Golaha Guirtida Maraykanka Oo Sheegay Muhiimadda Xidhidh Dhexmara Usa Iyo Somaliland

0
11

Qoraal kooban oo ay soo saareen Golaha Guurtida Maraykanka, gaar ahaan Guddiga Xidhiidhka Dibadda, ayaa lagu sheegay in ay tahay lagama maarmaan xidhiidh ay wada yeeshaan Maraykanka iyo Somaliland.

Guddiga Xidhiidhka Dibadda Golaha Guurtida Maraykanka, ayaa qoraal ay soo saareen Salaasadii shalay, February 1, waxay ku sheegeen xaslilooni la’aanta Geeska Afrika, iyo kor u qaadida tartanka kheyraadka, saamaynta ay yeelanayso ay tahay mid aad muhiim ugu ah Maraykanka iyo Somaliland oo ay sheegeen in ay isku fikir yihiin.

Dhinaca kale, Gudiga Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Golaha Guurtida Maraykanka, ayaa soo dhaweeyey nabadda, dimoqraadiyadda iyo horumarka Somaliland.

Bayaanka gaaban ee ay soo saareen Golaha Guurtida Maraykanka, ayaa kor u sii qaadaya sumcadda Madaxweyne Muse Bihi oo tegaya Washington D.C, 9ka March.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here