnayd oo ay ku afuraayeen duqaynta xabada iyo hubka culus ee Isra’iil.
Ra’isal-wasaaraha Isra’iil Netanyahu ayaa dhaleeceeyey baaqada Golaha Ammaanku ku soo jeediyeen in xabad joojin bani’aadamino la sameeyo, kaasoo ku tilmaamay in arrintaasi dan u tahay dhaqdhaqaaqa Xamaas, lana dayacaayo ammaanka dalka Isra’iil.
Duqaynta Isra’iil oo socotay muddo 20 maalmood ah waxa ku naf waayey 1,035 falastiiniyiin ah sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin, halka Isra’iil ay ku wayday 43 askari oo millateri ah iyo laba qof oo shicib ah sida ay sheegay Waaxda Millateriga Isra’iil.
Baaqan ka soo baxay Golaha Ammaanku waxa uu Xamaas iyo Isra’iil ku boorrinaya in ay labadooduba si dhammaystiran u aqbalaan xabad-joojintan lagu damacsan yahay in gargaar bani’aadamino la sameeyo inta Ciida lagu gudo jiro, lana xalinaayo mashaakiilaadkooda.