HUBAAL TV: DAAWO WARAYSI XIISO BADAN OO LALA YEESHAY MUSHARAXA MADAXWAYNAHA XISBIGA UCID JAMAAL CALI XUSEEN
“Anagu UCID Ahaan Waxaanu U Arkaynay Marka Hore-Ba In Xukuumadda Iyo Baarlamaanku Ay Is-Wateen, Wixii Danta Ummadayadu Ku Jirto Waanu Ku Khasbanahay Laakiin Waxaananu Marnaba Aqbali Doonin In Guurtida Iyo Xukuumadu Ay Intay Qol Madaw Galaan Ay Sidoodii Iskugu Duuggaan Muddo-Kordhin”
“Golaha Wakiiladu Sharci-Daro Ayey Ku Fadhiyaan Afar Sano Iyo Dheeraad, Waxa Kale Oo Ka Daranba Iyagaa Isku Ansixiyey Wakiiladu Inay Markay Doorashadda Ka Degaan Ay Hadana Sanad Dheeraad Ah Ay Mushaharka Sii Qataan Iyagoon Qaranka Shaqo U Haynin”
“Dawladu Waaba Ta Kaliya Ee Sharci Ku Fadhida Ee Mudadeedii Aanu Dhamaanin, Markaa Somaliland Dimuqraadiyadeedii Baa Dhutunaysa Oo Hantaaqo-Soo Gaadhay Oo Haddii Ay Noqdaan Koox Isku Korkordhisa Bulshadii Baanay Taasi Dhaqaynin”Musharaxa madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Jamaal Cali Xuseen