Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Xeer Guurtidu Ku Soo Celisay

0
25

Hargeysa(Hubaal) -Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta Ansixiyay Xeerka Aasaasida Komishanka Dib-u- Habaynta Shuruucda  Xeer Lr.66/2014, oo kasoo noqday Golaha Guurtida, isla markaana ay Guurtidu Wax ka badal kusoo sameeyeen. Fadhiga oo uu gudoominayay Gudoomiye xigeenka wakiilada Baashe Maxamed Faarax waxaa loogu codeeyay Qodob qodob xeerka Guurtidu wax ka soo bedeshay ee horena wakiilada looga ansixiyay.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Mudane C/risaaq Siciid Ayaanle ayaa qodob qodob u akhriyay dhamaan isbadaladii ay Guurtidu ku sameeyeen iyo sida uu markii hore ahaaba, iyadoo isla markaana qodod qodob loogu codeeyay, waxaana inta badan Xildhibaanadu ay u codaynayeen sidii uu Golaha Wakiiladu ku ansixiyay Xeerka.

golaha wakiiladaGababagadii waxaa si duuduub ah loogu codeeyay Xeerka,Waxaana ogolaaday in xeerka la ansixiyo  41 mudane, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay in la ansixiyo 6 mudane, iyadoo Guddoomiyuhuna aanu codayn sida caadiga ah. Tirada guud ee mudanayaasha Golaha fadhiyayna waxay ahaayeen 48 mudane.

Sidoo kale barito waxa uu Guddoomiyuhu iclaamiyay in Goluhu u codayn doono Xeerka Booliska oo kasoo noqday Madaxtooyada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here