Golaha Deeganka Hargeysa oo uu u furmay Kalfadhigii Lixaad iyo Nuxurka qodobo ay ansixiyeen.

0
42

Hargeysa(Hubaal) Kal fadhigii Lixaad ee golaha deegaanka ee Hargaysa uuna shir guddoominayay Mayirka caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco ayaa lagu ansixiyay 4 Qodob oo ay soo gudbiyeen guddida joogta ee golaha deegaanku.
Xildhibaanada ayaa cod kacan taag ah ku Meel Mariyay afartaasi qodob ee ay soo ansixiyeen guddida joogta ee golaha deegaanka
Moyarka caasimada somaliland ee hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco ayaa warbixin xildhibaanada kasiiyay markii ay ucodeyeen afartaas qodob,kaas oo ka waramay waxqabadkii U qabsoomay afartii bilood ee udanbeeyay.
Moyarka oo ugu horeyn ka hadlaya waxqabadkii u qabsoomay afartii bilood ee udanbeeyay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay
sidan.

 

degaamka
“Maanta waa Maalintii 2aad ee Kalfadhigii 6aad ee golaha degaanka caasimada hargaysi yeesho,waxaana aynu maanta halkan ka bilaabnay in ay warbixino ka dhagaysano gudiyada halka fadhiya,sidaad halka ku arkaysaana kani waxa weeyaan buugii waxqabadka golaha deegaanka ee caasimada hargaysa,lakiin warbixinta aanu maanta bixinayno waxa weeyaan afartii bilood ee ina dhaafay iyo wax yaabaha taagan, oo ay ka mid tahay ajan dayaasheena in ay ku jiraan.
Moyarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Solteco Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Intaasi Ku Daray”
“Runtii Afartan bilood ee ugu horeeyay sanadkan hawlo badan ayaynu qabanay oo ah wadada dhex ee kasoo bilaabmaysa haleeya kuna joogta isgoyska xaafada jigjiga yar maalmaha soo socdana la gaadhsiin doono ilaa kaan taroolka,Halkaas oo ay lacag badani ku baxday qayb ka mid ah waxa bixiyay xukuumada qaybta kale waxa bixisay dawlada hoose ee hargaysa.

“waxaanu kale oo aanu dhamaan badalnay shirkadihii guri jiray qashinka markaas shirkadii koobaad ee soo dhamaysatay qashinka waxa ay hawl gali doontaa salaasada inagu soo aadan,waxaanan u samayn doonaa xaflada,mar hadii ay la yimadeen iska rogooyinkii qashinka duubanayay.
Dhinac moyar Cabdiraxmaan solteco waxa uu ka warbixiyay inta Buundooyin ee sameyeen intii ay xilka hayeen golaha deegaanka ee caasimada hargaysa waxaana uu yidhi”

“Waxa kale oo aanu samayne Buundo wayn oo laba kiiloo Mitir ah oo ku yaala marka saylada xoolaha laga yimaado,Waxaanu Dhamaystirnay mashaariicdii Sanadkii hore ka hadhsanaa kuwaas oo kala ahaa wadadii siinay oo ahaa halkiilo Mitir,Wadadii Istaanka Jabuuti oo laba kilo Mitiri Ahayd,waxaanu dhisnay wada kale oo kasoo daadagta Xaafada jigjiga yar oo Hal Kiilo Mitir Iyo Badh ah,waxa kale oo aanu dhisnay buundooyinka ay biyuhu hoos maraan waxaan dhamaatay tii axmed dhagax iyo tii Gacan Libaax waxaana aanu dhamaan nadiifina meelahii uu qashinku buux dhaafiyay si aanu cuduro uga dhalan xili roobaadkan inagu soo socda.
Moyarka ayaa faah-Faahin ka bixiyay afartaas qodob ee ay ansixiyeen xilldhibaada golaha deegaanka waxaana uu yidhi”
1 Lacagtii aynu wadooyinka ku qornay markii aynu samay naynay wadada Dhexe waxa lagu soo wareejiyay wadadaas dhex
2waa in ay dawlada hoose amaahato lacag ay kusoo iibsato Qalabkii wadooyinka
3 Waa in la ansixiyo Lacagtii Ciyaartoyda ku ciyaara magac caasimada ee Tagay magaalada kambaala
4 In Moyarka Caasimada Laascaanood oo gaadhigiisi qalibmay in loo iibiyo gaadhi
Dhinac Kale Iyan Kal fadhigaas waxa ka hadlay xildhibaano badan kuwaas oo dhamaantood ka dhawaajiyay waxqabadka ay ku talaabsadeen intii ay xilka hayeen,waxaana ay shacabka u bayaamiyeen meelaha uu dhaqaalahu kasoo galo iyaga oo kal fadhigaasna kusoo bandhigay waxqabadkii kalfadhigii 6aad ee golaha deegaanka,waxaana ay shacabka ku booriyeen in ay cashuurta iska soo bixiyaan si loogu dhiso wadooyin tayo leh.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here