Golaha Wakiilada Oo Beeniyay In Ay Wasaarada Duulista U Ansaxiyeen Lacag Bilaa Sharci Ah Oo Ay Saarteen Dadka Dalka Imanaya Iyo Kuwa Ka Dhoofaya

0
26

Hargeysa(Hubaal) Gudoomiye ku xigeenka gudi hoosaadka dhaqaalaha iyo maaliyada ee golaha wakiilada mudane Cabdiqaadir Askar, ayaa si kulul u beeniyay hadal dhawaan ka soo baxay wasaarada duulista iyo hawada ee Somaliland oo sheegaayay in golaha wakiiladu soo ansixiyeen lacag lagu kordhiyay cashuurta madaaradadalka taasi oo wasaarada duulistu bilowday bishan aynu ku jirno kowdeedii 1/1/2015,

golaha wakiiladaTodobaadkan ayaa Maamulaha Madaarka Caasimada ee Egail Intranational Airport- uu ku sheegay shir jaraaid oo uu qabtay inay wax ka bedel iyo dib u habayn ku sameeyeen cashuurta ay ka qaadaan rakaabka dayuuradaha ee isticmaala Madaarada dalka. Waxaanu ku nuux-nuuxsaday inaanay jirin haba yaraatee wax cashuur ah oo la kordhiyay.

Maamuluhu wuxuu sheegay in markii hore rakaabka laga qaadi jiray $30 markuu dalka soo gelayo iyo $30 markuu baxayo taasoo wadarta guud ka dhigaysa $60. Maamuluhu wuxuu sidoo kale xusay in rakaabka laga qaadi jiray lacag dhan $10 oo amaanka Madaarka ah isla markaasna ah cashuuraha tacaariifta Madaarka iyo $3 oo service ah lagana qaadi jiray rakaabka markay soo degayaan iyo marka ay dhoofayaanba oo Baarlamaanka laga ansixiyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay $3+$3=$6 inay tahay khidmada Madaarka (service). isla markaasina $10 inay tahay cashuur xagga amaanka ama security tax ah. lacgtaasi oo dhan 16 doolar oo uu sheegay in ay joojiyeen qaadisteeda hase ahaatee ay shirkadha diyaaradahu ay lacagtaasi ka qaadi doonaan dadka dalka imanaaya ee ay ka iibinayaan tigidhada.

Dhanka kelna shirkadah diyaaradaha ayaa wasaarada duulistu waxa ay u dirtay qoraalo ay ku amrayso in dadka tigidhada ka goosnaaya ee dalka imnaaya ama ka baxayaba in ay saaraan cashuur dhan $21 doolar taasi oo ay halkaasi ka muuqato $5 doolar oo dheeraad ahi oo aan meelna ku qorshaysnayn.

Hadaba Gudoomiye ku xigeenka gudi hoosaadka dhaqaalaha iyo maaliyada ee golaha wakiilada mudane Cabdiqaadir Askar, oo  u waramay shabakada Qarannews, ayaa sheegay in haba yaraatee ayna jirin wax ogolaansho ah oo ay wasaarada duulista iyo hawadu ka heshay golaha wakiilada mana jirto ayuu yidhi wax aanu ansixinay haday tahay arinta Tigidhada la saaray iyo haday tahay cashuurta la mideeyay toona, waxana aanu wasiirka ugu baaqaynaa in uu arintaasi saxo oo golaha hor keeno qorshaha cusub ee la fool eryaayo ee sharci darda ah.

Arintani ayaa buuq ka dhex abuurtay shirkadaha diyaaradaha iyo dadka tigidhada ka iibsada taasi oo ay saamayn weyn ku yeelan doonto qoysaska qurba jooga ee sanad walba dalka keena caruurtooda oo aan kolkii hore wax lacag ah aan laga qaadi jirin, siiba waxa ay dhib weyni la soo gudboonan doontaa dadka watacaruurta badan

somalilandtomorrow

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here