Golaha Wakiillada Oo Cod Aqlabiyad ah Ku Meel Mariyay Xeerka Duur-joogta Iyo Deegaanka

0
28

Hargeysa (Hubaal) Fadhigii Maanta ee Golaha wakiilada somaliland oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayay mudanayaashu Cod Aqlabiyada Ah ku Meel Mariyeen Xeerka Duur-joogta iyo Deegaanka.

golaha wakiiladaXildhibaanada Fadhigan Kasoo Xaadiray Ayaa Tiradoodu Dhamayd 48 Xildhibaan,Waxaan Xeerka u Codeeyay 42 ,mudane,Waxaana diiday,3 Mudane ,Waxaana ka Aamusay Xeerkan 1 Mudane,Guddoomiyahuna Muucodayn.

Xeerka Oo Mudo Badan Horyaala Xildhibaanada Golaha Wakiilada somaliland ayaa Sidaasna ku dhaqwan Galay Saaka isaga oo loogu codeeyay Cod Aqlabiyada Leh.

Xeerka Duur-joogta iyo deegaanka Ayaa Faa’ido Badan ugu Fadhiya Dalka Sida uu sheegay Guddoomiyahu isaga oo dalka ka Mam-nuucaya in Laga Ugaasado Ugaadha Joogta iyo

In La Jaro Dhirta Oo Faro Ban  Ay Dadku ku hayaan isla markaas Laga soo Shido Dhuxul.

hadhwanaagnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here