Maayarka Cusub Oo Ay Xildhibaannadu Ku Doorteen Fadhi Uu Baadhasaabka Gobolka Selel Goob-joog Ka Ahaa Iyo Maayarka Xilka Laga Qaaday Oo Aan Madasha Kasoo Xaadirin
Saylac (Hubaal) – Fadhi aan caadi ahayn oo ay maalintii shalay yeesheen golaha deeggaanka Saylac, ayaa sababay in xilkii laga xayuubiyo Maayarkii hore ee Magaalada Saylac Xuseen Ciidle Barkhadle, waxaana Maayar cusub loo doortay Sacad Daahir Cige oo hore xilka Maayar ku xigeenka isaga casilay, iyadoo Maayar ku xigeena loo doortay Maxamuud cigaal Wacays. Fadhiga golaha deeggaanka oo shalay, waxaa kasoo xaadiray 12 Xildhibaan, kuwaas oo Maayarka cusub iyo ku xigeenkiisa doortay, waxaana goob jog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Salal Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, Xoghayaha Dawlada Hoose Xasan Barkhad Cumar iyo Taliyayaasha Booliska Iyo Ciidanka Badda ee gobolka Salal. Maayarkii hore Magaalada Saylac Xuseen Ciidle Barkhadle, ayaan kasoo xaadirin fadhigaa aan caadiga ahayn ee xilka lagaga qaaday, waxaana jiray khilaaf u dhexeeyay xubnaha gollaha deegaanka Saylac muddooyinkii u danbeeyay oo soo noq-noqnayay, kaas oo sababay in Maayar ku xigeenkii hore oo hadda loo doortya Maayarka cusub uu xilka ku xigeenka hore isaga casilo. Xubnaha golllaha deeggaanka, ayaa marar baddan isku deyay inay fadhi aan caadi ahayn yeeshaan, balse Wasaaradda Arrimaha guddaha Somaliland iyo Badhasaabka gobolka Salal ayaa hor istaagay, wuxuuna khilaafka u dhexeeyay golaha deegaanka Saylac ragaadiyay hawlihii iyo adeegyadii ay bulshadda u qaban lahaayeen xubnaha gollaha deeggaanka Salal, balse khilaafkaa ayaa maanta lagu soo afjaray in xilka laga qaado Maayarkii hore, isla markaana la doorto Maayar iyo Maayar ku xigeen cusub.