Golaha Deegaanka Ceerigaabo Iyo Shacbiga Oo Ka Mudaharaaday Xukun Maxkamadda Sanaag Ku Riday Taliyaha Qaybta Gobolka Oo La Fulin Waayay

0
30

Ceerigaabo(Hubaal ) Qaar ka tirsan xubnaha golaha degaanka degmada Ceerigaabo, Dhalinyaro, aqoonyahan iyo dadweyne aad u tirobadan ayaa si adag uga dhaliilay xukuumada somaliland sida ay uga dhega adeegtay fulinta xukun xadhig ah oo dhawaan maxkamada gobolka sanaag ku riday taliyaha qaybta boliiska ee gobolka sanaag Xasan Ismaciil Yusuf (Gacmayare) oo maxkamada horteeda ka sameeyey falal ka dhan ah anshaxa oo uu kula kacay gudoomiyaha maxkamada gobolka Sanaag Aadan Saleebaan (saalixi) iyo weliba haweenay uur leh oo uu maxkamada gudaheeda kula dagaalamay una taxaabay saldhiga booliska magaalada Ceerigaabo.

Ceeri
Shacabka iyo waxgaradka magaalada Ceerigaabo ayaa si weyn uga cadhooday dhacdadan iyo weliba habdhaqanka taliyaha qaybta boliiska gobolka oo caadaystey xadhiga sharcidarada ah ee shacabka magaalada Ceerigaabo .
Dadweynaha magaalada Ceerigaabo ayaa ka dhursagayeen in talaabada ku haboon laga qaado taliyaha laguna fuliyo xukunkiisa maadaama sharciga loo siman yahay laakiinse nasiib daro taasi may dhicin iyadoo xukuumada gobolkuna isku dayday in ay arintaa habdhaqameed ku xaliso
laakiinse ay ku gacmo saydheen bahda garsoorka gobolka Sanaag. Saaka duhurnimadii ayaa waxa faras magaalaha magaalada Ceerigaabo
isugu soo baxay boqolaal ka tirsan shacabka magaalada Ceerigaabo oo ka gadoodsan baalmarka qaynuunka oo ay ku sifeeyeen inuu sharcigu qabto dadka danyarta ah oo qudha. Waxaana ugu horeynba isu soo baxaasi ka hadlay xilibaano ka tirsan golaha degaanka iyo waxgarad tirobadan oo xukuumad augu baaqay in aanay taliyaha qaybta kala baxsan xukunka ka dhanka ah ee maxkamadu ku riday Si kasta ha ahaatee magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag ayaa ka mida beryahan danbe meelaha ugu dibdhacsan oo aanay ka jirin wax horumar ah taasoo ay u dheertahay tacadiyo iyo xadhig sharcidaro ah oo boliisku kula kacaan dadka shacabka ah, waxaana
dadku ka biyo diideen habdhaqanka noocan ah iyadoo dadweynuhuna ku baraarugeen hadimooyinka iyo dhibaha jira

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here