Golaha Deegaanka ee Laascaannood Oo Kalsoonidii Kala Noqday Duqii Hore ee Magaallada Iyo Magaca Maayar Cusub oo La Doortay

0
59

Golaha Deegaanka ee Laascaannood Oo Kalsoonidii Kala Noqday Duqii Hore ee Magaallada Iyo Magaca Maayar Cusub oo  La Doortay

Laascaanood:(Hubaal)-Golaha degaanka degmada Laascaanood, ayaa kal-fadhi  aan caadi ahayn oo ay xaruntooda ku yeesheen shalay waxa ay xilkii kaga qaadeen maayarkii hore ee golahaas Md. Cismaan Saleebaan Jaamac, waxana ay halkaas ku doorteen maayar cusub.

Fadhigan oo ay kasoo qaybgaleen 19-xildhibaan oo kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada, taliye-ku-xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Sool iyo guddoomiyaha gobolka Md. Cabdi Khayrre Dirir, waxana cod loo qaaday maayarkii hore oo ugu dambayntii aqlabiyadda goluhu soo jeedisay in la beddelo.

Kulankaas oo uu ku sugnaa guddoomiyihii hore ee golaha deegaanka Laascaanood Md. Cismaan Saleebaan Jaamac oo isagu raalli ka ahaa in xilka laga qaado, ayey mudanayaashu ku doorteen Md. Cabdicasiis Xuseen Taarwale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo kooban oo xilka qaadista iyo doorashada guddoomiyaha cusubba ku saabsan.

Guddoomiyihii hore Md. Cismaan Saleebaan oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xilka-qaadista lagu sameeyey, waxana uu ballan qaaday inuu la shaqayn doono guddoomiyaha cusub haddii uu wax qabanayo, waxana hadalladiisii kamid ahaa, “Aad iyo baan ugu faraxsanahay muddadii aan soo hayey xilka iyo maanta oo aan saaxiibkay ku wareejinayo, waxana laga yaabaa inaan anigu kula shaqeeyo haddii aanu isagu igula shaqayn jirin, ninkii wax qabanayana waanu toosinaynaa.”

Maayarka cusub ee laascaannoodGuddoomiyaha cusub ee la doortay Md. Cabdicasiis Taarwale, ayaa isaguna soo dhaweeyey xilka cusub ee loo dhiibtay, waxana uu sheegay inuu waxqabad samayn doono muddada uu xilka hayo.

Maayarka cusub ee la doortay oo xalay isagu khadka telefoonka ugu warramay wargeyska HUBAAL oo wax ka weydiiyey dareenkiisa la xidhiidha xilka loo igmaday iyo farriinta uu shacbiga degmada laascaanood u dirayo waxaa uu sheegay in uu xil iska saari doono sidii uu ugu adeegi lahaa bulshadiisa, isla markaana uu wax ka qaban doono arrimaha dhaqan dhaqaalle iyo bulsho ee magaallada.

Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa iyadu si weyn uga shaqaysay xilka-qaadista maayarka hore, kadib markii uu muranka goluhu soo noqnoqday, waxana lagu qanciyey inuu xilka u wareejiyo si nabadgelyo ah.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here