Golaha Guurtida Oo Sacabbotun Kusoo Dhaweeyey Go’aankii Maxkamadda Sare

0
52

Hargeysa:(Hubaal)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey Go’aankii Maxkamadda Sare ee Distooriga ahi ka gaadhay Murankii ka taagnaa Muddo-kordhintii Xukuumadda loo sameeyey, waxana ay tilmaameen inay ku qanacsan yihiin go’aankaas.guurti

Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golahaas  ahna ku-simaha Guddoomiyaha Siciid Jaamac Cali oo markii Go’aanka Maxkamaddu soo baxay Xafiiskiisa saxaafadda Kula Hadlay, ayaa sheegay inay go’aankaas si weyn ula dhacsan yihiin, isla-markaana uu yahay Go’aan ay Maxkamaddu xaq u lahayd,

“Ugu horrayn Maxkamadda waa ku hambalyeynaynaa Sida fiican ee ay sharciyadda u raacday, waana maxkamaddii distooriga ahayd ee loogu talo galay marka uu yimaaddo muran dhinaca sharciyadda ahi inay iyaddu tafsiir ka bixiso.” Ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali.

Guddoomiye Siciid oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay maxkamaddu si cad u raacday Go’aankii ay Guurti ahaan hore u soo saareen, isla-markaana ay adeegsatay Qoddobadii ay iyagu horeba u adeegsadeen, waxana uu yidhi,“Maxkamaddu waxa ay waafaqday Go’aankii Golaha Guurtida oo waafaqsan Distoorka qaranka Qoddobadiisa 83-aad faqradiisa shanaad iyo qodobka 22-aad faqradihiisa labaad iyo saddexaad oo ah kii aanu markii horeba ku salaynay go’aankayaga, HOrena waa u sheegnay in go’aankasta oo ay saarto aanu ku kalsoonaanayno, maadaama ay kii Distooriga ahaa qaadatayna waa soo dhaweynaynaa.”

Go’aanka Maxkamadda Sare ee Shalay soo baxay, ayaa loo arkaa mid lagu siibayo murankii siyaasadeed ee dalka muddada Bilaha kasoo taagnaa, waxana haatan wixii ka dambeeya Culayska la saari doonaa sidii loosii ambo qaadi lahaa qabyotirka Hawlaha muhiimka u ah Doorashooyinka  loo qoondeeyey  inay dalka ka qabsoomaan Sanadka 2017-ka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here