Golaha Wakiillada Oo Fadhi Albaabadu U Xidhan Yahay Kaga Arrinsaday Warqad Farriin Xambaarsan Oo Madaxweyne Biixi U Diray

0
11

Dulucda Hal Qoddob Oo Loo Badinayo In Warqadda   Madaxweynuhu Xambaarsanayd

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Oo amray In Xoghaynta Golaha Iyo Xubnaha Warbaahintuba Ka Baxaan Hoolka xildhibaannadu ku sugnaayeen

Hargaysa(Hubaal)Fadhigii shalay ee golaha wakiiladda Somaliland ayaa lagu wargeliyey nuxurka warqad uu madaxweyne Muuse Biixi U soo qoray shirguddoonka golahaas, taas noo farriinta ay xambaarsanayd khusaysay dhammaan xubnaha golaha wakiillada oo dhan. Fadhigan oo uu guddoominayay guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa markii uu furmay ood abcan ay saxaafadduna goob jog ka ahayd waxaa   guddoomiye Baashe Maxamed Faarax uu amray in xoghaynta golaha wakiillada iyo bahda warbaahintuba hoolka dibada uga baxaan isaga oo sheegay in goluhu uu gelayo shir u gaar ah iyaga.

Sida xalay degelka hadhwanaagnews oo aanu warkan ka soo xiganay lagu baahiyey  kulanka gaarka ah ee shirguddoonka  golaha wakiilladu la yeeshay mudanayaasha ayaa loogu sheegay farriinta ay xambaarsanayd warqadda ka timi xafiiska madaxweyne Biixi taasi oo guddoomiye baashe sheegay in uu madaxweynuhu codsaday in loo ballamiyo xubnaha golaha oo dhan kuwaas oo uu hadhimo u samaynayo horaanta toddobaadka soo socda, sidaasi darteedna uu maalinta sabtida isa soo xaadiriyo xildhibaan kasta oo golaha wakiillada ka tirsan.

Maxay daaran tahay hadhimada madaxweynuhu u fidiyey golaha

Ma jiro war intaas dhaafsiisan oo shirguddoonku siiyey golaha isla markaana ay warbaahintu heshay hase yeeshee xubno ka gaabsaday in magacyadooda la xuso oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa laga soo xigtay in dulucda casuumada qadada ah ee madaxweynuhu  khusayso sidii uu xubnaha golaha ugala hadli lahaa muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiillada maadaama oo doorashadii la quudaraynayay ay dib u dhacday

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here