Kal-fadhiga 31-aad ee Golaha Wakiillada Oo Maanta Toddobaadkiisii Labaad Gelaya Xilli Aanay Kasoo Go’in Inay Dhiibaan Qaadhaankii Ay U Jareen Abaaraha
Hargeysa:(Hubaal)-Kal-fadhigii 31-aad golaha wakiillada Somaliland, ayaa maanta oo sabti ah toddobaadkiisa labaad gelaya, waxana mudanayaasha aqalkaasi weli diiddan yihiin inay shaaciyaan qaddarka qaadhaanka ay kaga qaybgelayaan abaaraha baahsan eek a jira gobollada bariga dalka.
Mudanayaasha wakiillada ayaa intii kal-fadhigooda 31-aad lagu jirey waxa ay fadhiisteen muddo afar maalmood ah, waxana ay maanta gelayaan maalintii shanaad, balse ilaa iyo haatan ma jirto wax qaadhaan cayiman ah oo ay si wada jir ah ugu dhawaaqeen inay mushaharkooda uga jarayaan dadkaas abaartu taabatay.
Xildhibaanada wakillada oo in badan oo kamid ahi kasoo jeedda gobollada ay abaartu ka jirto, ayaa sidoo kale meel hoose kaga jira ololaha la doonayo in lagu taakuuleeyo dadka iyo duunyada dhibta abaartu gaadhay, waxana ay ka gaabsadeen inay xataa baaqyo lagu xoojinayo qaadhaanka abaarta loo ururinayo ku dhiirradaan.
Mudanayaasha wakiillada oo tiradoodu dhan tahay 82-mudane, ayaa mid weliba waxa uu mushahar u qaataa lacag gaadhaysa ilaa $2,000(laba kun oo dollar) oo saafi ah marka laga jaro lacagaha kale eek al-fadhiyadooda ku qaataan, waxana ay safka hore kaga jiraan cidda lacagta ugu badan ka qaadata qarankan curdinka ah ee dadkiisa inta badani iska camal la’ yihiin, iyada oo kuraasida ku fadhiyey muddo ka badan 11-sanadood.
Shacabka ayaa weli sugaya jawaabta ay wakiilladu ka bixin doonaan abaarta baahsan ee gobollada bariga ka jirta, maadaama si weyn loo tuhun yahay in lacagaha xad-dhaafka ah ee golahaasi u xaadiro haddii wuxuun laga soo gooyo ay wax badan ka tari doonto dhibaata abaareed ee deegaanadaas ka jirta.
Dhawaan ayey ahayd markii golaha guurtida Somaliland ay ku dhawaaqeen inay qaadhaan gaadhaya in xildhibibaan waliba laga jari doono 2000,000(laba milyan) oo shilinka Somaliland ah, taas oo uu si hal adaygnimo ah u maamulay guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu mudanayaasha ku dhiirrigeliyey inay dadkooda wax la qaybsadaan.
Guddoomiyaha wakiillada, ayaa isagu safarro siyaasadeed ku hawllan, waxana uu haatan socdaal ku joogaa magaalada Burco ee gobolka Togdheer, waxana la filayaa in ku-xigeenkiisa koowaad ee golahaas Baashe Maxamed Faarax uu maanta fadhigaas hoggaamin doono.
Wakiillada oo muddo lix sano ah muddo-dhaaf ku fadhiya, isla-markaana dhaliilo badan oo xagga waxqabadka ahi dul hoganayaan, ayaa haatana waxa il gaar ah ku haya shacabka abaartu haysto oo ka filaya inay u qoondeeyaan lacag ka badan middii ay guurtidu isku xukuntay.